25 + 25 + 25 = 75

Qisada Noloshaada!

Maqaallo Keydmedia Online

Dr. Axmad Cabdulahi (KON) - Saddex wiil ayaa usafray wadan aad u fog, waxayna dageen guri aad udheer oo kakooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa usareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa usharxay nidaamka dagenaanta guriga, wuxuuna kuyiri; halkan waxaa kajira nidaam kaduwan, kan kajira wadamadiina. Waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Qisada Noloshaada!

Wiishka Daarta lagu fuulo 10.00 habeenimo ayuu otomatik isuxiraa, waxaana laga xukumaa meel fog oo haduu mar isxiro cid furi kartaa majirto!. Marka waa inaad soo dheel-mataan kahor 10.00 habeen-nimo, wuxuuna kacodsaday inay warkaas si fiican ufahmaan, waxayna u-adkeeyeen inay fahmeen.

Habeenkii 1aad way soo dheelmadeen 10. kahor, laakiin habeenkii 2aad bay tamashlayntii la dheeraatay, waxayna yimideen iyagoo aad u ordaya 10. iyo 5daqiiqo, albaabkiina jaa waa xirmay. Halkii bayna oohin iyo qaylo ka dhaqaaqeen, waxayna weceen qofkasta oo ay umaleeyeen inuu Daarta ufuri karo, laakiin faaiido la´aan. Markay quusteena waxay ku heshiiyeen inay Daarta kafuullaan jaranjarta ilaa iyo dabaqa 75aad, waxayna ku heshiiyeen inuu mid waliba uga sheekeeyo Qiso dheer oo xiisa badan oo soconaysa inta ay fuulayaan 25dabaq, siay isu hilmaan-siiyaan Daalka iyo jilba xanuunka.

  • Kii 1aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin marqaan badan, oo qosol idinku dilaya ilaa aad is illowdaan, oydaan Daalba xasuusanin!. Wuuna u sheekeeyay ilaa ay Qossol kudhiman gaareen, waalina ku dhawaadeen, Daarta oo dhana laga maqlay qossolkooda iyo qayladooda ilaa ay ka-gaareen dabaqaii 25aad.
  • Kii 2aad wuxuu yiri anu mahayo sheekooyin lagu waasho, balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqo ubadan, oo taa-banaya nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha. Maxaa lagud-boon qofka raba inuu Guul iyo horumara gaaro, ama wax fiican samaysto iwm. Wuuna u sheekeeyay isagoo siiyay tusaalooyin, waanooyin iyo dhacdooyin fara-badan, ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.
  • Kii 3aad wuxuu yiri anu waxaan idiin hayaa qisooyin ka samaysan dhib xanuun iyo wareer, maxaayeelay waad soo maqasheen sheekoo-yinkii qosolka iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqada intaba. Marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka iyo dhibka. Labadii kalana waxay dheheen; Soodaa maxaayeelay waxaaban rabnaa inaan gaarro Gurigeenii inagoo naga-batay Daalka iyo fikirku, kadibna aan dhakhso seexano! Wuuna uga sheekeeyay ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 75aad, iyagoo Daal la dhiman raba. Wuxuuna kusoo dhameeyay; qisadan aadka unaxdinta badan; 

INAAN FURIHII GURIGA KUSOO ILOWNAY WAARDIYIHII DABAQA 1AAD JOOGAY, EE AAN FURAHA WIISHKA KA RABNAY! SADDEXDIINA WAA LA MIYIR DABOOLAY, WAXAYNA KU SIGTEEN INAY NAXDIN LA DHINTAAN!

Qisadu waa mid xanuun badan, oo laga naxo balse waxay kusaabsan-tahay xaqiiqada nolosha Bani aadamka ee caadiga ah. Oo hadaan uqaybino nolosha qofka 3qaybood waxay noqonaysaa 25+25+25=75, intaasina waa cumriga sare ee qofka caadiga ahi uu gaari karo. Oo Rasuulkeenii (scw) wuxuu inoo sheegay umadiisa cumri dhexaad-keedu inuu yahay inta udhaxaysa 60 iyo 70, in yarina ay halkaa dhafi karto.  

Hadaba maxay kala-yihiin sadexda qaybood? Waxaa badan in dadku ay; 25sano ee dhalin yaranimada ku nool yihiin; nolol ubadan ciyaar, qosol, fikir la´aan, madadaalo iwm. Waana wakhtiga uu qofku ugu xoog bad-yahay, ugu firifircoon yahay, haduu dhinaca khayrka ujeedsadana uu wax badan qabsan karo. 25sano ee xigta inta badan waxaa lagu mashquulaa noloshii dhabta ahayd; Shaqo raadin, Guur raadin, reer samayn, ilmo dhalid iyo korin, waa wakhtiga tabcashada iyo dhibka  nolosha lagu mashquulo.

25sano ee xigtana waxaa bilaabata dhibaatada caafimaadka;  xanuun badan, tabar darro badan, daawo qaadasho farabadan iyo in da´da laysku noco oo shaqada loo-diido qofka ay Da´diisu 50sano kor udhaaftay. Dhinaca kalana Ilmihii dhibkooda ayaa sii bata, mid shaqo la´aan ah, oo Biil u bahan, mid guur ubaahan, mid lasoo furay, mid wax haleeyay oo ubaahan in dhib laga-badbaadiyo iwm. Waxaana bilaabata inuu qofku ukala wareego Isbitaalada isagoo ladagaa-lamaya xanuuno badan oo soo weeraraya.

Waana waqtiga uu qofka Caqligiisu dhamays-tirmo, xaqiiqada noloshana sixeel dheer udareemo, aadna uu ubadiyo shalaytada iyo maxaan waxaa uqabsan waayay, maxaan sidaa usamayn waayay, maxaan waxaa uqalday iwm? 

Qisada waxaa udanbaysay uguna xanuun badnayd inuu dhalinta kii udanbeeyay yiri waxaan hoos kusoo ilownay furihii Guriga! Taasi maxay kadhigan-tahay?  Jawaabtu way sahlan-tahay, oo dadka badan-koodu markay da´yarta yihiin waxay iloobaan ama dhinac maraan Diinta Rabbi (swt) qaada-shadeeda, ku dhaqankeeda, wax u qabadkeeda, u Jihaadkeeda.

Taasina waxay lamid tahay qof kasoo tagay Furihii uu Gurigiisa/ Qabrigiisa ku gali lahaa, raalli ahaan-shaha Rabbina (swt) ku mudan lahaa uu kasoo dhumay, goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan fure haysanin.  Waxaana dhab ah qofkaasi inuu lakul-mayo xanuun, dhib, ceeb iyo naxdin iyo shlayto fara-badan.

Taasina waxay naxasuusin kartaa; Xadiiskii uu Nabigu (scw) inoo sheegay in maalinta Qiyaamada ay jiraan 7tilmaamood oo dadka wataa ay harsan doonaan hooska Rabbi (swt) waxaana kamid ah, qof dhalin yar oo kusoo barbaaray Alle (swt) kacabsi, Iimaan iyo khayr, oo aan soo marin waqtigii waalida, madadaala, haw-raaca, Diin ka-fogaanta iyo qiimaha arintaasi leedahay.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.