Soomaalida Maantay #3 - MA HILMAAMI DOONO! (DAAWO VIDEO)

Haweenku sanadahanba waxa ay ahaayeen xoog aan la dhayalsan Karin, waxaana dowr wanaagsan ay ka cayaareen maareynta Nolasha qoysas badan iyaga oo adeegsanaya xirfado iyo nidaamyo kale duwan.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #3 - MA HILMAAMI DOONO! (DAAWO VIDEO)

Suuqyada iyo xaafadaha ku yaala Soomaaliya marka aad eegto waxaa kuu muuqanaya in Haweenka ay dowr wanaagsan ka cayaareen daryeelka qoysas badan oo Soomaali ah, waxaana in badan la rumeysan yahay haddii aan gacanta Haweenka la heli laheyn in qoysas badan dhibaato ay wajihi lahaayeen.

Ibraahim Macalin Aadan, waa nin danyar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku xamaashaa Gaari gacan laakiin waa naafo oo isha ayaa hadda ka hor waxaa uga dhacay firir, Ibraahim in badan waxaa maareynta nolasha qoyska kaalin lama ilaawaan ah kala ciyaari jirtay xaaskiisa Ardo Max’ed cismaan Alle ha u naxariisto.

Ardo, waxa ay ka dawarsan jirtay illin garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaalada Muqdisho, waxaana dawarsigaasi ay ku dabooli jirtay baahiyo badan oo dhanka reerka ah, waxaana ay aheyd hooyo leh afar caruur ah leh isla markaana Uurey ah, laakiin musiibada Muqdisho oo ah mid maalin walba qoys gaar ah marti u ah ayaa galaafatay , Ardo Waxay  ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Ilinka Garoonka Diyaaradaha 9-kii bishii September ee aynu soo dhaafnay.
 
Ardo, waxaa falkaasi kula geeriyooday Haweeney ay rafiiq ahaayeen isla markaana ay ka wada dawarsan jireen illinka Garoonka, waxaana la xaqiijiyay in meydka Ardo iyo saaxibteed uu gubtay.

Intaa wixii ka danbeeyay Nolasha Ibraahim iyo caruurtiisa 4-ta ah waxaa la soo gudboonaaday caqabad balaaran, waxaana si weyn looga dareemay gurigooda dowrkii hooyo ee daryeelka ubadkeeda, inkastoo Ardo hooyadeed  oo waayeel ah ay u istaagtay daryeelka ubadka ay Gabadheeda ka geeriyootay, laakiin Nolasha Qoyska wali waxaa ku jira mugdi badan oo ka dhashay dhaqaale darri.

Muddo saacada ah oo aan la soo wadaagnay Ibraahim, caruurtiisa iyo soddahdiisa ayaa waxaa inuu muuqday muuqaal dhibaato badan muujinaya, waxaana hubanti ah in qof walbaa oo damiir aadaminimo iyo mid islaanimo leh oo arkaa dayaca nolaleed ee qoyska heysta in uu damqanayaan.

Qoyskan aan ka sheekeynay waxa ay ku nool yihiin xero barakacayaal oo ku taala agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee magaalada Muqdisho, waxaana xeradaasi lagu magacaabaa Tawkal.

Waa hubinti in ubad walba oo hooyadiis ay geeriyootay haba noqdaan caruurta kuwa koray oo weynaaday in ay dareemayaan baahi la xiriirta daryeelkii hooyo iyo dhiira galinteeda, waana arrin iska cad in dhibaato badan ay wajahayaan caruur yar yar oo ay hooyadood geeriyootay.

Ibraahim Macalin iyo caruurtiisa oo iminka wajahaya turunturooyin la xiriira nolal xumo, daryeel la’aan iyo Hooya la’aan waa kuwa  ubaahan taageero ka timaada Soomaalida damiirka wadaniyadeed leh ee ku nool dunida iyo umadaha kale wax samafala, wallow taageera la siiya aanay soo celin Karin ama wax ka tari Karin dowrkii hooyo ay ka qaadan kartay daryeelka ubadkeeda.

Ibraahim oo aan la sheekeystay ka hor inta aynaan la yeelan wareysiga aad daawaneysaan waxa uu ii sheegay in aanu abid hilmaami doonin kaalintii wacneed ee xaaskiisa ay ka ciyaari jirtay daryeelka ubadka, waxaana kolkii uu erayadaasi ku dhawaaqayay indhahiisa soo buux dhaafisay Ilmo, waana taa sababta aan u dowr biday sheekadan in aan ciwaan uga dhigo “MA HILMAAMI DOONO”.

Kaliya ma ahan Ibraahim Ereygaas dadka uu laabta uga taagan yahay ee u abaal haya dad badan oo garabkooda ahaa uu ku geeriyooday dagaalada macnaha aan laheyn ee ka socda Dalka.

Cid walba oo dooneysa in ay taageero u fidiso qoyskaasi dhibaateysan waxa ay kala xiriiri karaan Telfoonka ah 00252615098023, oo si toos ah looga helo Ibraahim Macalin Aadan, ama la soo xiriira Keydmedia si ay kugu fududeyso xiriirka Ibraahim haddii aad tahay wadani umaddiisa inuu taageero u taagan

Hadaba maxay kula tahay akhriste in dhibaatadan umadda Soomaaliyeed dilootay looga bixi karo? Maxayse ka faa’ideyaan dadka horboodaya dhibaatada ee aan u diirnaxeyn bulshada Soomaaliyeed? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.