Soomaalida Maantay #10 - Muqdisho: Wali nolal ayaa ka jirta!! (Daawo Video)

Dad badan maqalka Muqdisho waxa ugu asteeysanyahay walaac, dhibaato, dagaal, dhimasho, dhaawac, Barakac, iyo wixii soo raaca, laakiin waxaa ka jira magaalada Muuqaal ka duwan kaas oo leh horumar iyo wanaag.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #10 - Muqdisho: Wali nolal ayaa ka jirta!! (Daawo Video)

Baridda iyo ka dhaadhicinta bulshada in magaalada Muqdisho ay tahay mid dhibaato waxaa kaalin weyn ka ciyaaray warbaahinta ha ahaato tan Soomaalida ay maamusho ama tan ajaanibta, waxaana warbaahinta ay hadaan dheer ka tuurtay tabinta wararka la xiriira wanaaga iyo horumarka ka jira  Muqdisho.

Inkastoo dagaalada ay jiraan ayaa hadana waxaa ka socda magaalada dhaq dhaqaaq ganacsi oo baaxad leh kaasoo leh wajiya kale duwan, waxaana magaalada laga heli karaa waxyba kale duwan hadii ay ahaan laheyd cuntada, waxyabaaha leysku qurxiyo iyo aaladaha loo isticmaalo Technology-da oo ah tan dunida maanta ay ku adeegato.

Dadka qaarkood howl kaliya uma lug xirna waxaana maalin walba ay qutul yoonka ka dhacsadaan halka ay fursada jirto, waxaana laga helayaa magaalada Muqdisho dad qabta wax ka badan afar ilaa iyo shan shaqo oo is weedaarsan.

Sida Video-ga idinka muuqata dadka Soomaaliyeed waa kuwa aan marnaba ku raali noqon dawarsi iyo tuugsi  waxaana taas badalkeed ay yihiin kuwa mar walba jecel in ay wax qabasadaan oo muruqooda maalaan, balse waxaa lug xiraya oo hamigooda beeninaya kooxo ka soo horjeeda horumarka iyo nabad ku noolashaha koonfurta Soomaaliya oo magacyo kale duwan leh.

Ujeedada ay keydmedia ka leedahay soo gudbinta barnaamijkan ay ku milicsaneyso nolasha iyo ganacsi magaalada ayaa ah in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheed ay u iftiimisa Muqdisho in aanu dagaal qura ka jirin taa badalkeedna nolal iyo hormar uu ka jiro magaalada.

Hadaba akhriste ma is laheyd muqdisho ayaa xiligan nolal aan aheyn diif iyo darxumo ka jirtaa? Mise ku fakartay marna aan aad maalgalin ku sameyso muqdisho si ganacsiga loo hormariyo?

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.