QABYAALAD FICIL AHAAN U JIRTA, AF MA QARIN KARAA?

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” | “Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane”- Cabdilahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Maqaallo Keydmedia Online
QABYAALAD FICIL AHAAN U JIRTA, AF MA QARIN KARAA?

Intaas kabacdi, akhristaha sharafta badanoow, waxaan qormadan uga hadlidoonnaa sida dadkeena Soomaaliyeed qaarkood iyagoo afka ka diidaya Qabyaalada, gaar ahaan marka eey meelaha maxfalka ah joogaan, eey hadana dhinaca kale, ficil ahaan ugu dhaqmaan isla qabyaaladii, taasoo ku dareensiineeysa baahida ummadeenu u qabto, in afkooda iyo ficilkoodaba uu wanaaga isku raaco, iyo sida ummadeenu guud ahaan ugu baahantahay in eey si dhab ah ula dagaalanto cudurkaa naafeeyey Qarankeenii Soomaaliyeed, halista weeyna ku haya horumarka dalka, nabad ku wada noolaashaha, si cadaalad ah u wada qeeybsashada kheeyraadka dalka, iyo jiritaankeena ka ummad ahaanba. Qormadii oo ku socondoonta qaab layaabid dhaqanka dadka qaar ee iska soo horjeeda waa tan. Waxeeyna ku bilaabaneeysaa sidatan:

Bal kawaran madaxda Safaaradeed ee mataleeysa Qarankii dhamaa ee ummada Soomaaliyeed, hadana dowladaa eey dalka u matalaan deeqihii waxbarasho eey ummada Soomaaliyeed ugu soo dhiibtey, inteedii badneyd ku tixaya reeraha eey kasoo jeedaan, ee waliba inta file ardeykasta loogu abtirinayo u sameystey, odayaasha reerahooda soo hordhigaya, iyagoo jago uga raadsanaya wax u qabadkaa Reerkaa eey ka dhasheen, Nasiibdarase! Ardeyda Soomaaliyeed ee aan reerkooda aheyn balse ogol lacagtii sida xaaraanta ah looga qaadanayey, bal si eey waxbarasho u helaan, aaneeyba xitaa wax ku heleynin.

Bal malee waxa madaxdaa Safaaradeed eey ardeydaa Soomaaliyeed dareensiinayaan, amaba barayaan, iyo waxa laga yaabo in eey ardeydaa iyagana sameeyaan marka kursigaa Safaaradeed eey mustaqbalka dalka iyo dadka u fariitaan.

Nasiibdarase! Raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaagaya kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, waligeen cid uguma eexan, Soomaalinimada ayaa inagu weyn, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Kawaran urur dhan oo Diineed, hadana madaxda ugu sareeysaahi oo dhami, iyo xitaa kuwa jogooyinka muhiimka ah ee kuwaa ugu sareeya ku xigaahi eey wada hayaan Rag dhamaan isku wada reer ah, hadana aan ogoleeyn in eey xaalkaa wax ka badalaan, ee waliba ku andacoonaya in eey ugu mudanyihiin, sidii la rabo haloo sababeeyee!

Nasiibdarase! Raga nuucaas ah ayaa iyagoo Diin iyo Culimonimo sheeganaya, inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Kawaran dhaqaale lagu aruuriyey macaga gurmad ummad weeynta Soomaaliyeed. Dhaqaalahaas oo eey Soomaali oo dhami wada bixisey, iyadoo arinta dhaqaalahaa loo aruuriyeyna gobollada dalka oo dhami eey kawada jirto, hadana qofkii ama kooxdii ugu sareeysey gudigaa "Soomaaliyeed" dhaqaalihii oo dhan, gobolka uukasoo jeedo/eeykasoo jeedaan oo kaliya wixii oo dhan u wada leexiyey, halkii si niyad wanaagsan oo Somaalinimo eey ku dheehantahay, dareen iyo cudurna aan dhalineyn gobollada dalka loogu kala diri lahaa, gaar ahaan meelahoodii ugu darnaa.

Nasiibdarase! Raga Nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, iyo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Kawaran aqoonyahannada inta Jaamacad aasaasey, ee badanaa ardeyda ogolaashaha jaamacadeed (Admission-ka) sida sahlan ku hesha iyo dhamaan inta badan deeqaha waxbarasho dal iyo dibad ee Jaamacadaasi bixisaba, eey yihiin intooda badan ardey hal reer u badan? Oo Soomaalida la socota xaalka kugu dhahayaan jaamacadaas reerkaas ayaa awood ku leh! Ama iska daldasha deeqaha magaceeda lagu helo. Nasiibdarase! Raga Nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, waligeena cid uguma eexan oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Bal kawaran culimada diinta dadka baraya, gaar ahaan kuwa dugsiyada Qur'aanka Kariimka dadka udhiga, ee ummada qur'aanka xifdisiinaya, hadana marka Qabiiladu eey isku dhacaan,oo eey is dagaalaan, inta meel banaan ah isugu taga "ASMO Mariid ah" reerkii kale kugamaya, ee waliba inta ciidankii qabiileed inta eeysan dirin, reerkii lagu duulayey dhinaca eey jireen inta qoryo/hub amaankooda wada furanyihiin uwada jeediyaan quraan ku aqrinaya, si eey reerkaa iyo ciidankoodaba ubaaba'aan, oo aan cidiba ka baxsan.

Nasiibdarase! Waloow eey u badantahay in aqoonta dhabta ah ee diinta ku yartahay sida Tafsiirka iyo Axaadiith-ta Nabigeena (SCW), ayaa hadana raga nuucaasi ah iyagoo diin iyo culimanimo sheeganaya ayey ku wacdinayaan, oo waliba inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinayaan qabyaalada waan necebnahay, sidaana ummada muuqaal aan jirin ugu dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Bal kawaran sarkaalka sare ee qaranku uu waxkasta ku bixiyey, ee ciidamada qaranka ka gaarey heer Korneeyl ama Jeneraal, hadana hogaaminaya dagaalo qabaa’il dhexmaraya, kaasoo eey macquul tahay in Maras Soomaaliyeed ee isugu jirta dumar, caruur iyo dad waayeel ah lagu laayo kuwaasoo aan waxba galabsan. Waqti dambase raba in isla isagaa lagu aamino ciidamo qaran, oo isugu jira dhamaan ummad weynta Soomaaliyeed! Rabana iyagoo saraakiil Qaran sheeganaya in eey inta kusoo hor istaagaan kugu aqriyaan qabyaalada waan necebnahay iyo waligeen cid uguma aanan eexan ama kuma aanan waxyeelleeyn!

Kawaran ninka raba in ummadu wada taageerto, oo Soomaalinimo lagu wada taageero, hadana Safiirada, Qursuliyeyaasha iyo inta badan shaqaalaha Safaaradaha, madaxda ciidamada, deeqaha waxbarasho, qandaraasyada dowlada bixiso intooda badan, shaqalaaaha dowlada, gaar ahaan xafiiskiisa, Ilaaladiisa gaarka ah, iyo meelkastoo muhiimadeedaba uu fahamsanyahay ku koobaya inteeda badan jufadiisa, reeraha iyo Gobollada uu kasoo jeedo ama xigaalada uu la yahay. Nasiibdarase! Raba in uu kusoo hor istaago oo kugu aqriyo qabyaalada waan necebahay! Oo Soomaalinimada ayaa igu weyn!

Kawaran urur wata magaca ardey Soomaaliyeed, ee hadana qaabka doorashada la iskugu ololeeynayo, sida la isugu codeeynayo, iyo waliba qaabka jagooyinka Urur-Ardayeedkaasi loo qeeybinayo, dhamaan qabyaalad iyo reero ku saleysanyihiin. Ogoow waa aqoonyahankii ummada, iyo hoyaamiyeyaashii mustaqbalka ee dalka iyo dadkaba wax ka badali lahaa. Nasiibdarase! Isla raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaagaan kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay, oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Kawaran culimo dad xukum ciqaabeed ama [Xad] ku fulinaya, hadana xukunkoodaasi uu badanaa ku dhacayo dad gaar ah, ha ahaadeen dadka Soomaalidu waqtiyadii dagaalada sokeeey u bixiyeen “Looma Ooyaan”, ama ku dhaca reerahooda wixii kasoo hara oo kaliya. Nasiibdarase! raga nuucaas ah ayaa inta kusoo hor istaaga culimo nadiif ah, oo Allaah ka cabsigiisa iyo cadaaladu eey waxkasta kala sareeyaan, oo cid aan xukunka Alle uga gambaneyn isaga kaa dhigaya, warbaahintana sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

Bal kawaran odayaasha kor ka dhahaya qabyaalada ma fiicna oo waa qurun, hadana hoos ka dhahaya, "Ma reer hebel? War gabdhaheena uma guurino, oo “Ma geeyaan”, cuqdado nuucyo badan darteed! Nasiibdarase! Inta kusoo hor istaaga kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Bal kawaran gabdhaha Soomaaliyeed ee cadaanka, Jameeykaanka, iyo ajaanibta nuuckastaba ha ahaadeene guursanaya, hadana marmarsiiyo uga dhigaya "Wuu muslimi doonaa!, ama waa muslimba", Balse wiilka Soomaaliyeed ku nacaya waa reer hebel, oo dhahaya “Ma Reer hebel! Acuudkoow! Intaan guursanlahaa maan Yahuud guursado”. Waa su’aale aawey marmarsiyadii midkan kale waa Muslim looga dhigayey, miyaanu kan muslim aheyn? Kaa kalase reerka uu ka dhashey mala weydiiyey? Nasiibdarase! Dumarka nuucaas ah ayaa kugu aqrinaya qabyaalada waan necebnahay oo Soomaalinimada ayaa inagu weyn!

Ugu dambeyna, bal kawaran shaqsiga Soomaaliyeed ee kugu dhahaya Qabyaalada waan necebahay, mana ihi qabyaaladiiste, hadana bixinaya marka odayaal reerihiisa ah lacag qaaraan weeydiiyaan, lacagtaasoo Hub iyo Saanad Military dagaal oo dad kaloo muslimiin Soomaaliyeed ah uu ogyahay in lagula dagaali rabo, oo eey suurto gal tahay in maras isugu jirta: Dumar, caruur, odayaal lagu laayo, ee waliba ku qanacsan sidaa, nasiibdarase! Ku aakhiro seegaya! Laakiinse raba in uu kugu aqriyo Qabyaalada waan necebahay, oo Soomaalinimada ayaa igu weyn, ama warbaahintaba sidaa la taagan, oo ummada muuqaal aan jirin u dhisaya, iyo wax xaqiiqda dhabta ah ka fog!

GABAGABO/GUNAANAD

Waxa qofka lagu aamino waa ficilka, hadalka iyo huuhaada waxaa lagu siraa doqonta. Qofka ficilkiisa ayaa dhabtu tahay, ee ma aha waxa uu afka ka sheego.

Si qabyaalada ummadeena looga ilaaliyo, loogana dagaalamo, waa in aan hadal ahaan oo kaliya cidina lagu qiimeyn oo aan lagu aaminine, ficilladooda qabyaalad laga fiiriyo, hadii madax loo yahayna aan fursad eey wax ku qabyaaladeeyn karaanba aan lasiin oo loo diiyo, maadaama qabyaaladu dhib farabadan dalkeena iyo dadkeena eey ku heeyso.

Miisaanka dhabta ah ee qabyaaladi in eey meel ka jirto lagu garto, waa eegista in Soomaali kuwada jirto meelaha ummadu wada shansaneyso ee ka dhaxeeysa, reer gaar ahina aanu u badneyn, ficilladuna yihiin kuwa Soomaali oo dhami si cadaalad ah wax ugu wada qabanaya, oo aan reer ama reeo kooban u aheyn maqaayad u shidan.

Qabyaalada waxa sii faafiya waa in dadku dareensanyihiin in cadaaladi aaney jirin, oo Sad-bursi iyo nin-jecleeysi darteed eey waxkasta ku heli karaan, waxkastana ku waayi karaan, waxaana taa looga bixikaraa oo kaliya, marka la helo hogaamiyeyaal u qalma heer Qaran, oo silsiladii hore xariga u jara, diidikarana xirkaha eey ku xirayaan reeraha eey kasoo jeedaan, xirkahaasoo dhahaya,”Shalay waxeey aheyd reer hebel, maantana waa maalinkeenii” iwm, lana yimaada fikir cusub oo ku dhisan wadaniyad, midnimo, dad iyo dal jaceyl, xoogana saara in ficil ahaan ummada eey u wada dareensiiyaan cadaalada iyo sinnaanta heerka qaran ah.

Ogoowna tani ma aha impossible ama wax aan dhici karine, hogaankii u istaagi lahaa ayey sugeeysaaye, oo aan ku rajo weynahay in ummadeenu heli doonto.

“Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane”- Cabdilahi Suldaan Maxamed "Timacade"

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”  
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha  
Al-Madinah International University, Malaysia  
abdulkadirphd@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.