Rabshadihii Maanta ee Egypt

Ibrahim Iman - Washington (Keydmedia) – Aqalka Cad ayaa maanta waxaa soo foodsaartay cadaadis uga yimid rabshadaha kasii aloosan dalka Masar kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Husni Mubarak iyo Mucaaradka faraha badan ee kasoo horjeeda dowlada.
Maqaallo Keydmedia Online
Rabshadihii Maanta ee Egypt

Waxaa shaashadaha ee television-nada caalamka laga daawanayay taagerayaasha Madaxweyne Mubarak oo wata fardo iyo geel, iyagoo dhibaato u geystay dad ka badan ilaa 500 oo dhaawac ah, dhimashaduna lagu soo waray iney gaareyso ilaa sadex qof.

Shalay Madaxweyne Barack Obama ayaa ugu baaqay Mubarak in si dagdag ah uu isbadal ku sameeyo, iyadoo la tixgalinayo rabitaanka shacabka reer Masar. Dadka la taliya Obama ayaa sheegay in dulqaadka dowlada Mareykanka uu haatan gabaabsi yahay.

Afhayeenka Aqalka Cad, Robert Gibbs, ayaa maanta shir jaraa’id ku sheegay in dowlada Mubarak ay xakameyso falalka dhibka u keenaya dadka banaanbaxa sameynaya. “Hadii ay Dowladda qas abuureyso,  waa iney joojisaa sida ugu dhaqsaha badan” ayuu yiri Mr. Gibbs.

Xoghaya arimaha dibada, Hillary Clinton, ayaa u digtay diblomaasiyiinta wadankeeda u fadhiya Qaahira in ay taxadar muujiyaan, maadaama uu wadanka Egypt galay marxalad aan la ogeyn meesha ay ku dhamaan doonto.
Mareykanka wuxuu Egypt deeq dhaqaale u siiyaa sanad walba 1.3 billion. Ma muuqato qaab shaqeyn kara oo ay dowlada Mareykanka wax uga badali karto qalalaasaha hakiyay xukunkii Mubarak oo haatan lumiyay kalsoonidii shacabka reer Masar.

Hogaamiyaal badan ayaa sidoo kale dhaleeceeyay rabshada maanta oo Arbaco ah ka dhacday Fagaaraha Taxriir ee bartamaha caasimada Qaahira. Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain, David Cameron, ayaa ku baaqay in dowlada ay ku dhaqsato isbadalka siyaasada ee uu wadanka u xayiran yahay. “Hadeey cadaato in dowlada [Mubarak] ay wakiil ka aheyd dhacdooyinka maanta ama ay u dulqaadaneysay qaska, waxay noqoneysaa arin aanan innaba qaadan karin” ayuu ka sharqamiyay Mr. Cameron.

Sidoo kale, waxaa maanta asna baaq dhaleeceyn sidaas oo kaleeto ah soo jeediyay Xog-hayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Masar waxay qarka u saaran tahay burbur hadii uusan xukunka ka tagin Mubarak, waxaa sidaas aaminsan dad badan oo ku xeel dheer arimaha Bariga Dhexe. Iskahor-imaadyada shacabka waxay wiiqi karaan isku-duubnida dalka, iyadoo horseedi karta dagaal sokeeye sida ku cad taariikhda iyo casharo laga bartay meelo badan oo dunida ka mid ah.

Dhibaatooyinka Masar waxaa si gaar ah isha ugu heysa Dowlada Israel oo ka naxsan ififaalaha soo socdo iyo waxa dhici kara hadii uu isbadal ku yimaado siyaasada dalka Masar.

Meelo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe ayaa haatan waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo is badal siyaasad cusub la abuuro, iyado ujeedadu tahay in la baajiyo kacdoon shacab oo ka dilaaca wadamada aan wali soo gaarin duufaanta ka dhacday Egypt iyo Tunisia.

Waxaa ka mid Boqorka Jordan, Abdallah, oo shalay kala diray dowladiisa. Ali Abdalla Salah asna wuxuu u sheegay shacabka Yemen in uusan doorasho danbe usoo istaagi doonin kadib sanadka 2013. Laakiin Yemen iyo Jordan labadoodaba waxaa cad in ay dareemeen dhul-gariirka siyaasadeed ee ka socda caalamka Islaamka.

Laakiin dadaalka ay wadaan dadka kasoo horjeeda Mubarak ayaa la filayaa inuu sii laba kacleyn doono, waliba maalinta Jimcaha ah ee soo socota asbuucan. Tobanaan kun ayaa isku soo bixi doono, iyadoo socod lagu tagi doono xarunta Madaxtooyada ee uu fadhiyo Madaxweyne Mubarak.

Lama yaqaan waxa ay sameyn doonaan Ciidanka Qalabka-sida ee Masar oo horey ugu baaqay ineysan shacabka wax dhibaato ah u geysan doonin, shacabkuna ay tixgalin u hayaan ciidankooda.

Balse ciidanka wuxuu hoos tagaa Madaxweyne Mubarak – iney amarkiisa qaadan doonaan iyo inkale waxay soo bixi doontaa markii shacabka banaanbaxa wada ay fooda saaraan qasriga laga xukumo wadanka ee hoyga u ah Xusni Mubaarak.

Ibrahim Iman - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.