SOO MA MOODID XUKUUMADDA FARMAAJO IN AY BANJARTAY..?

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed way farxeen, ha noqdaan kuwa ku nool Muqdisho gudaheeda, kuwa u qaxaay daafaha xamar, kuwa u qaxay goballada oo nabaddoon ahaa asii la sii kulmay gobalo ay shufto xukunto “Amiiro” ay u taliyaan dad dibadaha Soomaaliya ka yimid, kuwaasoo ajaanib ah kana soo carartay Dalalkooda, doonayana in ay ka helaan nolal ka wanaagsan nolashoodii hore, waan faraxnay oo waxaa nala farxay qurba joogta u kala firxatay qaaradaha Dunida kadib markii ay waayeen nabad iyo wayaabihii kale ay u baahnaayeen isla markaana nolasha lagama maarmaanka u ahaa sida Daawo tayo leh, Aqoon, xasilooni iyo welwel la’aan.
Maqaallo Keydmedia Online
SOO MA MOODID XUKUUMADDA FARMAAJO IN AY BANJARTAY..?

Maxaan ku faraxnay? Dhamaanteen waxaan ku faraxnay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay R.wasaare uu doonayay, mudana la tashi dheer uu la sameeyay dad badanoo aqoonyahano ah ahna kuwa mudo dheer u xanuunsanayay dalkooda iyo dadkooda .

R.wasaaraha Cusub Max’ed C/llaahi farmaajo wuxuu isla markii uu magacaabay golaha wasiirada uu ku sheegay qodbad uu u jeediyay dad banaanbaxayay oo Villa Soomaaliya yimid kuna faraxsanaa magacaabidiisa uu ku yiri “ Maanta kadib maya Musuq Maasuq, maya wasiiro Jeebab waa weyn leh oo maalka shacabka xada, Maya Maya iyo Maya” dadweynaha ka farxisay ayna ka “Saseen” wasiiro badan oo aan marnaba is laheyn ficilada noocaas ah ayaa la ogyahay oo lalal xisaabtami karo cadaaladana la hor keeni karo.

Intaas waxaa dadweynaha uga sii farxad badnaa  markii sida isagoo ah taliyihii ciidamada qalabka sida uu sheegay in xamar 8 aag loo qeybin doono aag walbana 500 oo askari degi doonaan , ayna ilaalin doonaan, hadalkaasi wuxuu ahaa hadal uu shaaca ka qaaday ahaana sir milatari, xittaa haduu ka maqlay saraakiisha sar sare ee Ciidamadda.

Hadal wuxuu ahaa u ekaa in xamar maalin iyo habeen uu ku xoreyn karo wuxuu R.wasaaraha Dul saarnaa Xiin faniin haatanse waxaad moodaa baqal inuu saaranyahay ama baabuur shaagagiisu sii neefbaxayaan.

Dadka duleedka xamar gaajada, qabowga, kulka, boodada, masaska IWM ku hoos nool in badan baa is diyaarisay hase yeeshee waxaa dhacday in Dhado roob la mooday .

R/wasaaruhu ma aanu ku fekerin in arimaha Milatariga ay taatik iyo Istaraatiijiyad ay ku dhisanyihiin oo aanay aheyn wax caadifad ku dhisan oo leyskala soo boodayo kolkii afka uu soo qabto.

Ma xumo niyadiisa hase yeeshee waxaanu ogeyn in ciidamada “Mucaaradka” lagu tilmaamo ay yihiin kuwa yar laakiin go’aan leh isla markaana aanay busaarad heyn, kaalmo beesha caalamka uma fidiso saa’soo ay tahayna kama go’aan saanad Milatari, Cuno, xittaa faakiheysiga xubinta ciidanimada ka tirsani.

Waxay boobaan dadweynaha gobalada, jufooyin badan ayeey sabool ka dhigeen tan iyo Markey ka dhismeen Dalka “SAKAWAAD” ayeey maalmaha sanadka oo dhan ururiyaan, dhalinyaro aad u fara badan oo kan ugu weyn 15 Sano jir yahay ayaa u dagaalama, kuwaasoo waalidkood xoog looga soo wato, marka la soo wadanayana iyagoo ooyaya ayaa xoog lagu soo wadaa marka la ciidameynayo, waxaana qoriga la baraa maalma kooban dabadeedna waxaa loo galiyaa Sarwaal iyo shaar Huudhey ah, kabo iyo cimaamadna loo xiro waxay hilmaamaan in xoog lagu soo watay maxaa yeelay dharka la siiyay waligood lama siin, cunta laga dhergo waligood ma arag, badankood walegood kabo kuma labisan waayo Dalkan mudo ayuu rafaadsanaa, abaarana halakeeyeen, waxaana jira abaaro la mid ah tii dabadheer oo isku diray qabaa’ilka Soomaaliyeed qaarkood.

Marka dhalinyaradaasi la dagaal galinayo waxay la soo baxaan “Geesinimo” xad dhaaf ah, hase yeeshee geesinimo kama ahan ee dhalinyaradu miyir ma leh maskaxdooduna waa dhaqantahay, dhalinyaradu kuwii ma aha ee waa doorsoonyihiin .

Waa dhalinyaro ay tahay sidii leysaga joojin lahaa Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada Booliska loo daayo, xukuumadu waa in ay ku ekaataa Dhiira galin lacageed  oon baqshiish aheyn, balse mushaaraadkooda iyo caafimaadkooda waa in si toos ah looga fekaraa dowladana ay si deg deg ah uga istaagtaa badbaadinta dhaawacyada iyo karaameynta kuwa dhinta.

Waa in isbitaaladii Milateriga durbaba laga fekeraa ee ma’aha in askariga dhaawacmaa ay qaataan qoyskii saboolka ahaa ee uu ka yimid .

Xukuumadda Farmaajo waa in baaq aan caadi aheyn oo loo kuur galay u jeediso beesha caalamka baaqaana “ BURUCRAZIA”loo isticmaalo baaqyo la garawsado .

Dadkii Soomaaliyeed Miyi iyo Magaalaba waa baahanyihiin, Hoteelada ku yaala meelaha dowlada ka taliso dad fara badan oo aan aheyn kuwii horey u dawarsan jiray ayaa dawarsada waa qoysaskii la oran jiray waa kuwa ladan oo dhaqaale heysta.

Haddii xukuumadda Farmaajo aanay buuxin taayarada Banjarka ku sii socda Villa –Soomaaliya ayaa loogu imaanayaa, ma aydin ilaawan baan u maleynayaa gabdhihii 15 sano iyo ka hoos jiray ee wasaaradii horee arimaha gudaha kula dagaalamay ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda KMG ah ee mucaaradka u dagaalamayay, ma aheyn geesinimo waxa ay rasaasta xooga leh ugu soo ordayeen ee way daroogeesnaayeen, hadaba miyaaney aheyn in shagaaga baaburta la buuxiyo int aan dhalaankeena wiilal iyo Gabdho aanu halaagsamin iyadoo kaartada dagaalka ay u dajiyeen Amiiro Ajaanib ah.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.