Talo ku socota Midowga Musharrixiinta

Maqaallo Mohamud M Uluso

Hadallada iyo dhaqanka Madaxda Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS maalmahaan dambe waxay dhaawacayaan ama wiiqayaan mowqifka geesinnimada iyo waddannimada xambaarsan ee ciidammada dowladda federaalka ku diideen muddo kororsiga 2da sano ee sharcidarrada aheyd. 

Talo ku socota Midowga Musharrixiinta

Hadallada iyo dhaqanka Madaxda Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS maalmahaan dambe waxay dhaawacayaan ama wiiqayaan mowqifka geesinnimada iyo waddannimada xambaarsan ee ciidammada dowladda federaalka ku diideen muddo kororsiga 2da sano ee sharcidarrada aheyd ee Xildhibannada Barlamaanka federaalka iyo Madaxweyne farmajo sheegteen kaddib markuu dhammaaday muddo xileedkooda, haseyeeshe lagu qasbay 18 maalmood kaddib inay ka noqdaan.

Saraakiisha iyo Ciidammada mileteriga iyo Booliska ka tirsan waxay qaateen go’aan lagu badbaadinayo midnimada, sharciga, iyo qarannimada Soomaaliya, hadafkaasoo aan weli si buuxda loo xaqiijin ilaa maanta. Ka noqoshada muddo kororsiga xaaraanta aheyd waxay hordhac u tahay dib u soo celinta ku dhaqanka dastuurka kmg iyo ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed. Madaxdii dhibaatada abuurtay ma aqoonsana ilaa maanta gefkooda.

Farmajo iyo taagerayaashiisa marna ka tanaasuli maayaan inay awoodda dowladda u adeegsadaan si ka baxsan sharciga iyo inay fashiliyaan dadaalka loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Xilwareejinta qabanqaabada doorashada iyo amnigeeda ee Farmaajo ku wareejiyay RW Roble waxay markhaati u tahay in Farmaajo xaaran ku haystay xil uusan shaqo ku laheyn, waxaana cad inay tahay afka barkiisa waayo haddii ay daacad ka tahay wuxuu xilwareejinta raacin lahaa is casiladiisa si RW Roble u helo fursad uu ku qabanqaabiyo doorasho raalli laga wada yahay.

Waxaa intaa ka daran in kooxda taagerta farmajo oo isugu jira RWKX, wasiirro, agaasimayaal, iyo CBB ay ku jiraan dagaal rasmi ah waayo waa koox laga dhaadhiicay inay ka mid yihiin koox xukunka Soomaaliya haysaneysa muddo dheer, soomaliyana laga dhisayo dowlad leh dhaqanka “maafiyada caalamiga” ama boqortooyo la mid ah kuwa carabta khaliijka, taaso khilaafsan himilada iyo heshiiska ummadda soomaaliyeed ee ku cad dastuurka kmg.

Waxaa muhiim in Madaxda Midowga Musharrixiinta taageeraan, talada iyo go’aanka ku qaataan kacdoonka Ciidammada iyo Shacbiga, kana fogaadaan inay iska dhigaan dhexdeexaad iyo shaati cadayaal ku jira gorgortan darajo.

Xaalka Soomaaliya wuxuu maraya in dastuurka kmg iyo Qarannimada Soomaaliya lagu difaacay xoog hubeysan. Sidaa darted, iska hor imaadka socda ma ahan mid qabiil ama dagaal sokeeye, waa difaaca dowladnimada Soomaaliya ee saldhiggeedu yahay ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta iyo dhawrista heshiiska doorashada muddeysan 4 sano kasta dib u dhac la’aan.

Nabadgelyada waxay ku xiran tahay diidmada iyo ishortaagga ku takrifalka awooddaha dowladda.

Sidaa darted, Madaxda Midowga Musharrixiinta waa inaysan ku hadlin, kuna dhaqaaqin hadallo iyo tallaabooyin dhaawacaya, wiiqaya, niyad jebinaya midnimada mucaaradka ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Ciidammada difaaca dastuurka, iyo bulshada taagersan xaqa iyo dimoqradiyada.

Dr. Maxamud M Culusow




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.