Muranka Dekadda : Oohinta Orgiga ka weyn!!

Waxaad maqashay Max’ed Jaamac Furux oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ay u kala xirneed Muqdisho iminkana ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa xanibay howshii dekadda Magaalada Muqdisho, ma is weydiisay sababta?.
Maqaallo Keydmedia Online
Muranka Dekadda : Oohinta Orgiga ka weyn!!

Keydmedia xog ay heshay 4 September ee sanadkan ayeey ku ogaatay in qaab maamulka ilaha dhaqaalaha dowladda  sida Dekadda iyo Airport-ka  lagu wareejin doono shirkad ay maamulaan kooxa calooshood u shaqeystayaal ah lagana leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo SKA, waxaana xogtaasi ay ka soo xooraansatay keydmedia saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyada oo diiday in magacooda warbaahinta uu ka soo muuqdo.

Xogtaasi waxa ay muujineysay in isbadal lagu sameyn doono qaab maamulka dekada isla markaana la qorsheynayo in la badalo maareeyihii dekadda ee xiligaas Xasan Macalin iyadoona lagu badalayo nin Lagu magacaabo Sayid Cali oo gogal xaar u noqonaya howsha SKA.

11 September 2010 warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska R.wasaarihii hore Dr Cumar C/rashiid ayaa lagu sheegay in qaab maamulka dekadda isbadal lagu sameeyay isla markaana xilkii maareeyaha laga qaaday Xasan Macalin loona magacaabay xilkaasi Sayid Cali Macalin C/lle , waxaana magacaabista sayid Cali sida xogti hore ay muujisay ay udub dhig u tahay SKA howlaheeda.

Tan iyo markii uu la wareegay maamulka Dekadda Sayid Cali wuxuu baaris ugu jiray docoments-ka ay ku shaqeyso dekadda maadaama uu shirkad ajnabi ah uu shaqo la wadaagi doono, waxaana uu la yaabay markuu arkay in dekada shaqalaheeda marka laga yimaado ay biil joogta ah ka qaataan qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, waxaana uu amray in la joojiyo lacagaha ku baxa hogaamiye kooxeedyada.

Max’ed Jaamac Furux oo heystay dekadda Muqdisho xiligii hogaamiye kooxeedyada, Cabdi Jiinow Calasow oo xili maareeye ka noqday dekadda, Cumar Max’ed Max’ud (Finish) oo ka tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, Salaad Cali jeelle oo noqday xili wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga, Max’ed Dheere oo gudoomiyaha gobalka iyo Duqa Muqdisho Soo noqday ayaa intaba waxa ay dekada bishiiba ka qaadan jireen midkiiba lacag qadarkeeda lagu sheegay $15000, taasoo iminka Sayid Cali Macalin C/lle uu hakiyay, sidoo kale sayid Cali waxa uu dekadda ka eryay oo liiska shaqaalaha mushaariga ah ka saaray ku dhawaad 64 qof oo dhar cad aheyd isla markaana iyagoo aan shaqa qaban mushaaraad joogta ah uu dekadda uga qoray Cabdi jiinow xiligii uu joogay isla markaana uu siin jiray si la mid ah Sidii cabdi Jiinow, Xasan macalin oo xilkaasi uga danbeeyay.

Maxaa keenay Xiligan in lacagtaasi la hakiyo?

Sababta ayaa lagu sheegay in qandaraaska shirkada calooshood u shaqeystayaasha ee SKA uu bilaaban doono horaanta sanadka 2011 isla markaana iminka maadaama gabagabo uu marayo sanadka 2010 ay waajib ku noqotay maareeya Sayid Cali Macalin C/lle inuu sameeyo isbadal laga gadi karo shirkadaasi.

Qancita SKA uu qancinayo maareeyaha dekadda ayaa cara galisay dadkii ku noolaa dakhliga dekadda ee ka guran jiray lacagaha waxaana xunbahaasi ay garawsadeen inuu doodooda uu furo Max’ed Jaamac Furux maadaama uu kol hore maamuli jiray dekadda isla markaana heeb ahaan uu wax uga sheego maamulka dekadda sida ay wax u wadaan, waxaana xubnaha kale oo ka soo jeeda beesha la eedeyayay ee madaxweynaha ka dhashay ay ka gaabsadeen in wax  ka dhahaan waxa socda iyagoona wakiishay Furux oo kaliya.

Todobaadkii tagay  waxaa dekadda gaaray ciidamo uu hogaaminayo Xildhibaan Furax waxaana ay caraqaladeeyeen howshii dekadda laakiin waxaa ku gacan seeray oo la hadli waayay maamulka dekadda taana waxaa laga dhaxlay hadalo aan miisaaneyn inuu warbaahinta siiyo xildhibaanka isagoo leh musuq ayaa ka jira dekadda, beel gaar ah ayaa isticmaasha dhaqaalaha, mana u dulqaadaneyno oo Soomaalida oo dhan waa in si simin ay u helaan dakhliga dekadda ka soo baxa, marka lafa gur lagu sameeyo oraahdaas ma ahan mid Soomaali idilkeed danteeda looga hadlayo ee waxaa looga jeeday “ waa in maamulka dekadda aanu jirin gunadeena” .

Axmed Cali kaahiye oo ah mareeye ku xigeenka dekadda oo isna la hadlay warbaahinta waxa  uu sheegay in howasha dekadda shaqsiyaad aanu u hakan doonin, isla markaana wixii musuq la xiriira aanu xaq u laheyn ka hadalkooda xildhibaan kaligii meel taagan balse ay u taala gudi howshaasi u xilsaaran iyo wasaaradda maaliyadda, Kaahiye hadalkiisa marka la qiimeeyo wuxuu u ekaa nin dareensan halka ay sirta ka qurunsantahay balse ka meermeeraya inuu farta ku gudo oo uu muujiyo.

Howsha SKA iyo waxa ka hirgalay

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo bishii la soo dhaafay ilaa bishan aynu ku jirno waxaa aad ugu soo kordhayay gudaha Muqdisho dhaqdhaqaaqa shirkadaasi, waxaana dhismayaal waa weyn looga dhisay shirkadaasi laga bilaabo Warshadii Nac naca ilaa deegaanka Jaziira oo ku teedsan goobaha ay ciidamada Amisom dagan yihiin isla markaana dariska la ah garoonka diyaarahada Aadan C/lle ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa gudaha garoonka lagu arkaa xiliyada qaar gaadiid nooca yar yar oo magaca SKA ku dhiganyahay oo ku socda Airporka gudahiisa halkaasoo iminka ay ka wadaan daraaseyn la xiriirta qaabka ay u bilaabayaan howl galkooda.

Wali si la mid ah sida Airport-ka looguma arkin dekadda balse waxaa la filayaa in xili dhaw ay ka howl bilaabaan dekadda magaalada Muqdisho isla markaana ay la wareegaan guud ahaan ammaanka dekadda.

Filcinta Xukuumadda

Khamiistii kulankii golaha wasiirada ayaa lagu soo sheeg qaaday arinta la xiriirta howl hakinta dekadda iyo awood ku faakna hogaamiye kooxeedyada waxaana ay isla garteen golaha wasiirada in talaaba laga qaado cidii ku lug laheyd arinkaas ee hogaamisay ciidamada dekadda weeraray.
 

Soomaalida maxay ka filan kartaa SKA ?

Ma jirto dan muuqata oo la tilmaami karo in ay ka heleyso shirkadaasi umadda Soomaaliyeed, waxaana in badan la rumeysan yahay in shirkadan ay noqon doonto mid si qaldan uga faa’ideysata qeyraadka Soomaaliya gaar ahaan kan badda maadama gacanta loo galinayo laba il dhaqaale oo muhiim ah isla markaana ku teedsan dhul xeebeed aad u wanaagsan.

Read this Article in English - KEYDMEDIA ENGLISH

Abdullahi O. Ahmed - London - keydmedia.net Correspondent

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.