Sida looga Ciiday Dalka — Daawo

Keydmedia Online — Caasimada Muqdisho, Caasimada Labaad iyo Magaalooyinka Waa-weyn ee Dalka ayaa Maanta si weyn looga ciiday Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana Dadka isagu soo baxeen Saaladda Fagaarooyinka magaalooyinka & Masajida.
Maqaallo Keydmedia Online
Sida looga Ciiday Dalka — Daawo

Wariyaasha Keydmedia Online ee Muqdisho, Nairobi iyo Hargeysa ayaa Warbixintaan soo diyaariyay iskuna soo habeeyay Sawiradda, kala soco boggaan Muuqaallo kale oo kusoo darsama.

Caasimada Muqdisho ayaa Sakaay si fiican looga Ciiday inkastoo Amaanka uu yahay mid aan lagu kalsooneyn oo wax walba la filan karo, hadana Wariyaasha KON ee Caasimada ayaa kusoo waramaya in Waddooyinka Caasimadda soo camireen Caruur fara badan oo si fiican loogu soo labisay, islamarkaana heysta qalabka Caruurtu ay ku ciyaaraan, kuwaas oo ay daadihinayaan Waalidiintooda oo u qaraabo salaan tegaya Xaafado kale.

Gaadiidka Dadweynaha BL-ka, Takaasida iyo Mootooyinka dhawaan kusoo biiray Muqdisho ee loo yaqaano Bajaajka, ayaa aad u shaqeynaya Maanta, kuwaas oo dadweynaha kala daabulaya, oo geynaya hadba meesha looo kireesto.

Magaalada Baydhobo (oo aan wali Sawirro ka heynin), ayaa laga dareemayay Munaasabadda Ciida oo si xamaasad leh Shacabka ugu dabaal degayaan, iyadoo amaanka uu yahay mid aan u fiican, sida uu kusoo waramayo Wariye la hadlay KON.

Hoos ka Daawo sida looga Ciiday Gobollada Dalka:

Caasimada Muqdisho - Xuquuqda Sawiradda: RM/KON

Madaxda Dalka oo Masaajidka Isbaheysiga kula Ciidaya Shacabka / Wasiirka Warfaafinta oo Xerooyinka Barakacayaasha kula Ciiday Dadka Danyarta

Magaalada Baladweyne - Xuquuqda Sawiradda: AU/HON

Magaalada Kismaayo - Xuquuqda Sawiradda: KON/M. Madaale

Magaalada Hargeysa - Xuquuqda Sawiradda: KON

Magaalada Baydhabo - Xuquuqda Sawiradda: HON

Magaalada Gaalkacyo - Xuquuqda Sawiradda: KON/HON

Magaalada Baraawe - Xuquuqda Sawiradda: Maamulka Al-Shabaab

Keydmedia Online - Nairobi, Muqdisho & Hargeysa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.