Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin - Qeybta Labaad

Qeybta Koowaad — Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba, Waa Qeybtii Labaad ee Qormaddii Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin oo ay diyaarisay Nasra Abid Osman.
Maqaallo Keydmedia Online
Musalsallooyinka iyo Saameynta ay Qoyska ku leeyihiin - Qeybta Labaad

Carruurta Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

  1. Dadaal la’aan dhinaca Waxbarashada
  2. Ka mid noqoshada Ardayda ugu liita fasallada 
  3. Macallimiinta oo had iyo jeer bannaanka fasalka uga saaraya marka ay arkaan Carruurtii oo fasalka ku sheekeyneysa
  4. Jecleysi saa’id ah fasaxyada Iskuulka iyo Dugsi Qur’aanka
  5. U degdegid shaashadda uu ka fiirsanayo musalsalka, sida in la yiri waa waqtiga salaadda
  6. Caasi waalidiinimo
  7. Xanuunno dhinaca neerfaha mararka qaar ka asiiba
  8. Hammi la’aan dhinaca horumarka
  9. Aqlaaq darro iyo dhaqan xumo

Kuwa qaangaarrada ah dhammaan qeybahaas iyaga oo la wadaaga ayaa waxaa u sii dheer in musalsallada uu qalbiyadoodu aad u soo jiito kuna abuuro dareen rabitaan jinsiyadeed (GALMO), taasi oo ugu dambeyn keeni karta xiriir laba jinsi aan sharci ku saleysneyn, oo ay ka dhalan karto faafifadda cudurro halis ah, sida HIV AIDS, dhalashada ilmo aan aabbe lahayn iyo xiriirro qalloocan oo dhallinta ku dhex faafa.

Waxaa soo raaca taa in dhallinyaradu ay ku saamoobaan hab dhaqanka Jilayaasha musalsalka, sida erayadan oo kale“Hebel waad shidan tahay, caadi ma tihid, waxaadba iila qaab ekaatay jilihii filimkii hebel, Wallee Atoore hebel maba lagaa yaqaanno, isagaadba ka sidataa IWM” oo ah hadallo ka mid ah kuwa ay is dhaafsadaan dhallintu marka ay arkaan saaxiibkood oo u labisan ama ku hadlaya hadal u qaab eg filimadii ay isla daawadeen.

Sameynta Haweenka

Haweenka oo udub dhaxaad u ah bulshada, ahna barbaariyaha koowaad ee ubadka ayaa saameyn aad u balaaran ay ku yeeshaan musalsalladu, qaarkoodna inta ay aad ula dhacaan jilayaasha ayey ugu magacdaraan carruurtooda, waxaad magaalada ka maqlee cunuggan waxaa lagu sammiyey Muhannad, gabadhan yarna waxaa lagu sammiyey Nuurra, Samar ama Nasiim, intuba waa magacyo aan rasmi u ahayn Jilayaasha.

Haweenka qaar ee daawada Musalsallada ayaa nafsadahooda la jila qiyaal aan run ku saleysneen, waxay isku dayaan in ay isku dabbaqaan Nolosha Qoyska Musalsalka iyo tan Qoyskooda, markey arkaan in aanay isqabaneynin labadaasi nolol ayey billaabaan muran iyo qeylo joogta kuna biyo shubta kala tag lammaane (FURRIIN).

Haweenka Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

  1. Dayicidda Xanaannada Qoyska
  2. Furriinka oo bata
  3. Dhaqaalaha qoyska oo hoos u dhaca marka loo eego telefishan oo iska daaran muddo badan
  4. Muqaalafo
  5. Dirir joogta ah labada qof ee nolol wadaagga ah ka dhex aloosan mar walba
  6. Kalsooni darro ragga seygood ah ay ka qabaan
  7. Qiyaano iyo gogol dhaaf
  8. Ku fikirid nolol qiyaali ah liddi ku ah qoyskeeda

Ugu dambeyntii si guud Waxyaabaha xun ee laga dhaxlo musalsallada waxaa kamid ah;

  • Qiyaanid lammaane
  • La falgalin ubadka, haweenka iyo qoyska diin aan Islaam ahayn, tani waa saameynta ugu  weyn Musalsallada lagu arko waxaana u badan ee lagu dhax arko Musalsalladda dalalka Meksika (Mexico) iyo Hindiya
  • Faafin dhaqan aan kan Soomalida ahayn
  • Jiil dhaqammo kale ku dhiirrada, oo dhalanrog iyo uu u dhaco dhaqanguur 
  • Qamriga oo la banneysto ama loo moodo ilbaxnimo iyo hormar, halka uu maandooriye iyo ka yahay dhimir dile, iska badan tihiina ayba keento cudurro halis u ah caafimaadka.
  • Dilka qof kale, oo aadan u ogayn waxa iyo sababta aad u dishay, marka laga reebo muran yar ama dood aan qiimo lahayn oo idin dhex martay.
  • Qiyaanada oo dhaqan iyo noqotay caado
  • Qoyska oo aan is adeecin, war iyo talana aan iska maqal, oo is garab yaac iyo ku nool is daba mar. 
  • Waqti lumis iyo waayo badan oo la galiyo wax aan dheef iyo lahayn natiijo la taaban karo, marka laga reebo xiiso maaneed iyo khiyaalo aan muuqan.

Talo:-

  • Inaad iska dhaafto gabi ahaan musalsallada, haddii aadan joojin karaynna aad yareyso fiirsashadooda, taasi oo ugu dambeyn kuu sahleysa inaad awooddo inaad iska joojiso dhammaan.
  • Saacadaha guud ahaan taleefishinka la fiirsanayo oo la xaddido, laguna aaddin xilliyada waajibaadka ay jiraan sida salaadaha, casharro aqrisashada iyo dib u eegista waxay ubadku  maanta la soo bartay.
  • Waalidiinta soomaaliyeed waa in aanay carruurtooda u fasixin wax walba oo laga soo daayo taleefishinada, haddii aanu ahayn waxyaabo maankooda kobcinaya
  • In haweenku aanu tusaale ugu soo qaadan raggooda jilayaasha musalsalladii ay daawadeen, maxaa yeelay, waxay idin dhaxalsiin kartaa kalsooni darro iyo isku qanacsanaan la’aan soo dadajiya kala tag qoys dhisan.
  • Haweenku waa in ay waqtiyada ay daawadaan musalsalallada ay taa badalkeeda waqti la qaataan seygooda, caruurtooda, ama ay aqriyaan Buugaag.

Dhammaad.

Nasra Abid Osman "Nasra Bakaal"
nasrabakaal@gmail.com

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

  • user pic

    Ahmed

    • 7 June 2020

    Masha’allah




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.