Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Dalka waxa uu gacanta u galay hogaamiyaal magacyo kale duwan leh, kuwaas oo u midoobay dhibaateynta shacabka isla markaana caadi ka dhigtay mucaarado in lagala hor yimaado talaaba walba oo la qaado iyadoo horumar iyo dib u dhac toona aan loo eegin.
Dhinac walba waxa uu u olaoleeyaa sidii uu u qaadi lahaa talaabo uu kaga hor imaanayo dhanka kale iyadoona haba yaraatee aan laga fakarin danta guud ee bulshada.
Horaantii sanadkan ayeey aheyd markii wasiirkii hore ee lacagta uu shaaca ka qaaday in Dowlada ay qandaraas lacag sameyn ah la gali doonto dowlada suudaan, waxaana mudo yar kadib suuqyada Magaalada Muqdisho lagu arkay lacag cusub oo kun Shilin Soomaali ah, sooma wanaagsaneen maadaama Dowlada ayba qaaday talaabo lacag lagu daabacyo in ay daabacdo lacag ka yar kun shilin?.
Markii uu soo baxay warka Sheegaya in lacagta ay suuqa soo gashay ayaa waxaa hadala kae duwan ka soo saaray kooxaha Dowlada ka soo horjeeda kuwaa oo sheegay in lacagtaasi aan la adeegsan Karin cidii lagu arkana talaabo laga qaadi doon, hadaba talaabada waa ceynkee? Afhayeenka shabaab iyo gudoomiyaha Xisbul islaam ee gobalka Banaadir ayuu hadalkaasi ka soo kala baxay maalmo is xiga.
Inkastoo iminka lacagti ay faaftay ayaa hadana waxaa jira in ay wali diidan yihiin dhinacyada dowlada ka soo horjeeda deegaanadooda in laga isticmaalo waxaadna arkeysaa meelaha qaar iyaga oo baaraya lacagaha ay dadka wataan isla markaana jeexaya dhamaan lacagta cusub.
“Rakaab waxaan idiin sheegayaa in lacagta cusub aan halkan lala iman Karin, ha dhibina darawlada iyo kirishbooyada, hada kadib waxaan baari doonaa jeebabkiina hadii joojin weysaan isticmaalka lacagtan cusub” sidaa waxaa ku amray rakaab saarnaa gaari wiil dhalinyara ah oo joogo meel lagu baaro gaadiidka oo ku taala agagaarka isgoyska bakaaraha.
“Kala bar lacagti aan heystay waxaa la yiri lama ogola, dadkana way na siiyaan marka aan how u qabano, hada maxaan sameeyaa soo tani dhibaata ma ahan hadii lacagti dhana laga ogol yahay dhana laga diidanyahay” sidaa waxaa ku calaacashay hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dhabarkooda ku xamaasho ee ka shaqeysta suuqa Bakaaraha.
Hadaba marki si hoose loo eego arinka soo uma muuqdo in labada dhanba dowlad iyo mucaarad aanu ixsaan u sameyn shacabka, maadaama Dowlada deegaanada ay ka taliso ay askarteeda ku qasbaan shacabka qaadashada lacagta, iyadoo dhanka kalana askarta kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ay shacabka ku qasbaan in ay diidaan lacagtaasi.
Add comment
Comments