Soomaalida Maantay #8 - Daryeel la’aanta Naafada iyo Dagaalada Muqdisho (Video)

Ma sahlana in Dal dagaalo joogta ah ka jiraan ay ku noolaadaan dad lixaadkooduna uu kala dhantaalayahay isla markaana Naafa ah marka nolasha dhinacyo badan laga eego misna la daraaseeyo.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #8 - Daryeel la’aanta Naafada iyo Dagaalada Muqdisho (Video)

Todobaadkan Barnaamijka Soomaalida maantay oo aad arbaco walba ka daalacataan keydmedia waxaan ku eegi  doonaa nolasha dadka lixaadka la’ ee ku nool Muqdisho sida ay tahay iyo haddii ay jiraan taageero ay dadkasi ka helaan hey’adaha  ku shaqeeya magaca samafalka ee ka jira dalka.

Dadka naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho waxay isugu jiraan caruur, odayaal, dhalinyaro, Haween iyo dad da’ah, waxaana dadkan ay lixaadkooda ku waayeen sababo  kala duwan.

Sida aad ka daawan doontaan Filimkda dadku waxaa heysta iminka dhibaatooyin  kale duwan waxaana arin lala yaaba ah in aanu jirin Hey’ad calaami ah iyo mid gudaha intaba oo taageeraysa nolasha dadkan, waxaana jira qarashaad Malaayiin Doolar kor u dhaafaya oo lagu isticmaalo magac ah tageerada danyarta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo daafaheeda.

Waxa ay ku shaqeystaan dadkan naafada ah ee aad arkeysaan dawarsi iyo shaxaad, waxaana xiliyada qaar dhibaato xoog leh ay kala kulmaan dagaalada,  waayo inta badan waa kuwo  adimada ama indhaha la’ oo aan ka ordi Karin daryanka madaafiicda iyo hubka culculus, waxaana taasi ay nugul uga dhigtaa dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha dagaalada.

Dadka naafada ah waxay faquuq kala kulmaan  bulshada qeybaheeda kale duwan kuwaasoo midkooda ugu yar uu ku yiraahdo erayo yasmo iyo bahdilid ay ka muuqato sida Curyaan,iyo erayo kale oo aan u qalmi ruuxa alle uu kala dhantaalay lixaadkiisa.

Sida qeybaha kale ee bulshadaba ay hogaan u leeyihiin ayaa dadka naafada ah waxa ay leeyihiin gole ay isugu yimaadaan qaarkood isla markaana ay kaga tashadaan arimahooda, waxaana ka mid ah golayaashaasi machadka Naafada Soomaaliyeed oo ku yaala xaafada Buula xuubeey ee magaalada Muqdisho.

Waxaan la kulanay  gudoomiye ku xigeenka machadkaasi C/llaahi Xasan oo nooga sheekeeyay xaalada guud ee naafada iyo waxa ay kala kulmaan hey’adaha wax gar gaar ee isugu jira maxali iyo Calaami intuba.
“ Ma jiro gar gaar aan ka helno Hey’adaha, weyna nagu gacan seereen xiliya badan oo aan isku daynay in aan baahideena kala hadalno, mar walba oo aan isku dayno in aan arinkeena kala hadalno waxay noo aqoonsadaan dad dawarsanaya alabaabada ayeeyna naga soo xirtaan” sidaa waxaa yiri C/llahi Xasan oo ah gudoomiyaha Naafada.

Waa hubaal haddii dadka Soomaaliyeed ee damiirka wadaniyadeed , kan diimeed, kan dal iyo dad jaceylka uu ku danbeeyo ay u dhaqaaqaan wax ka badalida nolasha dadkan lixaadka la ay wax isbadali kaaraan, waayo is taageerida umadda dhexdeeda waxa ay in badan ka wanaagsantahay taagera ka sugida Hey’adaha magaca umadda ka qaraabta ee ku shaqeeya nidaamka daneysiga iyo dulaalnimada ku dhisan.

Hadaba daawade sideed is leedahay nolasha naafada Soomaaliyeed wax waa looga badali karaa, adiguse kaalin intee la eg ayaad ka geysan kartaa taaba galinta fikirka ah in wax loo qabto naafada Soomaaliyeed, fadlan aragtidaada noogu soo dir face book iyo youtube-ka taageeradaadana haka baqiilin masaakiinta lixaadka la ee ku nool Muqdisho oo magaalo dagaal iyo dhibaato ku caan baxday ah.

FADLAN U GARGAAR DADKAAN TABAALEYSAN - WAXAA KALA XARIIRI KARTAA : CABDULLAAHI XASSAN - BUULXUUBEY - TELEFONKIYSANAH WAA: 00252699990885

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.