Muxamad Rasulu Allah… | » Dhalashadii Nabi Muxamad (NNK) - (Q. 1aad)

Dr. Axmad Cabdulahi (KON) - Bisha Rabic awal/ mawlid oo ah bisha 3aad ee islamku waa bil u leh muslimiinta qiimo aad u sareeya, oo waxaa dhashay Nabi Muxamad calayhi asalam.
Maqaallo Keydmedia Online
Muxamad Rasulu Allah… | » Dhalashadii Nabi Muxamad (NNK) - (Q. 1aad)

Dadka qaarkoodna waxay kadoodan ma banaantahay in loo dabaal dego dhalashada Nabi Muxamad (nnk)? Waana su´aal uu qof waliba jawaabteeda ujiidi karo dhinaca uu rabo, balse waxaa hubaal ah inay waajib kutahay qofkasta oo Muslim ahi inuu barto, akhrio fahmo, ku daydo siiradii Nabi Muxamad calayhi asalam. Waqti arintaa laga fikiro, lagu baraarugana waxaa ugu haboon bisha Mawlid, hadaba yuu ahaa Nabi Muxamad (nnk) ?

Muxamad ibn Cabdulahi ibn Cabdmutalib, wuxuu ku dhashay magalada Makah, ee barakaysan, tarikhdu markay ahayd 571, laga soo bilaabo dhalashadii Ciise calayhi asalam. Sanadkuu dhashayna waxaa loo yaqanaa sanadkii maroodiga, waana sanadkii uu Ilaahay jabiyay ciidankii boqor la oran jiray Abraha, oo kusoo duulay kacbada sharafta leh siuu u dumiyo. Kadibna Rabi baa usoo diray shinbiro yaryar oo ku hoobiya dhagaxyo naar ah oo isagii iyo ciidankiisiiba halaagay, arintaana Ilaahay wuxuu inoogu sheegay suurada (Alfiil/ alam tara).

Halkaana waxaan ka arkaynaa inay dhalashadii Nabi Muxamad ku bilaabatay kor uqaadida Xaqa iyo jabinta baatilka. Dhinaca kale Nabigu wuxuu dhashay isagoo agoon ah oo aabihii wuxuu dhintay isagoo caloosha kujira, markuu lix sano gaarayna waxaa dhimatay hooyadii, waxaana kafaala-qaaday awowgii Cabdulmutalib, isna wuxuu dhintay markuu 8sano jiray! Kadibna waxaa aabe u noqday adeerkii Abutalib, isaga ayaana ilaalin jiray, xataa markuu weynaaday oo nabi noqday isaga ayaa lagaga haybaysan jiray, gaaladana kacelin jiray. Intuu yaraana waxaa laga arkay mucjisooyin fara badan oo tusinaya inuu noqon doon qof aan caadi ahayn oo yeelan doona mustaqbal weyn.

Magacyadiisa: maalin buu u sheegay saxabadiisii magacyadiisa, wuxuuna yiri; waxaan ahay Muxamad, oo macnaheedu yahay; kii lamahadinayay. Waxaana ahay Almaaxi; oo macnaheedu yahay; kii tirayay gaalimada iyo ficil xumada. Waxaana ahay Alxaashir, kii dadka lagu soo kulminayay cirbihiisa hoostooda maalinta qiyaamada. Waxaana ahay Alcaaqib, kii aan nabi kadanbaynin.

Dhalashadiisuna waxay salka ku haysay baryadii uu Nabi Ibrahim Rabigii baryay inuu umadadiisa usoo saaro Nabi u aqria aayadaha Ilaahay, barana kitaabka Ilaahay oo ka tahira xumaanta…, sidoo kale Nabi Ciise ayaa ku bishaareeyay inuu gadashii iman doono Nabi layiraahdo Axmad.

Yaraantiisii; wuxuu ahaa ilmo aad u dhaqan sareeya oo aan soo marin ciyaal nimo, dhacdhac, xuman iwm, ilaa ay gaaladii u bixiyeen (asadiq al amin/ runlowgii amaanada badnaa). Wuxuuna ka qaybgali jiray wanaag kasta oo umada khayr iyo nabadgalyo ukeenaya, sida heshiis la oran jiray heshiiskii sharafta (xilf alfuduul), oo ku dhisnaa in loo gargaaro/ dulmigana laga celiyo dadka ducafada ah ee soo booqanaya magalada Makah ee barakaysan, oo aad loo dulmin jiray. waxaa kaloo uu adeerkii u raaci jiray safarada ganacsiga ee ay Quraysh ku aadi jirtay Shaam, arintaas oo siisay waayo aragnimo fara badan, iyo garasho dheeeraad ah, maxayeelay dhulkaa waxaa dagenaa dad haystay diinta kirishtanka oo leh caqiido iyo dhaqan ka hormarsan mida dadka degenaa Makah.

Waxaa kaloo uu ka shaqeeyay ari raac, isagoo kaqaadan jiray mushaar uu ku nolaado, maadama uu agoon faqiira ahaa. Taasina waxay ahayd shaqo wanaagsan oo dadka barta tawaduca iyo raxmada, xadiisna wuxuu ku sheegay inuu raaci jiray ari, nabiyadii isaga ka horeeyayna ay sidoo kale ari soo raaceen. Yaraantiisiina Ilaah baa doortay oo toosiyay dhaqankiisa dhinackasta, wuxuuna ka ilaaliyay xumaan kasta oo akhlaaqda dhaawacda sida; beenta, cayda, khiyanada, wax isdaba marinta, xatooyada iwm. Markuu weynaadayna wuxuu Alle nacsiiyay dhaqan xumadii ay gaaladu ku dhaqami jirtay, sida: dilka gabdhaha yaryar ee ladili jiriay, dagaalada badan, khamrada aadka loo cabi jiray, adoonsiga dadka tabarta yar ee la adoonsan jiray iwm.

Kadibna wuxuu ganacsi uga shaqeeyay marwo la oran jiray Khadija bint Khuweylid, oo Rabbi siiyay sharaf, Akhlaaq iyo maal aad u badnaa, waxayna aad ula yaabtay ugana heshay amanadiisa akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisa oo dhan. Waxayna ku dhiiratay inay shukaansato kana codsato inuu guurasado, iyadoo wax badan ka weynayd da´ahaan (25 jir, iyaduna 40sano). Isna wuu aqbalay wuuna guursaday, waxayna u dhashay lix ilmood, 4gabdhood iyo laba wiil.

Waxayna noqdeen reer aad u barakaysan u barwaaqoobay, waxayna dhimatay Khadija Alle haka raali noqdee 26sano, oo aan wax qaylo ahi soo dhexgalin kadib. Markay dhimatay kadibna aad bay ugu weynayd qalbiga nabi Muxamad calay asalam, ilaa ay dumarkii danbe ee uu guursaday kamasayri jireen iyadoo qabriga kujirta, isna uu ugu jawaabay, walaahi mahilmaami karo jacaylka Khadija maxayeelay;

* waxay igu xariirisay maalkeedii, mar ay dadkii kale igooyeen….

* waxay i rumaysay mar ay dadkii kale ibeeniyeen….

* waxay ii dhashay ilmo ayna ii dhalin haweenkii kale.

Halkaan ka Aqriso Qeybta Labaad ee Qoraalka!

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.