Odayaasha Dhaqanka Oo Dhaliilay Mahiga

Bayaan nooga yimid Moqdisho. - Waxaa Bishaan 28-dii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan mudo saddex maalin qaatay oo ay lahaayeen odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ayna ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka KMG, Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada R‘ayidka.
Maqaallo Keydmedia Online
Odayaasha Dhaqanka Oo Dhaliilay Mahiga

Shirkan waxaa si weyn loogu Cambaareyey shirkaku sheega Xalane  ee uu soo abaabulay Mahiga kaasoo ay ku sheegeen inuysan wax xal ah dalka u keeni doonin Marin habaabin mooyee.

Shirkan Odayaasha Dhaqanka waxaa laga soo saaray Bayaan rasmi ah. Isha mari Bayaanka Dhameystiran oo Saxaafada lo Qeybiyey.

SHIRKA DHAQANKA BEELAHA SOOMAALIYEED,

26-28 November, 2011

Bayaanka Kulanka

Soomaaliya waxaa ka soo jirtay Dawlad KMG ah in ka badan 10 sano oo xiriir ah inkastoo la sameeyey iskudayo badan oo la xiriira sidii looga bixi lahaa Ke muulgaarnimada, haddane laguma guuleysan in laga baxo xaalada KMG.

Waxaa illaa hadda wax macne leh oo la taaban karo laga qaban hawlihii kala guurka ee fududeyn lahaa in la gaaro ujeedadii la higsanayey oo ahayd dawladnimo daa’im ah oo hanata dhamaan dalka isla markaasna gaarsiisa dadweynaha adeegyada bulsho ee aadka loogu baahan yahay.

Ummada Soomaaliyeed waxay yeelatay waayo aragnimo buuxda oo ay ku fahmi karto waddooyinkii horey loogu lumay, walina ma muuqato waddo cusub oo ay ku qanacsan tahay ummada oo looga bixi karo ku meel gaarnimada.

Xaaladaas waxay sababtay rajo xumo ku timid dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee si wadajir ah xoog iyo xoolaba u geliyey sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo hanata guud ahaan dalka.

Dareenkaas ayaa keenay in la qabto SHIRKA DHAQANKA BEELAHA SOOMAALIYEED si looga wada arinsado dib u qaabeynta Dawladnimada inta aanu dhamaan xilliga ka harsan sharciyada dhowaan ay cusboonaysiisteen hay’adaha dastuuriga ee dawlada KMG ah.

Haddaba odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ka dib markii:

  1. Ay dareemeen culeyska masuuliyadda ka saran ka talobixinta iyo toosinta danaha shacabka Soomaaliyeed ee dhisida nabadda iyo dawladnimada.
  2. Ay xaqiiqsadeen in barlamaanka hadda jira uu dhacay xilligiisa loona kordhiyey labo jeer oo hore taasoo ka dhigeysa cimrigiisa labo jibaar xilligii loo qoondeeyey inuu xilka hayo, sida ku cad asalka axdiga KMG ah.
  3. Ay ku qanceen in hay’adaha dastuuriga ah ee DKMG ah inay dhameystirin hawlihii loo xilsaaray xilliga kala guurka.
  4. Ay gar waaqsadeen waddo kasta oo loo maro kororsiimo dambe inay keeni karto fashil hor leh oo ay ka dhalan karto kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda iyo colaad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto.
  5. Ay ku qanceen in qaabka uu Ambassador Mahiga u maareynayo dawlad-dhisida Soomaaliya uu yahay mid keeni kara carqalad hor leh oo sii murjisa qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
  6. Ay ku qanceen habka dawlad-dhisida iyo nabad-dhisida Soomaaliya inuu yahay arin la xiriirta masiir ummadeed nasiib darose tahay in Ambassador uu ka dhigay msharuuc kooban oo laga leeyahay dano gaaban oo hooseeya.
  7. Ay isla qireen in dadka Soomaaliyeed wada aqbalsan yihiin miisaanka ismetelaada ku saleysan 4.5 hase yeeshee waxaa nasiib darro ah odayaasha dhaqankuna aaney qaadan Karin in Ambassador Mahiga abuuro hab metelaad ah oo aan lahayn wax sharciyad ah balse soo kordhiyey oo kaliya dheelitir la’aan xagga miisaanka ismetelaada beelaha Soomaaliyeed.
  8. Ay isla qireen in maamulka Ambassador Mahiga iyo masharuciisa cusub ee ismetelaada meel kadhac ku yihiin sharafta iyo haybadda dhamaan hogaamiyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed. Gaar ahaan kuwa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo markasta u taataagan ka gudbinta ummada duruufaha adage e ka dhashay burburka dawladnimada iyo colaadaha raagay.

Haddaba Shirka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka baaqa hoos ku xusan.

BAAQ

  1. In la qabto shir Soomaaliyeed oo ka dhaca gudaha dalka loogana arinsanayo aayaha dalka.
  2. Inaan dib loo qaadin waddooyinkii horey loogu guuldareystay sida ku koobista talada dalka kooxo aan lahayn saldhig sharciyadeed iyo kalsooni shacab.
  3. Dastuur daa’im ah oo ummada Soomaaliyeed ku mideysan tahay wuxuu ka dambeeyaa marka la abuuro jawi suurtagelin kara in dadku si dhab ah uga qeyb qaataan sameyntiisa iyo ansixintiisa.
  4. Haddaba si loo helo dastuur lagu dhaqmo inta laga gaarayo marxalada ku tilmaaman qodobka 3aad, dib u eegis dhab ah halagu sameeyo qabyo qoraalka dastuurka iyo dastuurkii 1960-kii ee ummadu u codeysay kuna midowday, hana laga soo saaro dastuur KMG ah oo lagu sii dhaqmo.
  5. In ciidamada amniga, hay’adaha amniga iyo shuurcdoodaba dib loo habeeyo iyadoo xoogaga amnigana lagu tababarayo dalka gudahiisa.
  6. In si buuxda loo dhameystiro xuquuqda iyo daryeelka ciidanka, lana tayeeyo farsamada iyo qalabka uu adeegsanayo.
  7. In hogaanka iman doono uu noqdo mid leh karti waxqabad, kana hufan musuqmaasuq, six un u adeegsiga awooda dawladnimo iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.
  8. Amniga qaranka ka sokow, muhimada labaad ee dawladu inay ahaato sii wadida dib u heshiisiinta si loogu soo dedejiyaa hoos.
  9. In guud ahaan hogaamiyaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya lagu tixgeliyo laguna garabsiiyo gudashada waajibaadkooda ku aadan nabad-dhisida iyo dawlad-dhisida. 
  10. In hawlaha gargaarka bani’aadanimo lagu bedelo hawlo la xiriira dib u dejinta barakacayaasha , dib u soo kabasho dhaqaalahooda iyo guud ahaan horumarinta.

Mahadnaq

Shirku wuxuu u mahadcelinayaa dhamaan dawladihii, hay’adihii iyo shakhsiyaadkii xoog iyo xoolaba uga qeybqaatay badbaadinta dadkii Soomaaliyeed ee ay ku habsatay macluusha, gaar ahaan dawlada iyo shacabka Turkiga ee iyaga iyo madaxdooda la wadaagay xannuunka masiibada walina sii wada garab istaagida shacabka Soomaaliyeed.

Wa-billahi Towfiq




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.