Silsiladda deelleyda Qarniga 21-aad maansadii Dayax #3

Maansadan waxaan curiyay 07 Desember 2009-kii, ka dib markii abwaan Bashiir M. Xersi uu furey diiwaanka cusub ee deellayda qarniga 21aad. Sida aan ognahay waxaa hore u baxday silsilad deellay ah, oo ay wadaagaayeen abwaaniin geyiga Soomaaliyeed caan ka ahaa.
Maqaallo Keydmedia Online
Silsiladda deelleyda Qarniga 21-aad maansadii Dayax #3

Bal Maanta da’yarta cusub iyo diiwaanka qarniga ee deellayda ayaan doonayaa inaan ka qaybqaato intii kaarankayga ah.

Waxaan maansadan u bixiyay Dayax, iyada oo maansooyinkii hore u baxay ay ahaayeen Dareen iyo Dulmigii Shaamoow.

Abwaanada oo dhamaantood dareenkooda kaga hadlay dhibaatada iyo muragada dalka ka taagan, gaar ahaan koonfurta soomaliya iyo Bartamaha, ayaan maansadan Dayax waxaan doonayaa inaan isku dayo inaan sida Dayaxa u cadeeyo danbiyada, iyada oo dawadooda laga doonayo dhammaan abwaanada Soomaaliyeed, maadaama suugaantu tahay codka Soomaalidu wax isugu sheegto, diiwaankan cusub waa u furan yahay gebi ahaan abwaaniinta Soomaaliyeed, maansadii Dayax iyo bogasho wacan.

Silsiladda deelleyda
Qarniga 21-aad
maansadii Dayax:-

Deelleyda maansada
Doodaha murtida iyo
Suugaanta doorka ah
Weli danabyadeedii
Raggii duurxulkeediyo
Dirirkeeda curin jiray
Duniday duljoogaan
Dayax mudhay sidii
Xidigaha dusheena ah
Aan daliilsho maantoo
Dadkana u cadeeyee
Dareenkiina keenoo
Damiirkiina ii hura.
 
Deelley Diraacoow
Iyo deexashada gabay
Adigaa dabkeed shiday
Murtidii dalaysnayd
Hadalkii dabkoo kale
Dunidaba iftiinshee
Kala saaray dawgiyo
Danniga iyo xumaatada
Dhabtii waan ku diirsaday
Bal aan soo daliilshoo
Ceelkii Danoodiyo
Dusha hara digeediyo
Deexdii Hobyoodiyo
Dalsankii Hargaysiyo
Daafaha Togdheeriyo
Deegaanka Ceeldheer
Hiiraan dusheediyo
Didibkii ku yaal Mudug
Daanta Baydhaboodiyo
Dar Allee Jubboo idil
Ama degeladii Gedo
Darantii Nugaaleed
Dhulkii daawashada iyo
Dalxiiskaba lahaa iyo
Dalmar baa yaqaanee
Daaliyo Sanaagiyo
Doobiyada ku yaal Sool
Ama darinta Caynaba
Dadka dega Diraacoow
Dunjigeeda Soomaal
Waa duriyad qudhaato
Waa dad wada walaaloo
Dusha sariyo midabkiyo
Diirkaba isaga ege
Dubaaqa iyo hadalkiyo
Diintuna mid weeyaan
Waxse kala dilaayoo
Midba dayr ku furay
Kala daadshay ehelkii
Dadkaygii danaystaa
Dakhli weyn ku qaatoo
dulmi iyo xasaradiyo
Dakaniyo qabiiliyo
Dibindaabyo barayoo
Kala diray dhamaantood
Yaanan dawga jiidhine
Aan hoos u soo dego.
 
Duulkii wadaadada
Digrigiyo Kitaabkiyo
Ducadiyo Qiraa’ada
Dadku ay u doorteen
Danbi waxii la galay iyo
Ee lays dakhaakhulay
Dibadday ka joogeen
Shinbiriba hal doorbay
Dab qaaday yidhaahdaan
Dusha holacii koobaad
Halkii ay ka duushiyo
Buulkeeday daf siiso
Danbaskii ku gubataye
Iyana doorkii weeyaan.
 
Dadka wada shisheeyaha
Dalka gubaya maantana
Darna carab xageediyo
Diinaar rag haystaa
Soo diree ogsoonoow
Darna daalimiintiyo
Doofaar galbeediyo
Ducufada Amxaarkiyo
Dulligaa na haystee
Soo diree ogsoonoow.
 
Nin waliba dantiisiyo
Damaciisa  gaaruu
Dalkeena u gubayaa
Illeen doqoni abidkeed
Dadka kii u xiga bay
Doox uun tidhaahdaa
Abwaanoow dadqalatadu
Xaqa maba dareensana
Dabka ay shidaaniyo
Daartay ku dumiyaan
Dariiqii ay gooyaan
Inuu yahay dalkoodii
Danabkay dilaaniyo
Duqayday waxyeelaan
Ama dumarka qaxayaa
Inuu yahay dadkoodii
Maba oga Diraacoow.
 
Dan waxay u haystaan
Intay dunida joogaan
Dadkeenana u madhiyeen
Dalqadaa waxii gala
Ee ay dam siiyaan
Doollar loo xisaabshoo
Durbadii dhamaadoo
Dayn iyo amaah dhala
Waa danayste iyo tuug
Danbiile iyo xaalkii
In dagaalku cudur yahay
Dagu dilo halyeeygiyo
Digtoorkiyo waxgaradkaba
Dadku way ujeedaan
Kama daalin weliyoo
Duul u ciil qabaa jira
Ilaa ay dareemaan
Dabka lagu xanuunsado
Ama uu dalluun galo
Lagu dilo naftiisaba
Diiftiyo xanuunkiyo
Dakharada colaaddiyo
Darxumada Diraacoow
Dadku way ku jirayaan.
 
Dadku waa xil jecelyahay
Raggii doorka manta ah
Haba ugu darnaadee
Danbi iyo dhibaatiyo
Dagaal sii kordhaayiyo
Dibindaabyo mooyee
Weli daacadnima iyo
Dowladnimo kumay dhalin
Hadaanay diintu diidayn
Daliilkii Quraankiyo
Daahiroow Rasuulkii
Taas nooga sii digin
Duubkaan ku xidhi laa
Dalka maamulkiisaba
Dumar baan ka dhigi laa
Ducadii xumaatiyo
Habaarkii darnaa iyo
Dowladii la ridayee
Tan danbaysa khayriyo
Daa’imoow ka yeel samo
Dadku aanay odhanbaa
Inaan dowga seegnoo
Duuflaalku nagu dhaco
Dadyahoow noo horseede
Dib u laabta idilkiin
Ruuxaan dantaa wadin
Dagaal ooge kuu daran
Iska diida weligiin
Kii daacadnimo iyo
Dadka wada sinaantood
Isku duubni ugu taga
Dowlad iyo wanaaggiyo
Danta guudba way iman.
 
Dunidoo la meeriyo
Dawarsiga shisheyaha
Diraacoow waxaa falay
Dowladaha galbeedkoo
Dabinkii gumaysigu
Doorka kale ciyaareen
Inaad Adigu duushoo
Dekadaha u xaadhoo
Ducufnimo gudoontoo
Da’ yartoo qadaantoo
Digtoorkii adeega ah
Dumarkoo qabbaan ahi
Dan kaleeto weeyaan
Oo doqoni moogtahay
Daayinowse naga bixi.
 
Da’yartoo halowdoo
Waa kuwaa danseego
Dugsi aadi maayaan
Darbi jiifyo weeyaan.
 
Darna daalimiintiyo
Danbiilay u xidhan yihiin
Kuwa diinta kaba baxe
Dhegahaa dalooloo
Dahab ay ka buuxsheen
Sidii dumarkii oo kale
Darna waa dhamaadeen
Intay dibad u dhoofiyo
dal kaleeto aadiyo
Laashka iyo doomaha
Duullaanka buuraha
Orodka aan la daalayn
Darandooriyaayeen
Danbiyadan la galayaa
Duruus iyo wanaaggiyo
Dar Ilaahay maahiyo
Diintoo la fidiyee
Diinaar nin raba iyo
Doollar ma helayaa?
Ayaa loo dan leeyaahay
Imisaa ku dubuq yidhi
Imisaa daryeel xumo
Dawo li’i dhamaadoo
Uu dugaaggo qaybsaday
Danbigaa waxaa iska leh
Kuwa dirirta wada iyo
Kuwii dumiyay daarihii
Dadkani uu ku noolaa
Dushooday ku qorantahay
Daa’in waa ujeedaa
Daynkaasna way gudi.
 
Dhirta daadsan dunidani
Kaymahan dalaysani
Dawo iyo manfaca iyo
Damal iyo hadh weeyaan
Deeqaha Ilaahaay
Dadka siiyay weeyaan
Daruurtaa dusheeniyo
Ku dalaysan samadaa
Daa’in amar ku siiyaa
Inay roob da’daayoo
Dabadeed dhulkoo dhami
Uu ku doogsadaayoo
Dhirta dahabka mooddiyo
Dooggiyo cagaariyo
Deegaan qurxoonbaa
Dacal iyo ilaa dacal
Arladiyo dusheedaba
Daa’in uu ka buuxshaa.
 
Dalagyada la cunayiyo
Duunyada la foofsado
Dhirta waa daraadeed
Doorka nolosha weeyaan
Aqal lagu dakeeyiyo
Daar lagu nastaa iyo
Dadku nabad ku joogaan
Dhirta waa daraadeed
Daliil weeye Eebahay
Ruuxii damiir liyo
Durba uu xasuustee
Dabka kaa ku shidayaa
Damalada gubaayee
Duurka holcinayaa
Shilimada ku doonaa
Damiin weeye weligiis
Aan diinta Eebiyo
Dabcigeeda dunida
Midna dooc ka garanayn.
 
Ila durugtay heestuye
Aan dabar ku jiidoo
Doc kalena ka fiirshee
Adigaa Diraacoow
Deelleyda furayoo
Dunidaba u sheegee
Dalkani dowladnimo iyo
Maamul daacadnimo wada
Dadkoo wada muwaadina
Danta guudna wada jira
Dib ma loo arkayaaa?
Mise dacarta maantiyo
Kala daadsanaantiyo
Dulmigiyo dhibkaasaan
Ilaa dunida laga rogo
Daa’inkeen ku jiraynee?
Dariiqee baa qarankii
Dumay lagu helayaa?
 
Dhammaad.
 
cabdiraxiin hilowle galayr
galayr1977@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.