Soomaalida: Horumarka Technology-da iyo Tartanka Xaaraanta…?

Abdullahi Ahmed (Keydmedia) - Dunida iminka waa hal qol oo kale waxaana ay ku shaqeysa nidaam technology-deed oo habeysan, laakiin Soomaalida ayaa u muuqata mid dhalan rogeysa horumarkaasi ay dunida ku taalabsatay isla markaana ay u adeegsaneyso dariiq aan aheyn kii saxa ahaa.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida: Horumarka Technology-da iyo Tartanka Xaaraanta…?

Waa hubanti in Soomaali badan ay ku nool yihiin dalal ka tirsan Yurub ama Maraykanka isla markaana ay dadkaasi u baahanyihiin nidaam isku xir oo wanaagsan suurta galiyana in si hufan ay u kala war helaan ehelada kala fogaaday ee dunida ku kala baahay qaarkoodna ay dalka ku suganyihiin.

Adeega aan hagaagsaneen ee shirkadaha telfoonada ee sheegtay in ay fududeynayaan isku xirka Soomaalida kala fogaatay ayaa waxa uu sababay in howl badan oo muhiim ahaa ay sidii loo baahnaa u hirgali waayeen, waxaana dhacda xiliyada qaar in telfoonka muda badan uusan soo dhicin isagoo xaraarada ay u joogto.

Telfoonadan waa kuwa ceynkee ah?

Waa telfoono ku shaqeyaa nidaam Internet waxaana dalka keenay shirkadaha kala ah UNITEL, ONKOTEL, WARSANTEL IYO ORPIT. Laakiin tartanka u dhaxeeya shirkadahan bulshada habayaraatee wax faa’ida ah kama helin, waana kuwa ka mideysan ka taxadar la’aanta macaamiisha isticmaasha adeegooda telfoon.

Waxaa jira Branch-yo ku shaqeeya telfoonada oo isku xira dadka guryahooda jooga iyo kuwa dibadda jira, waxaana Branch-yadu ay u yaqaanaan adeega telfoon ee ceynkaas ah ah IP-star.

“Bishii waxaa nagala qaadaa lacag badan, mana helno adeegii aan u baahneyn ee aan bulshada ugu shaqeyn laheyn, telfoonada waa laba qeyb oo kala ah soo wicid kaliya iyo soo wicid iyo sii wicin (in and out), soo wicidda kaliya waxaa la qaadaa $120 bishi halka marka aad rabto in aad wax wacdo laguna soo waco lagaa qaadayo $170, laakiin waxaa dhacda in mudda ka badan 10 casho aaadan wax shaqa ah ku qabsan telfoonka, isla markaana ay lacag kugu socoto” sidaa waxaa yiri  Sacad Warsame oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysa telfoonadaasi.

Dhibaatada aan qabno hadda ayaa ah adigoo aan telfoon heysan isla markaana ay lacag kugu socoto, waana arin u baahan in xal deg deg ah loo helo ayuu hadalkiisa ku sii daray sacad oo hadalkiisa sii wata.

“ilmaheyga oo dibadda ku maqan waxay I leeyihiin hooyo telfoonadan cusub ee la keenay magaaladiina ee leh Number-da Maraykanka ah guriga noo keen si aan joogto ugu wada xiriirno waayo lacag la’aan ayaan kugu soo wici karnaa Hooyo ayeey I dhaheen, laakiin telfoonkii ay ii amaaneen ilmaha maba ahan mid wanaagsan oo todobaadkiiba ilaa seddex maalin waa ciladeysanyahay, mana jirto cid u taagan cilad bixintiisa” sidaa waxaa tiri Hooyo Cusabo Cabdi Magan oo ku nool magaalada Muqdisho isla markaana muddo isticmaaleysay telfoonadan cusub.

Shirkadahan Number-da ay adeegsadaan waxaa laga soo minguuriyay Dalalka Yurub iyo Maraykanka, waxaana mar walba ku yimaada fashil kolka laga war helo taasoo sababta in umadda Soomaaliyeed ee dhaqaalaha laga hormarsaday loona balanqaaday adeega is gaarsiineed ay caqab la kulmaan isla markaana lacagtoodi ay ka dhunto.

“Waxaa leyga hormarsaday lacag ka badan $100 waxaana leygula ballamay in ley siinayo Number fududeyn doono xiriirka aniga iyo caruurteyda oo yurub ku nool laakiin 10 casho kadib markii lacagta leyga qaaday telfoonkii waa ciladooway, lacagte ydiina halkaas ayaan ku waayay oo ma jiro magdhaw lacageed oo aan helay, lacag la’aan iyo telfoon la’aan ayaa isugu key darsoontay” sidaa waxaa tiri hooyo Ardo Cabdi Gedi.

Dadka horjoogayaasha u ah shirkadaha ceynkaas ah waxa ay ku doodaan in ay yihiin dad culima ah oo diinta Islaamka ku dhaqmo, waxaana muuqata in ficilada ay ku kacayaan ay yihiin kuwa ka baxsan insaaniyadda iyo dhaqanka Suuban ee  umadda Islaamka lagu yaqaan.

Asalka Telfoonada halkee laga keenay?

Soomaali ku nool qurbaha qaarkood oo aan aqoon badana u laheyn nidaamka adeegsiga qalabka casriga ah ee Technology -yada  ayaa maseyr dartiis ku fakaray in ay fikrad ka soo xadaan nidaamka ay adeegsadaan dunida horumartay, laakiin qishkaasi kuma aanay najixin oo fakir aanay guntiisa gaarin bay fulintiisa bilaabeen taasina waxay noqotay caqabad ballaaran.

Tani waxa ay ka mid tahay dhaxalka Nidaam la’aanta Soomaaliya, waayo waxa ay yaqiinsadeen qolyahan Shirkadaha horjoogayaasha u ah in aanu Dalka nidaam, kala danbeyn iyo isxisaabin ka jirin, waxaana la aaminsanyahay in taasi ay tahay sababata ay ugu sii dhiiradeen lug-gooyada shacabka shaqsiyaadkan ku howlan nidaamyada gurcan ee lagu dhibaateynayo shacabka.

Waa hubaal haddii Shirkadahan ay la imaanlahaayeen nidaam ganacsi oo loogu danbeynayo macaamilka in ay ay kasaban lahaayeen dad badan isla markaana adeegooda uu yeelan lahaa suuq wanaagsan, laakiin hadda waxaa muuqaneysa in dadkii horay u rukuntay adeegooda ay shalay ka joogaan hadda isla markaana ay baadi goobayaan waddo kale oo ay uga maarmaan shirkadahan aan shacabka tixgalinta u heyn.

Abdullahi O. Ahmed - London - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.