Soomaalida Maantay #6 - Qaxooti Soomaaliya lagu Beerayo? (Daawo Video)

Dadka Soomaaliyeed mudda ka badan 20-sano waxay isugu jireen barakacayaal iyo qaxooti waxaana dalka ku nool dad tira yar oo dhibaato dharaar walba la kulmo isla markaan dulqaad iyo duca rabbi darteed isaga noolaa dalka.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #6 - Qaxooti Soomaaliya lagu Beerayo? (Daawo Video)

Laakiin waxaa jira muuqaal muujinaya la yaab iyo fajac, kaasoo ah in Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ah hoyga dhibaatada ka socota Soomaaliya ay ku nool yihiin qaxooti ajaanib ah oo ka soo cararay Dalkooda hooyo sabab la xiriirta isir faquur iyo takoor.

Wakaaladii hore biyaha oo ku taala inta u dhaxeysa Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir iyo Xarunti Wasaaradii arimaha dibadda waxaa iminka ku nool qaxooti ka soo jeeda Dalka ZINZIBAAR kuwaasoo tiradooda ay tahay 65 qoys .

Qoysaskan  u dhashay Dalka Zinzibar ma ahan kuwa kaligood dagan oo ka takooran bulshada inteeda kale, waxaana ay ku dhex Milan yihiin oo ay dhex galeen umadda Soomaaliyeed oo ay la wadaageen dhaqan iyo guur intuba.

Soomaaliya iminka waa Dal aan xuduud laheyn ayna iska soo gasho cidda isla markaana laga fuliyo wax walba ha ahaato dhibaato ama horumr intuba, Waxaa la wada xusuusan yahay xiligii ay joogeen Itoobiyaanka gudaha Muqdisho in dad badan oo ka dawarsan jiray wadooyinka Muqdisho isla markaana sheegi jiray in ay Oroma iyo qawmiyada kale oo badan la arkay iyagoo hogaaminaya ciidamadii Itoobiya ee ku soo duulay Dalka Soomaaliya ayna gar wadeenka u aheyd Dowladii uu hogaaminayay C/llaahi Yuusuf.


Gobalada Bari iyo Nugaal oo qiyaasta la haya ay sheegeyso in dadka ku nool aanay ka badneyn 100 kun oo qoy ay ku dhex nool yihiin 75-kun oo dhalashadooda ay tahay Amxaaro kuwaasoo six or ah ugu dhex nool magaalooyinkaasi, tiyoo aan xasuusanahay in dad Soomaaliyeed oo dhalad ah laga soo masaafuriyay gobaladaasi sabab la xiriirta isir faquuq iyo qabiileysi.

Aqoonyahano daraasad ku sameeyay arimaha bulshada gaar ahaan is dhex galka Bulshooyinka ayaa saadaalinaya in Jiilasha Soo socda ay suurta gal tahay in Dadka Soomaaliyeed ay ku yaraadaan Dalka isla markaana korarka ajaaniibta dhoofka ku timid uu sii kordha sida ka dhacday dalal badan oo dunida ah.

Afhayeenka qaxootiga Zinzibaarka eek u nool magaalada Muqdisho C/rashiid oo keydmedia ay kula kulantay wakaaladii hore ee biyaha oo hadda hoy u ah qoysaskaasi ayaa waxa uu ka sheekeeyay sida nolashooda ay tahay, waxaana uu sheegay in dhibaata badan oo dhanka nolasha ah ay iminka wajahayaan, isla markaana hey’adaha samafalka aanay waxba ku tarin qaxootigan,

Waxa uu is weydiiyay C/rashiid sababata ay UNHCR, WFP iyo hey’adaha kale ay u saacidi la’yihiin waxaana carrabka ku adkeeyay in hey’adahaasi baaqyo badan oo ay u diraan aanay jawaab rasmi ah ka helin dhankooda.

Waa arin mudan in si qota dheer loo eego istaraatiijiyadda ka danbeysay ajaanibta ku soo kordheysa Dalka haku soo galeen nidaam qaxooti, mid ganacsi iyo mid ciidan intuba.

Way wacnaan laheyd haddii soomaalidad ay ku baraarugi laheyd qatarta ka imaan karta xuduuda furan ee aan la kala xigin ee ciddii doonta ay iska soo gasho, waayo Soomaaliya maba helin 20 sano nidaam xafida xuduud isla markaana dhawra danta bulshada.

Hadaba akhriste siday kuula muuqataa korarka ajaanibta gudaha Soomaaliya, ma waxay kula tahay in ay horumar keeni karaan? Mise dhibaato in ay horseedi karaan bay kula tahay? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.