MUQDISHO: MASARTA MAANTA!!

Haji Seeko (Keydmedia) - Muqdisho waxay dhex maquureysaa kacdoon Shacab mudo 48-saacadood ah, waxaana marka si qota dheer loo eego arinta muuqaneysa in kacdoonka ka socda Muqdisho uu mataan la yahay kacdoonadii maser ee lagu riday madaxweynihii Dalkaasi Max’ed Xusni Mubaarak.
Maqaallo Keydmedia Online
MUQDISHO: MASARTA MAANTA!!

Kacdoon wadayaasha Muqdisho waxay saaxib la yihiin oo amnigooda sugaya ciidamada Milatariga si la eg kacdoon wadayaashii Masar, waxaana muuqata in ciidamada iyo shacabka ay dhan u wada jeedaan ayna doonayaan inuu sii nagaado R.wasaare Farmaajo.

Suxufiyiin ka tirsan Keydmedia isla markaana ay furantahay isha kaamaradooda ayaa ku lug darsaday koox dibad baxayaal ah oo socdaal ka bilaabay Aargada KM4 una jiheysatay dhanka madaxtooyada, waxa ay ku qeylinayeen kacdoon wadayaasha Muqdisho “ Dooni meyno shariif Sakiin, doono meyno shariif la soo gamay, waxaan doonayenaa nabad, waxaan dooneynaa wax qabad, waxaan dooneynaa Farmaajo inuu madax noo ahaado” .

Gacmaha dibad baxayaasha waxaa si isku mid ah ugu jiray Sawirka Farmaajo iyagoona gubayay Sawirka Mahiga uguna goodinayay in aanu Dalka iman Karin Shariif SAKIIN oo ay sheegeen inuu yahay khaa’inul wadan Dalka iyo dadka aan dan u heyn.

Marnaba kama daalin dibad baxayaasha in ay kacdoonkooda wadaan, waxaana socdaalkooda ay ku hakiyeen mudo afaafka madaxtooyada iyo guriga uu ka daganyahay xarunta Madaxtooyada shariif Sakiin kaasoo ay dhagxaan ku tuurayeen in muda ah.

Kacdoon wadayaasha waxa ay isu qeybiyeen laba qeybood, waxaana koox ka tirsan oo uu hagayo Gaari nooca Homeyga ah oo cod baahiye lagu xiray ay hormareen TIYAATARKA QARANKA iyagoona beegsaday dhanka degmada Shangaani.

Koox kale ayaa ka leexatay taalada SYL isla markaana u jiheysatay dhanka Bacaadlihii hore iyagoona u sii gudbay dhanka wadada Via Roma ee xiriirisa degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar weyne.

Dibad baxayaasha ayaa xili ay ku sugnaayeen meel ku dhaw isgoyska Xamar jajab ayaa waxaa rasaas ku furay dhalinyaro ilaalo ka heysay Hotel Muna oo ku yaala degmada xamar Jajab, waxaana rasaastaasi ay sababtay geerida wiil dhalinyara ah oo ka mid ahaa kacdoon wadayaasha.

Arintan waxa ay cara galisay dibad baxayaasha iyagoona bilaabay in ay dhagxaan isaga caabiyaan kooxdii risaasta furtay, ciidamada milatariga dowlada KMG ah oo gacan siiyay kacdoon wadayaasha aya waxa ay gacanta  ku dhigeen laba ka tirsan ilaalada Hotel madiina iyo qoryahoodii.

Dibad baxayaashu ma hakin dhagaxtuurka ay ku hayeen Hotelka, waxaana ay markii danbe gudaha u galeen hotelka oo waxa ay iyaga oo careysan banaanka u soo saareen dhamaan qalabkii jiifka iyo fadhiga Hotelka, iyagoona dab ku qabadsiiyay afaafka Hotelka.

Ma aheyn dibad baxyaasha kuwa si gaar ah ugu careesnaa Hotelka, laakiin waxa ay ka kacdoomeen dilka loo geestay mid ka mid ah dadkii garab taagnaa ee qeybta ka ahaa howasha dibad baxa.

Waxaa gudaha Hotelka dabka la qabadsiiyay ku jiray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo tiradooda sida la sheegay ay aheyd 15 iyagoona qaarkood ay kacdoon wadayaashii isugu sheegeen in ay yihiin shacab hotelka daganaa kana raali ah kacdoonkooda taasoo keentay in ay nabad galaan.

Dhanka kale marka laga soot ago hantida hotelka kacdoon wadayaasha waxa ay gabi ahaanba burburiyeen gawaari taalay ilinka Hotelka iyagoona furfuray boolashii gawaaridaasi qaarkoodna qaarkoodna ku burburiyay albaabada iyo qalab kale oo muhiim ah.

Waxaa laga soo tagay hotel Madiina iyadoona kacdoon wadayaasha ay soo beegsadeen dhanka madaxtooyada halkaasoo mar kale ay ka bilaabeen socdaal ay ku hiigsanayaan Hotel wehliye oo ay ku tuhmeen in ay ku shirayaan xildhibaano ku fakar ah Shariif Sakiin, iyagoona si nabad galyo isugu gadaamay hoteelkaasi laakiin dhibaato kama dhicin halkaasi.

Galabnimadii maanta xiligii salaada casar kadib ayeey mar kale diba baxyaasha isugu tageen agagaarka masaajidka isbaheysiga Islaamka halkaasoo uu kula hadlay Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka C.shakuur Shiikh Xasan Faarax oo qarax lagu dilay kolkii uu gurigiisa ku soo laabtay.

Waxa ay lahjad adag iyaga oo adeegsanaya sheegeen kacdoon wadayaasha in aanay ku raali noqon doonin is casilaada R.wasaaraha waxaana ay sheegeen in dibad baxa ay wadi doonaan tan iyo inta laga ogolaanayo inuu R.wasaaraha sii shaqeeyo.

Mar uu maanta ka hadlay Raadiyaha Dowlada ayuu R.wasaare Max’ed Farmaajo waxa uu sheegay in la arkay dareenka shacabka isla markaana xaalada dib loo eegi doono isagoona codsaday shacabka iyo ciidankaba in ay is dajiyaan isla markaana ay hakiyaan rabshadaha.

Dhanka kale gudoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho Tarsan ayaa isaguna ugu baaqay kacdoon wadayaasha in ay ka feejignaadaan Qatar uu sheegay in ay suurta gal tahay in laga wajaho dhanka kooxda shabaab.

Dad badan waxa ay la yaaban yihiin qaabta ay u socdaan kacdoonada Muqdisho ee u macnaha dhaw kuwii masar, waxaana dadka u dhuun daluula arimaha caalamka ee ku sheekeynayaan in Muqdisho ay gashay xaalad u muuqaal eg kacdoonadii masar ee lagu diidanaa madaxweyne Mubaarak. Su’aashuse waxay tahay akhriste maxaa sababay Kacdoonadan ka jira Muqdisho? Arintaasi waxaan ka sameyn doono warbixin Maalinta Bari ah INSHA-ALLAH.

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent

------------------------------------------------------------------------------

WAR DEG DEG AH Wasiirka Arimaha Gudaha oo la Qarxiyay

Kacdoonkii Shacabka iyo GUBASHADA Hotel Madiina!! DAAWO

------------------------------------------------------------------------------





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.