“Waxaan Ugu Sacbinayaa Oo Kaliyah, Reerkeygu Ka Dhashay!”

Keydmedia Online - Dagaal walba ee dhaca waa duullaan ama difaac, qolo wax weeraraysa iyo qolo la wareerayo, qolo horor ah iyo qolo iska caabbinaysa. Dagaal inuu dhib badan yahay, dhibaatana reebo waa laga wada dharagsan yahay, waa meesha laga yiraa: “Dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho!”.
Maqaallo Keydmedia Online
“Waxaan Ugu Sacbinayaa Oo Kaliyah, Reerkeygu Ka Dhashay!”

Dhib inuu dhaliyo ma ahan ee marna dheef ma keeno.

Dagaal waa la hakin la’ yahay in la dabar gooyo iska daaye, dunida dhan waa waada holcaysaa, shanta Qaaradood meel aan dagaal ka ka socon ma lahan, magaca uu doono ha lahaadee.

Col iyo Nacayb inaad la dirirto Xeerka iyo Xukunka baa dhigaya, nin kaa gardaran ee aad maaro isaga wayso inaad iska difaacdo kuma lihid eed iyo dhaliil, oo dadka intiisa badan waxay leeyihiin il baqda, ee ma lahan Caqli celiya, haddana, mar walba xadgudubka waa reebban yahay si walba oo dagaal u dhaco, oo dagaal yaaba sidiisa xadgudub ah.

Dagaalladii Sokooye ee dalka ka dhacay, ee gaaray guud ahaan wadanka dacalladiisa, waxaa horboodayey rag isugu jira Shibil iyo Ciidan, oo nin walba dabada kula jiro beel ama Qabiil, oo ah gaadiidka dantiisa ku gaaro iyo shidaalka uu ku dhaqaajiyo gawaarida dulmiga u gabran.

Dhibka dhacay, dhibaatada baahday, dhiigga baxay ee dhulka ku qumbay, dhaawac iyo dhimasho aan tira lahayn, waa astaamo aan marna dareenka Qofka caadiga ka maqnayn, gaar ahaan mar walba uu milicsado ama maskaxdiisa ku soo dhacdo xaaladda wadanku ku sugan yahay ama uu soo maray.

Inta dagaal iyo duullaan la qaaday ee Biri ma gaydo; Carruur, Cirroole, Haween, Marras iyo  Culumo la waxyeelleeyey ciiddaan ka badan, qaybahaan waa kuwa bulshada ugu nugul, ee dhibka ugu harreeya dareema ama uu qabto, Qax, Qaxooti, Qaxar iyo Qalalaaso walba iyaga ayaa si toos u qabatima.

Kuwa DHIIGYA CABYDA ah ee qaarna geeriyoodeen qaarna wali nool yihiin, dhammaanse waxay qandaraasyo ka soo qaateen dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwa dariska nala ah, sidii dadkaan loo dhibaatayn lahaa, oo mid walba midka kale ugu sii xeeldheer yahay sida uu u sii cuuryaamin lahaa dadkan iska dhibaataysan.

DHIIGYA CABYADU qandaraaska ay soo qaateen ka sokow, waxaa maalmo laga waraystaa IDAACADAHA iyo TELEFISHINNADA, lagu soo qoraa WARGAYSYADA, iyagood mooddo inay xal SIXIRA ah soo wadaan, oo mar walba Dhaartu ka soo horrayso iyo inay Alle ku been kacsadaan, marna iska dhigaan in xalka iyaga kaliya keeni karaan.

Intaa kaliya ma ahan, waxay maalmo seexdaan Hotel-lada waawayn ee loo yaqaan 5 Star “Shanta Xiddig” ee quruxda iyo qaaliga isku darsaday, kulana kulmaan dhawr madaxweyne, oo doonaya inay dantooda ka gadaan miskiin moorada ku jiri jiray ee moolkan la dhex keenay, ee marna maankiisa ku jirin wax aan ka ahayn waxaad  tahay xiddig caalami ah.

Inta uu ku guda jiro hawshan wasaqaysan ee DHIIG DAADINTA ah, wuxuu helaa taageeroyaal badan, oo had iyo jeer la garab taagan alalaaso, mashxarad, iyo sacab, qaarkood heeso, gabayo, iyo maansooyin baa loo tirshaa, dhaammaan wada ah ammaan, markaas ayey is moodaan MAHDI dadka ka samata bixin kara dhibaatada uu Qeyb asagu horseeday ka yahay.

Taagaraayaashiisu waxay isgu jiraan: qaar Qabiil ku raacay, oo ugu sacbinaya kaliya inuu reerkooda ka dhashay, oo aysan u muuqan dhibka uu u gaysanayo, marrasta qaxaysa iyo maatada baaba’aysa.

Aqriste hada bal eeg, dagaalladan ka socda Gobollada dhexe, Gobolladda JubbooyinkaDuullaankan ay Kenya ku soo qaadday Gobollada Koofureed iyo Qabsashada Xabashida ee Gobollada Bartamaha, oo ey horaynah u haysatay Gobollada Bari iyo Waqooyi, oo maamulladda ka dhisani wax walba ka kor marshaan raalligalintooda.

Aqriste, ma kula tahay dagaalladan ka socda Jubbooyinka ee marna Qabiil dabada la galaya, marna maamul been abuur la galaya, in dadka deegaanka loogu danaynayo? Hadday sidaa tahay, maxaa diiday in dadka deegaanka lagala tashto sidii loo dhisi lahaa, oo mar walba go’aanno Khaas Qaar soo qaateen oo laga soo qaatay Kenya ama Itoobiya loola shir yimaadaa.

Qolada kale ee u sacbisa DHIIGYA CABYADA waa qolo calooshood u shaqaystayaal, aan damiir iyo dadnimo midna lahayn, wax walba ka hor marsha calooshooda iyo cunahooda, laguna tilmaami karo “Yes Men” “NACAMLEEYAYAAL” dal, dad iyo diin waxba kama galin, kii afka u buuxsha ayuu u gadan yahay.

DHIIGYA CABYADU marka ay iska hor keenaan sokeeyaha, marka ay belo abuuraan, marka ay dadka kala geeyaan, marka ay wax walba halleeyaan, marka ay Xididkii, Xigaaladii, Dhalyadii, Darisnimadii iyo Walaaltinimadii baylihiyaan, ee dadka ku dhex abuuraan hurgumo aan marna bogsaneyn, maxaa dhaca?

Sida diinto sheegayso qofkii DHIIG DAADSHA, qofkii qof Muslin ah ku xadgudba, dambigiisa maalinta Qiyaamaha Alle ayaa ku xisaabin doona, haddana, ka sokow, maxaa ku dhacaya inta uu ifka ku sugan yahay, ee uu wali nool yahay? Illeen DHIIG Muslin iyo mid Aadanaba ma sahlana galiddoode.

DHIIGYA CABYADU intaas oo dhib ah wuxuu u gaysanayaa saldano gaar, maadaxtinimo hel, masuul noqo iyo talo ha laguu dhiibo, balse, marka dantii laga lahaa laga gaaro, marka dhawr qodob lagu meel marsado, marka lagu Awr kacsado, marka lagu meel gaaro, marka looga gudbo marxalad go’an, ayuu meel cidlo ah ku soo dhacaa oo bannaankana la soo dhigaa!

Sidaa kaliya ma ahan, marka laga taqalluso, ee laga maarmo, lana tuso inuusan waxba u galin waxna u goyn, ayaa waxaa loogu daraa; in albaabka laga xirto, sidii qof aan la qoon oo kale, maba ahan kii shalay u adeegayey, ee KABA QAADKA iyo KALKAALIYAHA u ahaa, aqriste, imisa DHIIGYA CAB oo sidaan ku dambeeyey baa maankaaga ku soo dhacaya? Waan hubnaa inay boqollaal gaarayaan.

Midda ugu muhimsan oo aqriste kuu muujinaysa su’aashan sare, waa in xildhibaannada cusub laga reebay rag badan oo shisheeyaha khaadumiin u ahaa, oo mar walba safka hore ugu jiray sidii ay u meelmarin lahaayeen qorshayayaasha shisheeyaha, ee marna dani ugu jirin umadda Soomaaliyeed, taa oo ka dhigan in nin walba oo shisheeye u adeega meeshaa u dambayn doonto.

Haddii laga danaystay ka dib markii lagu danaystay, haddii lagu dangaaray, ee dabadeedna la daadshay sidii qashinkii, haddii lagu meelgaaray ee meel cidlo ah looga tagay, ka dib sidee bulshada dhexdeeda ku yahay? Waa qof nuucee ah marka dadku ka hadlayaan ama arkaan?

Bulshada wuxuu ka dhex noqdaa “Tuke Cambaar leh” oo kale, lagana cararo marka la arko.

Haddaba, is weydii, DHIIGYA CABYADU marka ay dhinaca dhulka dhigaan, ee ay isu diyaarshaan inay seexdaan ee sariirta fuulaan, ee indhaha isku qabtaan, maxaa u sawirma, ee ay arkaan?

Hadduu indha isku qabto, ee indhaha isgaliyo muxuu dareemaa? Hubaal inuu calwasaad, walaac, is gadgaddis iyo rafasho dareemayo.

Ma horyimaadaan inta Biri ma gaydo uu qixiyey? Inta Biri ma gaydo uu dhib u horseeday, inta Biri ma gaydo uu laayey, inta Biri ma gaydo uu waxyeeelleeyey?

Waxaana u dambeeyn doonta intuu Addunka ku noolyahay Walaac iyo Waali, Aaqiranah wey sugeysaa...

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.