Shalay Hotel Shaamow maantana Muno + (Daawo Video)

Taariikhda waa silsilad isbada joog ah, diiwaan galisana dhacdooyinka waayaha iyo sida waqtiga ay u saameeyaan, Soomaaliya 20-sano waxa ay ku soo jirtay bur bur iyo dagaalo taasina waxay sababtay in liiska hore ay ka gasho Dalalka loogu yeero kuwa fashilmay.
Maqaallo Keydmedia Online
Shalay Hotel Shaamow maantana Muno + (Daawo Video)

Burburkii kadib Dalka waxaa ka hana qaaday Dowlado kuwaasoo badankood ay afka u dhigteen hogaamiya kooxeedyadii haadaanta ka tuuray  horumarkii Dalka, balse maanta waxaan u joognaa Dagaal loogu magac daray mid diimeed oo dhiiga Dadka lagu xalaashaday.

 

Sil-silado taariikheed yaab iyo fajac laga dhaxlay ayaa soo maray bulshadn, kuwaas oo dhaxalkooda uu noqday Meyd wadeereed, Waxaan maqli jiray xiliyada dhul gariirada ay dhacaan dad loo saameeyay aas-wadareed kadib markii ay dhimashada aad u badatay.

Sideed bilood ka hor Muqdisho waxaa dhacay dhacdo naxdin iyo uur ku taalo mudneed, kadib markii fantisaya farxadeedkii qalin jabinta jaamacada Banaadir uu isu badalay badweyn xanbaarsan xinjiro dhiiga ah, taasoo sababteed ay aheyd markii uu qof nool u bareeray halaagida Nolasha dadkii halkaasi ku sugnaa.

 

Xusuusta hadaan dib u celiyo dharaarto khamiis ayeey aheyd taariikhduna 3-December ayeey ku beegneed, xaflado qalin jabin bay aheyd, martidana Aqoon yahan, Macalimiin, Dhaqaatiir, Arday, Wasiiro, Waalid iyo wariyayaal ayeey ahaayeen, Madashana Hotel Shaamow bay aheyd, waxaa dhacay qarax galaaftay Nolasha dad badan oo subaxaasi faraxsanaa, qaar baa ku haminayay shaahado ay mudo u soo halgamayen in ay gadoomaan halka kuwa kale iyna ay goobta u joogeen dhiira galinta asxaabta faraxsan.

Dhacadaasii markii ay dhacday oo intii dhiman laheyd ay dhimatay, wardoonka Dowlada waxa uu sheegay inuu is qarxiyay nin xirtay dharka dumarka, laakiin cadeymo dib laga helay waxa ay qeexeen inuu nin caadi ah oo sida ragga u labisan ahaa ruuxa is qarxiyay.

 

Inkastoo dhacadaasi dad badan lagu tuhmay ku lug lahaashahadeeda ayaa hadana dadka indheer garadka ah waxa ay ku sheekeeyaan in mas’uuliyiin jaga sare dowladda ka haya ay fududeeyeen fursadii qaraxaasi lagu fuliyay, iyagoo ka sad bursanayay saaxibadood oo ka qeyb galay munaasabadaasi, Ibraahim Xasan Cadow, Axmed C/laahi Waayeel iyo Qamar Aadan Cali ayaa goobta ku dhintay iyadoona Saleebaan Colaad uu Isbitaalka Boqor Fahad ee Dalka Sacuudiga dhaawicii gaaray dartiis uu ugu geeriyooday dhamaantoodna wasiiro xukuumadda Cumar C/rashiid ka tirsan bay ahaayeen .

 

Xusuusta shacabka wali kama sal guurin dhagar qabayaashii fuliyay qaraxaasi iyo kuwii u fududeeyay intuba, laakiin hadana waxaa xusid mudan in tiyoo aan laga bogsan in la maleegay qarax kale oo dad lagu laayay.

 

Talaadii 24-ka ay aheyd August ayaa Hotel Muna oo ku yaala degmada xamar-weyne una Muuqda xarunta madaxtooyada oo ka mid ah Goobaha ammaan ahaan ay ku faanto Dowlada waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah oo laba nin ay ugu bareertay in ay naftooda dileen, waxaana halkaasi ay ku galaafteen Ragga is qarxiyay nolasha dad ka badan 33 ruux oo xildhibaano, saraakiil iyo shacab isugu jira.

 

Soomaalida waxay tiraahdaa Fulay xantii ma mooga, Dowlada way isla socotaa in iyada dhexdeeda sirta ay ka quran santahay isla markaana ay is gacan tugaaleyneyso, balse uma muujiso arinkaasi shacabka oo wax walba oo dhaca wax ay dusha uga tuurtaa kooxaha ka soo horjeeda.

Leyskuma hayo in ragga qaraxyada fuliyay ay ahaayeen kuwa ka tirsan dhinacyada mucaaradka, laakiin su’aasha ayaa ah yaa hagay oo fursadaha jira kara u tilmaamay kooxahaasi?.

 

Qarxii dhawaan  ka dhacay Hotel Muna, daqiiqada kadib markii uu falka dhacay waxaa goobta soo gaaray Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hadda ku magacaaban Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegayaan inuu isha mariyay tirada dhimasho ee goobta ka dhacday isla markaana uu ku laabtay xafiiskiisa oo ku yaala meel aan ka fogeyn Hotelka Qarxay.

Xildhibaano daganaa Hotelka oo ay xulufo ahaayeen Shariif Xasan waxaa la sheegay in ay ka guureen goobta maalma ka hor, markay sheekada halkaas mareyso akhriste Maxaa kuu baxay?.

 

Marka la darso qaab howleedka Dowlada iyo dhaq-dhaqaaqa guud ee xiligan socda waxaa muuqaneysa in ay yihiin ku tirsanayaasha Dowlada isku maqan kala maqan ama hadaan si kale u dhigno gacma wada jira oo kala jira hadana.

Markii uu qaraxa dhacay ee dhimasho iyo dhaawac la kala  ogaaday, Madaxweynaha tacsi ayuu ka diray arinkaasi isagoo booqday goobta ay mashaqada ka dhacday, golaha wasiiradana waxaa u hadlay Ibi oo R.wasaare ku xigeen ku magacaaban iyo Wasiirka warfaafinta, maxaa helay Gudoomiyaha  Baarlamaanka oo ay Xildhibaanadii uu gudoomiyaha u ahaa ay ku dhinten qaraxa ? Soo ma wanaagsaneen in uu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka cidda ugu horeysa ee falkaasi u damqata isla  markaana muujisa in ay ka xuntahay maadaama dadka la beegsaday ay xildhibaano ka mid ahaayeen,waxaan maqli jiray “Aamusnaanta waa Calaamad raali ahaansho” .

 

Labadan qarax  ee Hotelada ka dhacay, waxa ay marqaati cad u noqdeen in Dowlada deegaanada kooban ee ay ka taliso ay tahay goob  ay ka suurta gali karto dhibaato walba in ay ka dhacdo, iyadoo arinkasi ay galaan gal ku leeyihiin mas’uuliyiinta sar-sare ee Dowlada.

 

Waxaa qoray : Xaaji Seeko - Keydmedia.net

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

Email: Mrseeko@hotmail.com

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.