Shabaab Yaa Aas-Aasay!?

Fadlan Aqriso Aas-Asanka Al-Shabaab (Qeybta 1-aad) - Kolkii ay ciidamadii Itoobiya soo galeen Dalka isla markaana ay wiiqantay awoodii Maxkamadaha ayaa waxaa bilowday dadaal lagu doonayo in si cad loogu soo bandhigo fikirka Al-shabaab, waxaana dadaaladaasi horkacayaay xubna uu ka mid ahaa hogaamiyihii hore ee Shabaab Aadan Xaashi Ceyrow.
Maqaallo Keydmedia Online
Shabaab Yaa Aas-Aasay!?

Ceyrow waxa uu ka mid ahaa koox ka qeyb gashay firxadkii maxkamadaha ee gudhaa, waxaana diyaaradaha Maraykanka ay isku dayeen in ay ku dileen duqeyn ka dhacday bishii Janaayo sanadkii 2007 dhulka howdka ah ee gobalka J.hoose laakiin waa ka badbaaday waxaana halkaasi ku geeriyooday sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa shabaabkii hor fariistay Osaama Bin ladin oo lagu magacaabi jiray Abuu-cuteyba.

Badbaadadiisii kadib ceyrow waxa uu u soo jiheestay dhanka gobalka Galguduud oo uu asal ahaan ku abtirsado, waxaana uu fariisin ka dhigtay tuulo ka tirsan gobalka halkaasoo uu ka bilaabay abaabul maleeshiyo iyadoona ugu danbentii si dhuumaaleysi ah ay ku soo galeen taageerayaashiisa gudaha Muqdisho.

Waxaa la abaabulan xiligaasi guutooyin kala duwan oo ka tirsan shabaab, sida guutada is qarxinta, guutada diyaarinta qaraxyada amniyaad iyo waliba militariga awooda badan ee furaha hore ka dagaal gala.

Dad badan waxay u baahan yihiin faham dheeri ah in ay ka helaan guutooyinka aan u kala dhigdhignay kooxda iyo qaab howleedkooda, nidaamkooda hogaamineed iyo howl qabadkooda.

Guutada Diyaarinta Qaraxyada

Tani waxay ku shaqa leedahay farsameynta iyo diyaarinta nooc walba oo ka mid ah walaxaha qaraxa, waxaana xarumo kala duwan ay ugu yaalaan magaalooyinka ay ka taliyaan Shabaabka, laakiin xarumaha ugu waa weyn waa Muqdisho agagaaraha ex-koontraool balcad waxaana dhawaan goobtaas la wareegay Amisom oo soo bandhigtay dhamaan noocyadii qarax ee ay diyaarinayeen, Baraawe oo Sh.hoose ka tirsan waxaana sanadkii tagay ka dhacay qarax sabab la xiriirta walxa qarax oo qaab qaladan loo farsameeyay.

Kismaayo, waxay ku taala meel ku dhaw dekada iyadoona qeyb labaad oo ka mid ah goobaha lagu diyaariyo walxaha qarxa ay ku taalo xaafada calanleey ee isla magaaladaasi.

Jawhar waxay ku taala xarunta ugu weyn meel ku dhaw warshadii sonkorta ee Isnaay Biyaaso, iyadoona goobtaasi ay tahay meel si weyn uga caagan shacabka in ay maraan sabab la xiriirta shabaabka oo ka cabsi qaba in xog dheeri ah laga helo qaab diyaarintooda qarax iyo waliba sida ay u shaqeyaan.

Guutada xubna firfircoon oo ka tirsanaa ayaa kol hore isku halaagay gacmahood xili ay ku howlanayeen diyaarinta qarax lagu doonayay in lagu haligo umada islaamka ah ee soomaaliyeed.

Guutada is qarxinta

Guutadan waxaa xubna ka ah Rag iyo dumar wada jira waxaana si aan caadi aheyn looga dhaadhiyay in is qarxintu ay tahay dariiqii janada, waxaa ugu badan guutadan oo xubna ka caruurta ka timid wadamada dibada sida yurub iyo Maraykanka, kuwaasoo loo sheego in albabaabka janada ay uga xirantahay hal qarax oo ay fuliyaan.

Waxaana xubna ka tirsan shabaab ay sheegeen in tashkiilinta guutan ay u xil saaran yihiin ajaanib la sheegay in ay wax ka yaqaanaan sixirka iyo falalka sheydaan ee dadka qalbiyadooda lagu dhalan rog.

Qofka ka tirsan guutadan looma ogola inuu bulshada uu dhex galo, waxaana taas looga gol leeyahay sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah oo aan la sheekeestay in la badalo ra’iygiisa ku aadan is qarxinta.

Guutada Imniyaadka

Qeybtan waa mid u shaqeysa si xirfadeysan, waxaana ay u xil saarantahay qaarijinta dadka wax galka ah sida aqoonyahanada, dhaqaatiirta, odayaasha, wax garadka iyo inta wadaniyada ay ku danbeyso sidoo kale waxa ay beegsataa dadka la shaqeeya dowlada iyo hey’adaha la saaxibka ah.

Waxaa u badan dhalinyaro  waxayna ku hubeysan yihiin bastoolado iaygoona dadka ku beegsada masaajiada, guryaha, xaafadaha iyo suuqyada intuba, waxaana dadka ay ka toogtaan madaxa ama horaadka.

Xisbida

Howl qabadka ugu weyn ee kooxdan waxa ay tahay hubinta dharka dumarka, iyo waliba ku qasbida dadka cibaadada alle, waana kuwa horseeday bixinta hal ku dhiga ah  ma doonayo cibaadadii shabaab  taasoo sida muuqata dadka muslimiinta ah ku abuureysa tashuush.

Waxaa u badan kooxdan dhalinyaro reer baadiya ah oo faham diineed iyo mid maadi toona aan heysan, waxaana dadka ay ula macaamilaan sida xoolaha oo kale.

Milatariga

Kooxda Shabaab ee dhinaca dagaalada qaabilsan waxaa u badan dad ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobalada leysku yiraahdo Koonfur Galbeed iyadoona aan la ogeyn sababta keentay arintaasi, laakiin mudooyinkan danbe waxaa muuqaneysay in saraakiisha shabaab ee gobaladaasi ka soo jeeda iyo hogaanka kooxda uu mugdi soo kala dhex galay isla markaana ay wiiqantay awoodii milatariga.

Waxa uu adeegsadaa milatariga shabaab sida ay ii sheegeen rag ka soo bar bar dagaalamay kooxda hubka culus iyo kan fudud iyadoona nidaamka uu hubka gacantooda ku gaaro ay fududeeyaan xubna ku jira dowlada KMG ah.
Maadaama aan aragnay waaxa badan oo ka tirsan shabaab, su’aashu waxay tahay qaab ceynkee ah ayuu u howl galaa sirdoonka Shabaab?

Qormada tan xigta ayaan arintaasi iyo arimo kale ku faaqidi doonaa.

Ahmed Warsame – Nairobi - Keydmedia Correspondent - ahmed.warsame@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.