Soomaalida Maantay #9 - Qurbajoogta Soomaalida : Dad Damiir iyo Damqasha leh!!

DAAWO VIDEO - 27-Oktober ee sanadkan sida aad lawada socoteen keydmedia waxa ay soo bandhigtay muuqaalada waayaha kii ugu uurxumada badnaa, waxaana filimkaasi uu muujinayay dhacdo murug iyo uur ku taalo hawan oo qabsatay qoys Soomaaliyeed oo ku nool xera barakacayaal oo ku taala magaalada Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #9 - Qurbajoogta Soomaalida : Dad Damiir iyo Damqasha leh!!

Ibraahim Macalin iyo caruurtiisa waa hubanti in aanay marnaba hilmaami doonin taageeradii wacneed ee ay soo gaarsiiyeen dadka ku nool qurbaha ee daawaday filimkii ay bandhigtay keydmedia, waxaana Ibraahim indhihiisa soo buuxiya Ilin farxad darteed mar walba oo uu xasuuto gacanqabashada wanaagsan ee ay Soomaalida u sameysay.

Maanta nolasha Ibraahim waxa laga dareemayaa isbadala kadib markii shacabka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool taageero hagar la’aaneed ay soo gaarsiiyeen, waxaana cid walbaa oo daawatay filimkii laga soo duubay nolasha Ibraahim ay dareentay murug iyo uur ku taalo.

Waxaa gacanta Ibraahim ku soo dhacay taageera maaliyadeed oo gaareysa in ku dhaw 10-kun oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana dhaqaalahiisa ku tabarucay Dad kale duwan oo ku nool qaaradaha dunida oo dhamaantood Soomaali ah.

Keydmedia si ay u muujiso dadaalka umadda Soomaaliyeed ay u gashay daryeelka qoyskaasi waxa ay garawsatay todobaadkan in ay idin soo bandhigto filim ka duwan kii horay aad u daawateen oo muujinaya farxad, horumar iyo niyad wanaagsan, waxaana filimkan aad ka dheehan doontaan Ibraahim oo umaddii gar gaartay u duceynaya.

Hadaba waxaa is weydiin mudan yeey ahaayeen dadkii taageeray Ibraahim Macalin, ma hey’ado Samafal, ma ururo, ma dowlad? Waa maya oo ibraahim waxaa taageeray oo nolashiisa wax ka badalay shaqsiyaadkan kala ah:

LIISKA DADKII GACANTA KA GEESTAY TAAGEERADA IBRAAHIM MACALIN AADAN

  1. C/llaahi Max’ed Xareed (UK)
  2. Khadro Saciid Xirsi (Norway)
  3. C/risaaq C/kariin Cumar (Norway)
  4. Mustaf Cismaan Mire (Ireland)
  5. Hodan Max’ed Xasan (Norway)
  6. Najmo Abuukar
  7. Jamiilo Max’ed (Canada)
  8. Najmo Yaasiin Cabdi
  9. Yasmiin Cismaan (USA)
  10. Keynaan C/wali Xasan (Australia)
  11. C/kariin Geedi Max’ed (South Africa)
  12. C/llaahi Max’ed (Canada)
  13. Saciido Abuukar Cumar (Holland)
  14. Umi Ismaaciil (Denmark)
  15. Canab Faarax Cilmi (UK)
  16. Faadumo Max’ed Nuur (Canada)
  17. C/fitaax Max’ed (South Africa)
  18. Aamino wehliye Sheegow (UK)
  19. Fu’aad Xaaji Xasan (UK)
  20. Nasro Cali Max’ed (UK)
  21. Faciido Cumar Abuukar (UK)
  22. C/raxiin Xasan Muudeey (USA)
  23. Raxmo Xaaji Dhaqane
  24. Jaamac Xasan Yuusuf (Denmark)
  25. C/lle Cawad Saalax( Kuwait)
  26. C/samad Xuseen Nuur
  27. Cali C/qaadir Axmed (Sweden)
  28. C/fitaax Shiikh Biixi (USA)
  29. C/llaahi Faarax Indhacade(Sweden)
  30. Seynab Cali Max’ed (Canada)
  31. C/kaafi Cali Max’ed (Sweden)
  32. Max’ud cismaan (Canada)
  33. Koos Axmed (Canada)
  34. Raxmo Max’ud (USA)
  35. Cismaan Cilmi Carab (USA)
  36. Bashiir Warsame Xirsi(UK)
  37. C/kariin Max’ed (USA)
  38. Sahra Max’ed (UK)
  39. C/llaahi Max’ed Cabdi (Canada)
  40. Max’ed Shiikh Cismaan (Sweden)
  41. Axmed Nuur Max’ed Cabdi (Switzerland)
  42. Ceydaruus Xirsi Max’ud
  43. Amaal Cabdi Faarax (UK)
  44. Suuban Cali (UK)
  45. Xuseen Aadan (France)
  46. Feysal Cali Cabdi (Norway)
  47. Muxibo Shiikh Cali (France) Dadaal dheeri ah ayeey sameysay oo bulshada ayeey taageera uga keentay Ibraahim
  48. Aamino Yuusuf (UK)
  49. Max’ed Max’ud Faarax (Qatar)
  50. Xaawo kiin Nuur
  51. Qaasim Max’ed Xasan (UK)
  52. Ubax Jibriil (USA)
  53. Faadumo Max’ed Xasan
  54. Faadumo Faarax (Denmark)
  55. C/llaahi Cilmi Xasan
  56. Aamino Yuusuf Macalin
  57. C/raxmaan Aadan Kalluun
  58. Suuban Cawaale Axmed
  59. Khurush Max’ed Wali
  60. Caasho M.Muuse
  61. Seynab C/llaahi Cismaan
  62. Saciid Olal Ugaas (Toronto)
  63. Xuseen Ismaciil Max’ed (USA)
  64. Deeqo Nuur Xuubeey (italy)
  65. Axmed Cumar
  66. Fardowsa Cali Jimcaale
  67. C/raxiin Xasan
  68. Samiiro Axmed Cilmi
  69. Cabtan Yuusuf Jaamac
  70. Faadumo Cumar
  71. Nuuro Jeylaani Maye (USA)
  72. Aamino Wehliye Sheegow
  73. Axmed Salaad Faarax
  74. Daahir Cali C/qaadir (USA)
  75. Xasan Warsame Jaamac
  76. Sagal Shiikh Xasan
  77. C/kariim Cabdi
  78. Khureesh Max’ud Weli
  79. Faadumo C/dule
  80. Xuseen Aadan Max’ed
  81. C/fitaax Max’ed
  82. Hodan Faarax Dhoore
  83. Faadumo Max’ed Nuur (Toronto)
  84. Sahro Shariif Max’ed (UK)
  85. Bashiir C/llaahi Max’ed
  86. Khadiijo Max’ed
  87. Madiino C/llaahi Cali
  88. Saciid Cali Axmed
  89. Cali Cabdi Nuur
  90. Khadiimo Max’ed
  91. Iikar Max’ed
  92. Bintow Max’ed

FG: Waxaa jira dad ka qeyb galay Taageerada oo aanay suurta galin magacyadooda in la daabaco, waxaana uu inoo sheegay Ibraahim in Receipt -yadii  uu lacagtooda ku soo qaatay ay ka lumeen, waxaana uu xaqiijiyay dhamaan dadkii la soo xiriiray taageeradooda ay gaartay. Sidoo kale dadka aan la sheegin meelaha ay ku nool yihiin, waxaa sabab u ah Xawaaladaha qaarkood uu aan ku soo bandhigin warqada lacag bixinta halka uu joogo.

Maamulka iyo shaqaalaha keydmedia iyaga oo aad ugu faraxsan dadaalka ay ummadda Soomaaliyeed u gashay daryeelka qoyskaasi waxa ay mahad balaaran u jeedineysaa cid walbaa oo ka qeybgashay taageerada Ibraahim Macalin Aadan.

keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.