Midowga Yurub oo qorshaynaya in weeraro lagu qaado Somalia Gudaheeda! - Xog Sir ah!

Nairobi (Keydmedia) - Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in midowga Yurub ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan "Burcad Badeeda" Soomaalida ee ka ugaarsata badda Soomaaliya iyo badaha ku teedsan. Keydmedia ayaa arintaas u kuur gashay.
Maqaallo Keydmedia Online
Midowga Yurub oo qorshaynaya in weeraro lagu qaado Somalia Gudaheeda! - Xog Sir ah!

Midowga Yurub ayaa danaynaya inay sharciyaystaan weeraro ay ku qaadaan goobaha birriga ah ee xarumaha u ah burcad badeeda iyo doomaha ay haystaanba, iyadoo markii hore loo igmaday ciidamadooda bada ku sugan inay ilaaliyaan oo kaliya maraakiibta iyo doomaha maraya meelaha u dhow  xeebaha Soomaaliya.

Xogtan hoose ayaa waxaa Qoray wargeyska kasoo baxa Dalka Jarmalka ee magaciisa la yiraahdo Frankfurt Allgemeine Zeitung, mana cadaynin wargeysku meesha uu ka soo xigtay xogtaan xaasaasiga ah ee muujinaysa in midowga Yurub ay qorshaynayaan weerar lagu qaado waddanka Soomaaliya gaar ahaana magaalooyinka ku yaalla xeebaha ee lagu tuhunsanyahay inay saldhigyo u yihiin burcad badeeda Soomaalida.

Waxaana warbixintani ay kusoo aadaysaa iyadoo ay jiraan qorshayaal ay maleegeen wadamada gobolka oo dhammaantood ciidamadoodu ay ku soo duuleen Soomaaliya iyo wadamada reer galbeedka oo iyaguna qorshaynaya inay xisaabta dhinacooda helaan, maadaama uu qorshahani u egyahay mid sanado badan laga baaraan dagayay oo lagu qabsanayo dhulka Soomaaliya ujeedkuna uu yahay kheyraadkiisa dihin ee aan wali cidi ka faa’iidaysan.

Stephan Löwenstein oo Warbixintaan Qoray ayaa sii raaciyay in arrintan ay gudiga siyaasada iyo ammaanka u qaabilsan midowga Yurub u xilsaareen hogaanka Atlanta ee la dagaallanka Burcad badeeda, kaasoo ah magaca loo bixiyay hawlgalka ciidamada midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Keydmedia markeey arintaan u-kuurgadhay ayee soo ogaatay in waxaan "lagu sheego" Operation Atalanta uusan aheyn ladagaalan Burcad Badeed ee Sababta dhabta ah tahay in Dalka Soomaaliya xeebihiisa la qabsado, lagana sameeyo Dhul ka caagan Dadka Soomaalida oo Dalxiiska loo furo.

Horay waxaan u ogeeyn in Soomaaliya Sovereignty-geeda laga xayuubiyay, waxaana laga heystaa Civil Aviation-ka (Taraafiga Diyaaradaha ee Dalka Soomaaliya dulmara Ruqsadooda waxaa bixiya United Nation-ka Nairobi jooga).

Sidoo kale waxaa hore loo qabsaday Badda Soomaaliya oo 3333.3 kun oo Mayl dhirirkeedu yahay, waxaana laga xaalufiyaa Sanadwalba Kaluun gaaraya 250.000 oo MT (metric ton) oo waliba Kaluunka Qaaliga ah sida Toonada Bluuga (Blue Tuna) oo kiiladii Suuqa London lagu kala gato 75 Dollar. Toonada Bluuga waxey kamid tahay xeywaanka Aduunka gabaabsiga ku ah.

Warbixinadda Qaarkood ayaaba sheegaya in maraakiibta Shisheeya ee gurta kheyraadka Dalka ay xiriir la leeyihiin dad ka tirsan  horjoogayaasha Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la sheegaa in maraakiibtaasi ay wataan Documents loogu ogolaaday in ay xalufinta kheyraadka Dalka.

Philipp Wittrock oo ah Saxafi u dhashay Dalka Jarmal ayaa Keydmedia u sheegay iney Ciidamada Jarmalka iyo Fransiikuba ey marar badan Duqeeyeen Doomo ganacsi oo Soomaali u rarna, ayagoo Warbaahintooda ka sheegay iney Duqeeyeen Doomo Burcad Baded.

Xogtan qarsoodiga ah ayaa muujinaysa ajandayaasha ay cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku mashquulsan colaada gudaha iyo macaluusha haysata kumanaan dad ah oo ku nool gobollada koonfureed ee dalka.

Waxaana Soomaaliya ay haatan gashay marxaladii ugu adkayd ee Taariikhdeeda, iyadoo ay dagaal ku soo qaadeen Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi iyo wadamada reer galbeedka oo iyaguna miiska hoostiisa ka riixaya wadamadan kana taageeraya dhanka dhaqaalaha, siyaasada, milatariga iyo waliba sirdoonka.

Dhawaan waxaa iyaduna dagaalka si toos ah uga soo qayb galaya, wadamada midowga Yurub oo marmarsiiyo ka dhiganaya burcad badeeda, waxayna taasi si fiican hurdada uga toosin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee ay horjoogaan calooshood u shaqaystaal dulaalaya waddanka sheeganayana inay iyagu yihiin Madaxdii Dalka. Kuwaasoo mar walba saxiixa qorshayaasha ay shisheeyuhu ka leeyihiin dalka, iskuna dayaya inay shacabka u hoodaadeeyaan Cadow duullaan ku ah jiritaankiisa.

Soomaaliyeey Toosa oo kaca!

Keydmedia Editorial Desk - Nairobi & Frankfurt





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.