Reer Muqdisho ma Garaadsadeen??

Dr. Ali.A.Hirabe - Muqdisho waxaa aay soo martay halaag burbur iyo baaba'o. Hadba waxaa shacabka reer Muqdisho lagu gumaadaa barnaamijyo hadafkooda yahay ha dhiman hana noolaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Reer Muqdisho ma Garaadsadeen??

Haddii aan ka soo bilaabo 1991 waxaa shacbaka la geliyay laguna gumaday barnaamij SIM card qabiilka saldhigiisuna ahaa yaa reer hebel ah oo qabyaalada lagu aworkacsanayay iyada oo loo adeegaayo cadow shisheeye,waxaanan marna la iloobi karin jabhadihii qabyaada lagu aasaasay siyaasadoodana aheeyd burburin qaran.

Reer Muqdishow waxaa aay isku diideen in aay isku tana sulaan balse xaalku waxuu isku bedelay burbur iyo barokicin huwan ha noolaan hana dhiman.

Dowladnimada ayaa leeysku haystay oo nin walbaa lahaa aniga ayaa dalka xilkiisa mudan iyo aniga ayaa mudan,2004 ayeey noqotay mid ninkii xilka dowladnimada ( State ) loo dhiibay in uu dhaawaco qaranimadii ( Nation ) dalka Somalia ka dib markii uu dalka Somali uu ku soo hogaamiyay cadowgii soo jireenka ahaa ee Ethiopa walow uu qirtay dhawaan hadana weli kama uusan qoomameen gumaadkii iyo burburkii uu caasimada Muqdihso uu u geeystay.

Waxaa maskaxdiisa la geliyay barnaamidka SIM card Ethiopia jeceel ah,weli waxaa xilka ugu sareeya dowladnimada haya kuwii SIM card Ethiopia aaminsanaa ahaana la taliyeha gaarka ah ee C/aahi Yusuf halka maanta C/aahi Yusuf uu yahay la taliyaha R/wasaaraha Cabdiweli.

Alow sahal amuuraha,waxaa taasi ka sii daray markii kooxda Al-shabaab oo runtii ahaa koox la geliyay SIM card Binladin laguna shubay progaram qeexan oo aanan laheeyn hadaf siyaasadeed iyo mid wadanimo lahaana ujeedooyin guracan in shacabka reer Muqdisho kula kacaan burbur iyo gumaad.



Haddii aad dib u fiiriso dhulka aay xukumeen maanta lama dhihi karo waxaa dhulkaa ku noolaa aadame balse waxaa aay baabiyeen Infrastruktura caasimada sida wadoyinka iyo guryaha oo aay ka qodeen hogag aanan aadahana mari karin,taas oo lagu macneeyo ha dhiman hana noolaan.

Waxaa socdo burbur cusub oo aay wadaan koox aad u yar oo qurbaha aad ugu raagay damacoodana yahay yeeyna dhiman oo yeeyna noolaan midnimada Somalia  sabbabta oo ah kooxdaa ayaa xiligaan maskaxdooda la geliyay barnaamij cusub oo la magac baxay dowlad goboleed Stateland SIM card taasi oo uusan hamigeedii weli dhamaan kooxwalbana  waxaa aay  qirtay in caasimada aayan asal u laheeyn balse aay  dib ugu noqdaan goboladii lagu abtirsan jiray goboladii awoowiyo sinji waa ma guuraan.

Suáasha quman in la weeydiiyo kuwa dowlad goboleedyada sheeganaaya waxaa aay tahay maxeey Muqdisho u burburiyeen haddii uuba hadafkooda ahaa in dib loogu noqdo goboladii laga yimid???

Dib u fiiri Puntland-State ,Galmudug-state, Hiraan-state, Ceelbuur-State ,Mareeg-State xubin iyo Xeeb iwm

Sow maaha cadowtinimo iyo ha noolaan hana dhiman,weli arinku sidaas ayuu taagan yahay Muqdisho  oo ah hooyadii Somali maanta waxaa aay la ciirciireeysaa in cidwalba aay dib ugu soo noqoto dibna loo unko nolashii iyo nabadii aay laheeyd Xamar beri hore,waxaase weli jira kooxo diidan oo aanan marna ogoleeyn in Xamar aay noqoto hooyadii caasimadii dalka Somalia,waxaan ku talin lahaa cida ka damqeeysa Xamar waxaa quman in aay la yimaadaan siyaasad saldhigeedu yahay midnimo,wadanoolaasho iyo is cafis.

Waxaanan marna laga aamusi karin kuwa dibandaabyada iyo siyaasada guracan la damacsan Xamar in laga hortago la baadigoobo midnimo wadajir iyo wadanoolaansho oo xaqiiqdii ah mid soo celineeysa awooda,sharafka iyo cisigii Xamar aay laheeyd.

Dowlada waxaa ceeb ku ah in raashinka dekeda buuxaa aay maareeyn weeydo iyada oo aay dadkii dhimanayaan maalin walba,waxaan halkan aad ugu mahadcelinayaa jaaliyadaha Somaliyeed uu ku dhaqan qurbaha oo u gurmaday shacabka Somali ee xiligaan qarka u saaran baaba´a iyo dhimasho.

Weli dowlada waxaa aay awoodi la dahay in aay gaarsiiso shacabka dagaalada iyo abaaraha la dageen waxii caalamka ugu soo dhiibay,xaqiiqdii waxaa aay taasi cadeeyneeysaa in aanan marna la ogoleeyn in Xamar aay dib ugu soo noqoto nolol balse ha dhiman hana noolaan aay ku jirto weligeed,waxaan leenahay diidnay kuwa hadafka siyaasadeed ka leh macluusha iyo baahida shacabka ee doonaya in umada eeyan weligeed istaagin, waxaan arkeeynaa in dowlada aay ku fashilantay sidii aay u maareeyn laheeyd u gargaarida shacabka macluusha ka muuqato oo aad xilka u haysaan.

Shacabka waa in uu u soo banaanbaxaa xaqa aay u leeyihiin in aay noolaadaan,muujiyaan waxa caalamka ku soo tabarucay in dekeda lagu xareeysto iyada oo laga leeyahay hadaf siyaasadeed oo guracan.

Shacabka reer Muqdishow waa in aad u istaagtaan xaqiina diidaan kuwa korkiina ku cunaya gargaarka caalamka soo dhiibay, dowlad haddii shacabka dowlada u tahay waxaa aay booqon lahaayeen xirooyinka dadka ku dhibaniyo cusbitaalada.

Waxaan aad ugu xumahay warkii ka soo yeeray cusbitaal Banadir oo ahaa cusbitaal aay buuxdhaafiyeen carauur iyo haweeyn iyo waayeel dowladana aayan gargaar geeynin caalamkana ku andacoonaya in cusbitaalka uu yahay mid dowlada maamusho.

Aragtida - Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.