Shabaab oo ku Wajahan Xeebaha Soomaaliya!

Haaji Seeko (Keydmedia) - Riya maalmeedka ku saleysan dhisada maamul gobaleedyada ku eg afka ee aan ujeedada iyo waxqabadka siyaasadeed laheyn waxa ay mudooyinkanba ahaayeen kuwa soo tixin, waxaana cid walba oo maalin qado ka bixin karta dhawr oday oo isku heyb ah ay sheegtay maamul gobaleed leh ajandayaal siyaasadeed iyo istaraatiijiyad ciidan.
Shabaab oo ku Wajahan Xeebaha Soomaaliya!

Waxaan maqalnay Azaaniya iyo Gaandi, Waxaan maqalnay dooxada Shabeele, Hiiraan land, Midland, koonfurta Soomaaliya iyo kuwa kale, maanta waxaa soo socda Maamul xeebeedka Beesha Waceysle (Abgaal) kaasoo riyadiisu tahay Shabaab in ay la galaan dagaal xeebeed loo adeegsan doono maraakiib kaluumeysi.

Nin ka mid ah Ganacsatada Beeshaas oo lagu magacaabo Cadaw ayaa abaabulka xoogiisa wada, waxaana gaadiid Dagaal iyo hub ay kala soo dageen dekada magaalada Muqdisho, iyadoona  iminka garaashyo badan oo ku yaala Muqdisho ka socda qorsha ay ku sameysaneyso beeshaas gaadiid Dagaal.

Kulamo isdaba joog ah oo ay Muqdisho ku yeesheen oo midkooda hadal kooban laga siiyay warbaahinta waxaa lagu sheegay in beesha ay dooneyso si madax banaan in ay u xoreysato qeyb ahaan gobalka Galguduud, iyagoo sida xogta lagu helay dagaalkooda u maraya dhanka xeebta.

Arintan ku aadan dagaal xeebeedka lala galayo Shabaab ee ay wado Beesha Waceysle waxaa ka jira kala afkaar duwanaasho beesha dhexdeeda ah, waxaana xubna ka tirsan beesha ay ku doodayaan in dagaalka uu noqdo mid dhulka la maro isla markaana lagula wareego dhamaan deegaanada xuduuda la leh gobalka Galguduud ee ay shabaab heystaan, kuwa kale ayaa qaba fakar ah in safar badda ah la galo lagana soo galo Shabaab dhanka xeebta.

Ganacsade Cadow ayaa iibiyay hubka ugu badan ee la qorsheynayo dagaalkaasi in loo adeegsado, waxaase suurta gal ah sida xogaha ay tilmaamayaan in lagu hugoobo hindisaha socda sabab la xiriirta istaraatiijiyada dagsan oo ah mid aan fadhin oo si cayiman looga baraan dagay.

Horay xubna ka tirsan Beesha Abgaal waxa ay u sheegeen in ay Dagaal madax banaan ay la gali doonaan kooxda shabaab, Max’ed Dheere oo ka tirsan beeshaas isla markaana hore uga tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal beeleed ay la gali doonaan shabaab isla markaana qorshaha uu yahay in gabi ahaanba lala wareego deegaanada ay shabaab ka taliyaan.

Ciise Axmed Dalabeey oo ka soo jeeda beesha Abgaal gudoomiyana ka noqday gole loogu magac daray guurtada siyaasada Hawiye ayaa waxa uu sheegay in beel ahaan loola dirirayo Shabaab isla markaana awoodooda la wiiqayo, si taasi ay u hirgashana ay sameynayaan tababaro iyo abaabul ciidan si arintaasi ay u suurta gasho.

Abaabuladaasi hore dhamaantood waxa ay noqdeen kuwa ku soo idlaaday hadal aan talaabo qaad laheyn, isla markaana afka aan dhaafsiisneen, waxaana su’aala badan leyska weydiinayaa sida uu ku hirgali karo qorshaha jufada waceesle ay iminka ku dooneyso abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Shabaab.

Alshabaab ayaa iminka ka sakow qorsha beeleedyadan aan xooga badneyn waxa ay wajahayaan dagaalo xoog leh oo ka qeyb galayaan dowlada, Ahlu-suna, raaskanbooni iyo Amisom, waxaana ay kala kulmeen dagaaladaasi jab xoog leh sida ay sheegeen dadka ku dhaw shabaab ee la dhaqma inta badan.

Abudlkarmi Haji Seeko - Keydmedia Correspondent

____




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.