Soonbaa soo dhaw , iidaa soo dhaw, dadweynaa faraxsan , ganacsataa faraxday!!!

Dr. Ismail Malaas - Nairobi Dadka Muslimka ah ee dunida oo idil waxay si dhab ah qotana dheer ugu farxaan soo galitaanka bisha Ramadaan, Iidul fidriga iyo Iidul adxaha oo ah labada iidood ee rasmiga u ah islaamka.
Maqaallo Keydmedia Online
Soonbaa soo dhaw , iidaa soo dhaw, dadweynaa faraxsan , ganacsataa faraxday!!!

Dadka waaweyn aad bay si alle kacabsi leh isaga dhawraan in ay bishaas ka soomaan cunnada iyo wax allaale e dembi ah, iyadoo haduu wax danbi ah ku sigto uu durbadiiba oranayo “Ilaahayow waan soomanahay” haddii qof uu ka baxsan waayo ama uu gacan u qaado  wuxuu ka joogsadaa inuu la dagaalamo isagoo oranaya ilaahayow waan soomanahay sidaana uu kaaga xishoodsiiyo kan ku gardaroonaya, hadiise dhibaata weyn qofka uu geysanayo wuu iska celinayaa oo naftiisa ayuu ka badbaadsanayaa, isagoon ku talax tagin iska dhicintiisa.

 

Bisha soon, Iidul fidriga iyo Iidul Adxaha aad baa loogu farxaa waxase la yaab leh in kuwa ugu farxada badani ay noqdaa ganacsatada gaar ahaan kuwa waa weyn, dadka muslinka ah ee iska ilaaliya wixii dembi ah  soomana waxaa qalbigooda soo gala naxariis, waxaana qofkasta oo awooda uu afuriyaa inta qof ee karaankiis ah isagoo dariskiisa ka bilaaba.

 

Dadkayagu haatan ma awoodo in koox aad u fara badan oo sabool ah loo kaalmeeyo, waayo dagaala xoog leh oo aan  naxriis laheyn ayna ku lug leeyihiin qolyo sheeganaya Islaanimo, waxaana laga dhex qarxiyaa waxyaaba qarxa oo dad shisheeya ah ay soo diyaariyeen  iyagoo oranaya waa Murtadiin iyo wax murtadiin abaabuleen xitaa masaajidyadii ayaa lagaa baqaa oo ay kooxaha islaamka qaloocan sameeyay ay ku tilmaameen Masaajidyo Ahlu-shirki iyo murtadiin leeyihiin iyagoo ula jeeda Ahlu-suna Waljamaaca iyo Dowladda ku meel gaarka ah.

 

Ganacsatada maanta joogta badankood laba goor ayeey ku farxaan soonka  soo dhawaanshihiisa iyo labada ciidood ee ciidul fidriga iyo ciidul arrafo, mid  dadweynahay la qabaan midda kalana iyaga ayey gaar u tahay, tan gaarka u ah ganacsatada Soomaaliyeed intooda badan waa iyagoo bilkasta ee sanadka marka ay soo dhamaato lacagta shisheeya ee soomaalida qurbaha joogta ah ay eheladooda u soo direen qiimaha doolarka marka wax lagu iibsanayo ama la sarifiyo siinaya qofka lacagta Soomaaliga ah ee kunka u sareeyo una hooseeyo taasoo macnaheeda uu yahay in kun kaliya laga isticmaalo Soomaaliya badankeed.

 

Doolarka marka ay bisha soon qaad soo gasho ilaa ciida laga baxo waxaa lagu sarifaa lacag shilin Soomaali ah oo yar, tusaale ahaan haddii uu joogay qiimaha 100$ seddex milyan oo shilin Soomaali ah soonka bisha ka horeysa ilaa Iida ka soo gasho kor ayuu u kacayaa, seddexdii milyan ee qofku helyay laba Milyan iyo sideetan ama Sagaashan sidaa ayeey xaaladu ahaataa ilaa soon ka dhamaado marka laga baxo Iidul fidriga ayeey boqolka doolar bil hoos  u dhigaan marka bil ka dhimatahay Iidul adxana sidiisii ayuu ku soo noqdaa.

Ganacsatada yar yar ee cunnada oo macdaarreyda loo yaqaan iyana waa Qalin shubatooyin kale oo hoos uma dhigaan qiimaha cunnooyinka, iska daa wax ay dhimaane Iidaha iyo Soonka ayeey iyana lacag xaaraan ah macaashaan iyagoo ku marmarsiyoonaya in ganacsatada waa weyn ee Jumlada ay qiima qaali ah kaga soo gataan, haddii aad tiraahdo  badeecadan waa tii hore kugu tiillaye wuxuu kugu jawaabaa, war badan daa ama sidaa ku qaado ama iska tag, wax walba ayaa qaaliyooba waxa  sii bata khudbadaha gudoomiyaha Ganacsatada Gobalka Banaadir iyo gudoomiyaasha gobaladda  kuwaasoo aad moodid marka ay leeyihiin “war masaakiinta, dadka Saboolka ah, shacabka dagaaladu halakeeyeen, curyaamiinta ama naafada haloo maciino” waxaad moodaa  markay khudbadeynayaan in ay ooyayaan, runtuse waxay tahay in ay iyaga yihiin kuwa hadba siday doonaan doollarka ama lacagaha shisheeye ee dalka yimaada siday doonaan kor ugu qaada ama hoos ugu dhiga hadba sidii faa’ido ugu jirto.

 

Ma dhargaan oo sidii jahanamo oo marka danbiilayaasha iyo dhagaxda laga buuxsho la yiraahdo jahanamooy ma dheragtay ? oraneysay Siyaado ma jirtaa? Arrinta ku aadan Jahanamo oraahdeeda daliisheeda oo cad kutub Qur’aanka ka eeg.

 

Waxaa foosha xun ee dhacaya sababtooda waaa iyadoo dowlad wax ku ool ahi aanu Dalka ka jirin, Dowlad ku sheega Wasiira ka mid ahina ay ku jiraan Ganacsatada.waxaad moodaa oo mar xaqiiqo kula noqonaya  inaan dalkan lalaba dooneyn inuu Dowlad wax tar yeesho oo ay abidkeed dhibaatada iyo dhib wadayaasha ay iska jiraan .

 

Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha waa nin ay xag walba kaga hareereysan yihiin koox, Baarlamaan, Wasiirro, odayaal sheegta Guddiga beesha Hawiye, Guddiga beesha Daarood, Guddiga beesha Raxaweyn kuwaasoo iyana ilma yaaxaas daadsha. Yaxaaska markuu webiga ka soo baxo biyihii uu ka soo dhex baxay ayaa indhihiisa ka daata oo aad ilmo u maleyniysid, mana ah Gudiyada beeluhu Boqorrada, Salaadiinta Malaakh IWM  waa kuwa iyana  ay la tahay in aanay dan ugu jirin Dowlad waxtar leh in ay Dalka ka dhalato , inta aan soo sheegnay 90%  caruurtooda iyo xaasaskooda dibadda ayeey jiraan.

 

Dadkan, dadweynaha Soomaaliyeed ee sidaa foosha xun oo jaqayo dhiigiisa waa cidina uma maqna ceelna uma qodna ,waxaan sidaa u leeyahay in aan maqlay in qurba joog badani aanay qabyaaladii ka tagin oo aanay la yaabin iyagoo jooga dalal aad u horumaray xagga dhaqaalah, oo ay arkayaan in dunida leysku dhaafay aqoonta iyo horumarka Tiknoolajiyadeed oo kaliya barwaaqo dalaka ay ku gaarayaan, kuna kala garanayaan waxa xun iyo waxa san iyo in dhamaan dadku walaala yihiin.

 

Waa wax la yaab leh in aanay dalalka horumaray ee Yurub, Maraykanka Usturaaliya Jabaan IWM ay qabiil wax la yiraahdo buugaagta taariikhda ka akhristeen bari ay mugdi ku hoos noolaayeen ay qabiil qabiil iyo isir isir u noolaayeen  hataanse annagey markay hoos u hadlayaan dugaag na yiraahdaan.

 

Waxaan qurba joogta Soomaaliya oran lahaa bal eega xaalada  Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen uu ku noolyahay, baqdin, argagax, qabiil qabiiley isu leynayaan, iyagoo isku diin ah Islaam kaliya ay diintooda tahay ay ka dhisteen koox maafiya ah oo afgaanistaan iyo meela kale oo afgaanistaan iyo meelo kale ka yimid dhaliyeen , bi’waaya ee miyaadan dhiig laheyn, isla saacadan aan qorayo hadaladan waxaa i soo gaaray Telfoon sheegaya in aad looga baqayo in la qarxiyo dad masaakiin ah oo laga ururiyay xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho oo Haween u badan kuwaasoo dibadaha looga soo deeqay lacag waxay hortubnaayeen xawaaladda dahabshiil , yaa looga baqayay? cid kale ma ahan ee waa ajaaniibta Afgaanistaan iyo Dalalkoodii ka soo cararay, kuwaasoo kooxaha Dowlada ka soo horjeeda u aasaasay fulinta wax walba oo bulshada argagax galin kara , sidee damacaasu u galay?.

 

Damacaasu wuxuu u galay iyagoo arkay in meesha aanay xukuumad dhaqdhaqaaqeysa aanay jirin misna aan la fileyn.

 

Erayadan u danbeeya waa codsi aan u jeedinayo xildhibaano sharaf leh oo wadniyiin ah haday jiraan, haday jiraan Wasiirro wax isku falaya  sharaf iyo wadaninimo leh in ay dhaqdhaqaajiyaan  xukuumadda, in ay hareeridda ka qaadaan Madaxweynaha hadii kale shariif Axmed iyo inta Sharafta leh oo wadaniyiin dhab ah  beesha caalamka u qeyla dhaanshaan ka dagaan xukunka kana tagaan Baarlamaanka SYL cusubna aas-aasaan si jiqidda dhiiga dadweynah loo joojiyo, ganacsatadan waraaboobay looga qabto, kuwa xamar jooga iyo shariifyada ganacsatada ah ee Dubay joogana looga badbaadsho.

 

Dr. Ismail Malaas - Nairobi

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.