? Video - Nolosha Caruurta Darbi-jiifka

DAAWO VIDEO (Keydmedia) - Caruurta Darbi-jiifka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa xilligan waxa ay wajahayaan Dhibaatooyin aad u adag, taasi o loo Sawiri karin Qof aan Arkin.
Maqaallo Keydmedia Online
? Video - Nolosha Caruurta Darbi-jiifka

Markaad martid qaar ka tirsan Wadooyinka Halbowlaha ah ee ku yaalla Muqdisho waxa ay indhahaagu qabanayaan Caruurta Darbi-jiifka ah oo qaarkood qabatiimay Daroogada noocyada ugu halista badan sida Xashiishka iyo Koolada halka qaarka kalena ay noqdeen kuwa nolol maalmeedkooda dabera.

Caruurta Darbi-jiifka ah ee Soomaaiyeed ayaa 20-kii Sano ee ugu danbeeyay waxa ay ku waayeen Dagaalada Waalidiintooda, waxana ay noqdeen kuwa loo adeegsan karo Dagaalada iyo Falalka xun ee ay geestaan Qaswadayaasha Dalka burburiyay.

"Aniga Hooyadey wey dhimatay, Aabaheyganah wuu ka horeeyay. Waligey ma Arkin Nolol fiican" ayuu jiro Cabdullahi (14 jir) oo ey Keydmedia Wareesatay.

Dhalinyaradaan ayaa noqdeen kuwo lagu shaqeysto oo loo adeegsado Ismidaaminta ama Falal kale. 

Da’ ahaan Caruurta Darbi-jiifka ah waa kuwa u dhaxeeya 10 ilaa 20 Sano, waxaana ay ku noolyihiin Derbiyada iyo Wadooyinka hareerahooda.

"Koolada wexey i tusineysaa Nolol macaan, oo waxaan u maleyaa inaan Canada joogo oo Hooyadey iyo Aabahey ey Noolyihiin" ayuu jiri wiil 15 jir ah.

Caruurta Darbi-jiifka ah ee dacadareysan ayaa kusoo batay Muqdisho Sanadkii tagay ee 2011-ka markaasi oo Dalka ay ku dhifteen Abaaro iyo Macaluul.

Kuwa ayaa ka shaqaysta Baalishka, dhaqista Baabuurta halka kuwa kalena ay ku biireen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kooxda Al-Shabab si ay Lacag u helaan.

Warbxinno ay soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda Caruurta ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka safka hore kaga jira goobaha Caruurta lagu askareeyo oo loo dageegsado Dagaalada.

Daawo Sheekooyinka Dhalinyaradaas Qaar kamid ah: 

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho








Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.