Sergente Mahiga iyo Dastuur ku sheegiisa waa Fashilmeen!

Keydmedia - Meelmarinta Dastuurku waxay lamid tahay arrintii: Dhurwaaga, hasha iyo nirigta dhexmarta. Intuu hashii naasha ka jaray, nigigtiina bushimaha ka jaray buu haddana isu xoodaamiyey inay is-nuugaan. Waxaa ka hartay maahmaahdan ah: "Maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa."
Sergente Mahiga iyo Dastuur ku sheegiisa waa Fashilmeen!

Markii cidu dan gaar ah leedahay qiic bay isku qarisaa. Waxay adeegsataa Awood kale si ay u meelmarsato arrin ay dan gaar ah ka leedahay.

Haddadaad iyo cagaguglayn baa la adeegsadaa. Saxaafadda xorta ah baa la dhaleeceeyaa. Durbaan been ah baa la tumaa. Runta ayaa la daboolaa beentana waa loo durbaan tumaa. Soomaali waa dad wada dhashay waana lays yaqaanaa. Danta guud waa loo siman yahay ee iyada halaga wada shaqeeyo.

Haddii Ansixinta Dastuurka cod loo qaado maanta, waxaa laga yaabaa in 10% bulsha Soomaaliyeed u codayso, 90% kalena ay tiraahdo Dastuurku WAA QABYO ee hala qabyo tiro.

TFG-da, Mahiga, AU iyo IGAD ma waxay ku talinayaan inay yiraahdaan 90% Soomaaliyeed waa "Spoilers" ee hala xirxiro? Codkooda yaan la tixgelin? Jujuub wax haloo liqsiiyo?

Yaa ah "Spoilers?" Ma kuwa ummadda jahawareeriyey mise kuwa u dooda Xuquuqda iyo danaha Ummadda? Ma qofka xaqiisa u dooda ayaa "Spoiler" ah, mise kan boobka ku haya?

Waxaa la yiraahdaa: Quruxda waa hadba siduu u arko kan wax milicsanaya. Ansixinta Dastuurka ma ahan afduub. Kii dhaliilo ku tilmaama ha laga qaaniciyo oo goob fagaaro ah halooga doodo, saxaafadduna ha jooto, Dastuurka TFG-du ma laha ee ummadda ayaa leh.

Haddii TFG-du ay dan gaar ah wadato yayna qiic isku qarin. Dawladdu waxay halhays ka dhigatay Qofkii dhaliil Dastuurka kasoo jeediya inay tiraahdo: Ma garan ama ma Akhrin.

Dastuurka ma dhangad baa lagu hirelin karaa mise rabitaan Ummadeed? Dastuurku ma gaaray heer lagu kalsoon yahay? Ma soo koobay danta ummadda iyo Qaranimada Dalka? Dagdago door ma dhasho, TFG-duna waxay hub ka dhigataa inay arrin walba hakiso oo la sugto waqtiga ugu dambaysa oo aan waqti harin inay la gabidhaclayso. 

Yaa loo haystaa haddii Dastuurkii ku qabsoomi waayo muddadii loogu talogalay? Yaa burburiyey habwanaaggii Baarlamaanku u shaqayn jirey? Yaa curyaamiyey awooddii Baarlamaan lahaa? Yaa la eedaynayaa haddii ilmihii ay kafka soo galeen umulisna la waayo? Ma dhici kartaa Dastuur ummad ka dhexeeya in koox yaru jeebka ku ridato? Yaa u sheega inaan Dastuurku ahayn qandaraas muddo kooban leh? Ii-dheh iyo warbaahin Dastuur ma lagu qabyo tiri karo? 

Hadda waxay arrinta Dastuurku maraysaa in haddadaad iyo cagajuglayn lagu ansixiyo. Inta aan Dastuur la Ansixin bal hala dhiso xildhibaannadii baarlamaanka. Waqti ku filan hala siiyo bulshada si ay uga baaraandegto dhaliilaha Dastuurka. Yaan loo ekaysiin in Dastuurka ay cid gaar ahu dan ku wadato.

Yaan laga dhigin in ansixinta Dastuurka ay cid keliyuhu dabada ka riixayso. Dastuurka waxaa leh Ummadda Soomaaliyeed, iyada ayaana qabyotiraysa sidii kula qumanaata. Yaan loo ekaysiin in beelu leedahay ee loo arko inuu ka dhexeeyo bulsh-weynta Soomaaliyeed. Roadmap-ka ma beel buu u danaynayaa mise ummadda oo dhan buu ka dhexeeyaa? Mahiga ma Qoys keliya buu u daneeyaa mise ummadda oo dhan buu u dhexeeyaa?

Mahiga Qoys keliya ayuu u xakamaysan yahay? Runta marka laga hadlo, waxa wax khaldaya waa Madaxda TFG-da siiba Cabdiweli Gaas oo Mahiga Gacansaar iyo Duco ka heysta, haddii wax xumaadaana iyaga ayaa Masuul ka ah!

Eedda waxaa iska leh cidda dhariga walaaqaysa. TFG-da ayaa qaadaysa eedda haddii cusbadu raashinka ku badato ama uu ciid yeesho. Mahiiga, IGAD, AU, TFD-da ayaa maradu ka dhacaysaa haddii farsamadoodii fashisho. Run baa reerka lagu dhiqi karaa.

Waa loo jeedaa in Roadmap iyo Dastuurkii fashilaad marayaan, marka eedda cid kale ayaa la saarayaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad iyo kooxo ay ku eedeeyeen inay hor istaagayaan qorshaha ROADMAP-ka ee lagu soo afjarayo xilliga kala guurka ah.

Ergayga Gaarka ah ee Qraamada Midoobay oo ka mid ah xubnaha war-saxaafadeedkaasi ku saxiixan ayaa sheegay inay dhowaan ay magacabai doonaan kooxahaas iyo shaqsiyaadkaasi haddii ay fursad siin waayaan qorshaha fulinta Road-mapka. Mahiga wuxuu kaloo sheegay in sidoo kale shaqsiyaadkaasi la ceebayn doono, magacyadoodana loo gudbin doono guddiga cunaqabateynta ee QM iyo golaha Amniga.

Hadda waxay taagan tahay in 5 farood la saaro ciddii farta ku fiiqda waxa TFG-du soo dhoob-dhoobto...!

Keydmedia Editorial Desk


N E W E S T   V I D E O - K E Y D M E D I A 





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.