Saxaafada Ma baran, Suxufinah waan ahay!

Amina Cabdi Nuur (Keydmedia) - Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkeyd in suxufi jooga Muqdisho una shaqeeya idaacad FM ah laga dhaadhiciyo inuu u baahanyahay waxbarasho iyo aqoon korarsi, wuxuuna isla ahaa qofka aduunka ugu wanaagsan maadaama codkiisa laga maqlo xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Maqaallo Keydmedia Online
Saxaafada Ma baran, Suxufinah waan ahay!

Taasi waxay sababtay in suxufiyiinta ay ku dhacaan qaladaad badan oo hadii ay waxbaran lahaayeen ay ka fogaan lahaayeen qaladaadka aqoon darida ay ku hogaamisay.

Saxaafada ayaa aheyd shaqada ugu fudud ee lagu soo biiro, waxaana cid walba oo qori karta afsoomaaliga hadlina karta ay iska sheegatay saxafi, iyadoona la hilmaamay aqoontii iyo waaya aragnimadii ay u baahneyd mihnada.

Inta badan dadka ka shaqeeya saxaafada Soomaaliya ayaa ah kuwa da’dooda ay u dhaxeyso 17-25 waxaana ay yihiin dhalinyaradaasi badankooda kuwa aan soo dhigan waxbarashada aas-aasiga ah.

Inkastoo taasi ay jirto ayaa hadana mudo ka hor waxaa iskuulada iyo jaamacadaha Muqdisho lagu arki jiray suxufiyiin tira yar oo waxbaranaya, kuwaasoo si weyn warbaahinta uga dhex muuqday wax soo saarkood marka laga hadlo.

Tiradaasi yar suxufiyiinta ah ayaa dhiira galiyayaal waxa ay u noqdeen koox kale suxufiyiinta ka tirsan kuwaasoo iminka bilaabay in ay waxbarashada wadaan, qaarkood ayaa iminka bilaabay dugsiyo sare oo dadka qaangaarka ah loogu tala galay, halka kuwa kalana ay bilaabeen jaamacado.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta iminka waxbarashada bilaabay oo ay Keydmedia.net la sheekeysatay ayaa waxa ay sheegeen in ay dareemeen qiimaha ay leedahay in wax la barto, iyagoona sheegay fursadii ka luntay ay si weyn uga shaleysan yihiin.

Suxufi da’yar oo codsaday in aan magaciisa la daabicin oo hada wax ka barta dugsiga Ganacsiga iyo xisaabaadka Adult ee Muqdisho ayaa u sheegay Keydmedia in si uu wax u barto uu go’aansaday inuu ka istaqaalooda shaqada warbaahinta, laakiin agaasimihiisa uu ku dhiira galiyay inuu galina wax barto galina uu shaqeeyo.

Xiligan la joogo waxaa jaamacadaha magaalada Muqdisho  wax ka barta in ka badan 30 suxufi kuwaasoo kuliyadakala duwan wax ka barta kadib markii ay dareemeen baahida ay u qabaan in ay wax bartaan si saxaafada caalamka ay wax ula qeybsadaan.

Dhanka kale iskuulada luqadaha iyo dugsiga sare ee loogu tala galay dadka qaangaarka ah ADULT waxaa wax ka barta in ku dhaw 20 suxufi oo kala duwan, waxaana wali suxufiyiinta waxbarasha doonka ah ay yihiin kuwa isa soo taraya marba marka ka danbeysa.

“Aad bay noo farax galineysaa in wariyaasha xiligan ay aqoontooda kordhiyaan, waayo waxaan nahay shacabka ay wax u sheegaan, marka hadii ay aqoontooda dhisaan waxaa dhici doona in wax soo saarkooda uu hagaago isla markaana ay joojiyaan ka waranka xasaradaha iyo mashaakilaadka ay mar walba ka waramaan suxufiyiinta Dalka” sidaa waxaa yiri  Pro Jaamac warsame oo bara ka ah jaamacadaha Magaalada Muqdisho oo la hadlay keydmedia.

Maamulada warbaahinta Dalka oo kolkii hore ahaa kuwa suxufiyiinta u diida fursada waxbarashada kuna qasba in shaqa badan aan waqti laheyn in ay qabtaan ayaa hada u muuqda kuwa dabac muujinaya isla markaana fahmaya in qiima wanaagsan  ay u leedahay maamulada qudhooda in wariyaasha u shaqeeya ay noqdaan kuwa waxbarta si muuqaalka iyo qaab wax soo saarka warbaahintaasi ay u dhisaan.

Waxaa lagu raja weyn yahay iminka in qaab howleedka warbaahinta soomaaliya inuu isbadal ku yimaado maadaama uu kordheyso garaadka iyo aqoonta suxufiyiinta soomaalida oo kol hore u qabay in laga shaqeeya idaacad FM ah ay u aheyd daraja weyn oo aan si fudud lagu heli Karin, maadaama fursad loo helayo in lala kulmo siyaasi dilaa ah, ganacsada dhiig ka taajir ah iyo wadaad diinta marin habaabiyay oo dhamaantood ujeedaadooda ay tahay in dhiiga shacabka ay xalaashadaan.

Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay Bishii November, Sanadkii 2011

Amina Cabdi Nuur – Keydmedia.net Correspondent - Hargeisa - amina.a.nuur@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.