Shir Siyaasadda Dalka badali kara?

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia Online) - Shir weyne ayaa si rasmi ah uga furmay Caasimada, Shirkaas oo ujeedkiisu lagu sheegay horumarinta geeddi socodka nabadda Dalka iyo in laga soo saaro talooyin suuragal ka dhiga kara in dalka doorasho dimuquraadi ka dhacdo.
Maqaallo Keydmedia Online
Shir Siyaasadda Dalka badali kara?

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamud oo Shirka furay ayaa sheegay in Wadanka uu u baahanyahay Hal Dowladd oo Mideysan.

Madaxweynaha oo Khudbad dheer ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa yiri: “Waxaan rajeynaynaa in Sannadka soo socda uu noqdo mid ka wax-qabad wanaagsan sannadkii ay jirtay dowlada Soomaaliya. shacabkuna ay xor u yihiin fikirkooda, loona baahan yahay in loo madax-bannaaneeyo oo aan la caburin”

"Waxaan jeclaan lahaa in aan arko Soomaaliya oo MID AH, Hal dowlad oo Deggan, iyo Soomaaliya oo degan (...) Waa in aan ka gudubnaa Fikirka Qabiilka" Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u soo kaban karto, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyno sidii uu dalka horey ugu sii socon lahaa oo aanan dib loo eegin waxyaabihii la soo maray.

Halkaan ka Dhageyso Khudbada Madaxweynaha [55 Daqiiqo]


Xasan Sheekh wuxu sheegay in Labada Sano ay soo socota ay Dowladda dooneyso inay qabto howlo badan oo ay ka mid tahay dib u eegista dastuurka oo afti dadweyne lagu ansaxin doono, sameynta xisbiyada Siyaasadeed, dhaqangelinta Federaalka, guddiga doorashooyinka, maareynta maaliyadda iyo maamul wanaagga.

Shanta maalmood ee soo socota ayaa Qodobadaan looga hadli doonaa Shirka:

  • Hormarinta Dastuurka iyo Dib u eegistiisa
  • Dib uhabeynta Hay’adaha Hufnaanta iyo hagaajinta maamulka,
  • Gudiga Doorashooyinka madaxa banana & qaab sharciyeedka Axzaabta Siyaasada,
  • Qaabka Federaalka Awood ahaan iyo qeybsiga Kheyraadka iyo
  • Baahinta Siyaasada ka qeyb gelinta Shacabka ,dhaqan gelinta dib uheshiinta iyo Kobcinta Cadaalada.

Doorasho waa inay dalka ka dhacdaa 2016

“Labo arrinba ma dooneyno inay dhacaan 2016ka. Marka hore inaan soo kalifno Madax dhaqameedyada oo ay noo soo xulaan xildhibaanadii iyo marka labaad inaan codsanno muddo kororsi (extension). Dariiqa kaliya ee noo furan waa inaan suurto gelinaa inay doorashooyin dhacaan. Waa dhici kartaa inaan fiirino qaabka iyo habka ugu habboon, oo deegaanada aan laga hirgelin Karin doorashooyin sidii loo heli lahaa qaab dadka deegaanka ay talo ku yeeshaan cidii matali laheyd. Goobaha nabadda ahna aan ka suurto gelino doorashooyin xor ah.” - Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in Doorasho ay Dalka ka dhaco Sanadka 2016. Hadaba, Soomaaliya oo wali Heshiinin miyaa Doorasho gali karta Sadex Sano kadib?

Siyaasiyiin ay Keydmedia la hadashay Shirka kadib ayaa sheegeen in aysan Aaminsaneyn in Muddo kooban Doorasho Demkraasi ah la galo, lana doorto Hal Madaxweynaha.

"Waa in aan marka hore ka gudubnaa Fikirka Qabiilka oo aan ka firkirnaa Qaranka, waa in aan ga gudubnaa Boqolaalka "Madaxweynaha" ee la sheeganayo, waa in aan Heshiinaa, waa in Dowladda dhalato laga dameeyaa (...) Markaas kadib ayaan Doorasho gali karnaa" Ayuu yiri mid kamid ah Siyaasiyiinta Shirka kasoo Qaybgashay.

Waxaan Qabaa in Shirkaan uu Soomaaliya toosin karo, hadii la isku afgarto in Hal Dariiq la raaco oo Gacmaha la isqabsado, laakiin hadii sida Go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.