Somaliya: Saxaafadda 38 sano kadib

38 sano ka hor maanta oo kale waxa ay aheyd xili waa cusub uu u baryay Saxaafadda Soomaalida iyo suxufiyiinta u dhalatay Dalka intuba, maalintan waa xiligii ugu horeysay ee la daabacay wargeys ku qoran Afka Soomaaliga kaasoo ahaa XIDIGTA OKTOBER kuna hadli jiray codkii taliskii kali taliska ahaa ee Max’ed Siyaad Barre.
Maqaallo Keydmedia Online
Somaliya: Saxaafadda 38 sano kadib

Inkastoo aqoonta suxufiyiinta xiligaas ay aheyd mid kooban isla markaana dunida aanay ka jirin Technology-yada maanta cilmiga sahashay ee dunida sida fudud in xogteeda loo ogaada sababtay ayaa hadana waxa ay aheyd xirfadooda mid miisaaman oo laga dheehan karay mas’uuliyad iyo waaya aragnimo marka laga hadlayo habdhaqanka iyo qaab howleedka, wallow himilooyinka kacaanka ay ku shaqeyneysay saxaafadda xiligaas jirtay.

Ku soo biiridii afka Soomaaliga uu ku soo biiray afafka warbaahinta ay adeegsato waxa ay suurta galisay in bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka fahmaan adeega warbaahinta, waxaana arinkaasi sii barataaray kacaanka oo dadka qasab uga dhigay barashada afka Soomaaliga iyadoona dadka Soomaaliyeed ay u aqrisan jireen wargeyska Xidigta Oktober si ay u fahman aqriska af-Soomaaliga.

Mudo 18-sana ah kadib markii afka Soomaaliga la qoray waxaa qabqablayaal dagaal oo Soomaali ah ay wiiqeen awooda kali taliskii kacaanka ee Dalka maamulayay, waxaana taasi ay sababtay in  adeegya badan oo bulshada muhiim u ahaa ay burburaan, laakiin saxaafaddu burburka iyo dhibaatada ka dhacday Soomaaliya way ku bulaashay oo ku sii tarantay.

1991-dii markii uu dhacay dagaalkii lagu wiiqay awooda taliskii Siyaad barre waxaa furmay warbaahin ku hadasha afka qabiilka, waxaana qalinka la booday dad aan ehel u aheyn iyadoo qof walba uu caarada qalinkiisa uu ku hamiyay inuu ku buunbuuniyo qoyska uu ka dhashay iyo qabiilkiisa, waxaana halkaasi ka dhashay in Muqdisho jihooyinkeeda ay ka soo kala baxaan tobanaan wargeys oo ka shaqeeya danaha qabiilka.

Muda kadib waxaa soo ifbaxay idaacado aan macna ahaan dhaamin wargeysyadii ku hadlayay afka qabiilka, waxaana taasi fursad ay siisay dhalinyaro badan oo aad u daneyneysay in ay ka hadlaan Raadiyaha isla markaana kol hore aaminsanaa in Raadiyaha qofka ka hadlaya uu ku jira raadiyaha yar calooshiisa.

Dad badan oo nidaamkaasi gurcan ku soo galay saxaafadda maanta marka aad weydiiso heerka ay joogto Saxaafadda Soomaalida waxa ay la soo boodayaan ka fiirsi la’aan waa la hormaray oo heegadaas ayeey joogtaa saxaafadda, waxaana horumarka uu arkaa in ay tahay Raadiyaha/Wargeyska/TV-ga iyo Website-ka reer tolkiis danihiisa looga shaqeeyo, waxaana yaab iyo fajac ku noqota marka uu arko wariye ama warbaahin ku dhaqmeysa xeerarka Suuban ee saxaafadda caalamka looga shaqeeyo.

Soo ifbixii keydmedia suxufiyiin badan marka ay arkeen qorsha howleedka keydmedia iyo istaraatiijiyada saxaafadeed ee ay hiigsaneyso iyo mudada hirgalinta howshan laga fakarayay waxa ay sheegeen in ay tahay wax lala yaabo, in mudo 20 sano ah lagu fakaro hirgalinta warbaahin nooca ay doontaba ha ahaatee, waxaana ay sheegeen in xittaa mudo sanad ah aanay qaadan Karin ka fakarida howl warbaahinteed.

Inkastoo Af-soomaaliga la qoray 38-sano ka hor isla markaana warbaahinta ay ka mid tahay goobaha waxbarida shacabka loo adeegsado waxaa muuqaneysa in kaalinteeda aanay ciyaarin warbaahinta, waayo xiliyada qaar waxaad arkeysaa wariyayaal qoraal ku daabacay wargeys, Website ama xittaa idaacad ka sii daayay oo macanaha erayada qaarkood aanu fadhin,hadaba sidey noqon kartaa xaalada qofka caadiga ah haddii suxufigiiba uu sidaa wax yeelayo?.

Hadaba Maxaa la gudboon Suxufiyiinta Soomaalida?

Suxufiyiinta waxaa la gudboon in ay u istaagaan kobcinta, daryeelka iyo xoojinta afka Hooyo ee Soomaaliga, iyagoo adeegsanaya warbaahinta qeybaheeda kale duwan si gaar ah warbaahinta ku shaqeysa daabacada (Print journalism).

Keydmedia oo ka mid ah warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha, waa warbaahin ay ka howl galaan qubaro aqoon durugsan u leh culuumta Saxaafadda, Siyaasadda, Sayniska iyo Technology-yada waxaana ay diyaar u tahay horumarinta Afka hooyo ee Soomaaliga.

Ugu danbeyn keydmedia Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl gasha warbaahinta Soomaalida iyo tan ajaanibta intuba waxa ay ku boorineysaa in ay kaalin wacan ka qaataan daryeelka Afka hooyo, waxaana ay ugu hanbalyeenyesaa 38 guurada ka soo wareegatay maalinta warfaafinta Soomaaliya.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.