Badbaadinta Kismaayo

By C/rashiid Soomaali - Waxaan Shaki ku jirin in Kismaayo ay ku dhacday gacan wadacadaw ku ah Soomaaliya hada iyo Mustaqbalka dambe waxeyna ka qabsadeen Cadaw aan Naxariis lahayn oo sabab u noqday in cawga Qaranka ay ku marmarsiyoodaan la dagaalanka Shabaab.
Maqaallo Keydmedia Online
Badbaadinta Kismaayo

Hadaba waxaa su,aal mudan ma banaantahay in lagu farxo cadaw u soo qalab qaatay hagardaameynta qarankaaga?

Kuwa idaacadaha iyo TV-yada ka hambalyeyay ee sheeganaya Somaali ama waa khabar mooga yaal lagu siray magaca Amisom ama waa khaaimiin Wadankooda khiyaamay oo taageeray qabsashadii dhulkooda

Aqristoo waxaa Su,aal mudan Kenya ma waxa ay Ciidankeeda usoo dagaalgelisay si ay ubadbaadiso wadan ay u aragto inuu cadaw ku yahay?

Waxaa kaloo is weydiin mudan Kenya ma waxay usoo gashay Somaaliya si ay u baacsato Al-Shabab oo ay derisnimo kuwada noolaayeen mudo 5 Sano ah miyey cadeeyn in dadkii Kenya laga soo afduubtay in ay afduubteen Burcadbadeed Kenyana ay ogeed balse eey eedsatay shabaab oo sanada sii horeysay xadka  kenya ka soo af duubtay baabuur iyo askar kenyan ah dawlada kenyana ay wada xaajood lagashay al shabab waxayna usoo dirtay oday dgaqameedyo soomaali ah si ay derisnimo ugu wada noolaadaan Maxaa keenay maanta in kenya ay awoodeeda oo dhan ku soo deyso soomaliya ????


Kenyan army’s outstanding victory over Al Qaeda’s Somali Shabaab. Israeli advisers helped


Miyeynan cadayn in dana qarsoon loo soo maleegay qarankeen ?

Kenya iyo wadamada Reer Galbeedka inta ba waxa ay ka soo shaqeeyeen sidii ay Soomaliya burburkeeda uga faa,iideysan lahaayeen waxaana is biirsaday danahooda iyo tii dabadhilifyadii cadawga oo huwan magac wabiil si ay ceeb iyo wahigabax uga fogaadaan oo ay is ka dhigaan dad qabiil u halgamay markii ay kenya ku dangaartana oo ay ogyihiin iney dheereen goortaas waxay hoosta ka geli doonaan qabiilka oo ay ku mano sheegtaan inay heer iyo guul gaarsiiyen Kenya hadefkeeda koowaad wuxuu ahaa inay jubooyinka kasameyso maamul gobeleed laga hago nairobi kaas oo bedel unoqdoona labadii shariif iyo gaas

Sida ay itoobiyaba ka wado gobalada dhexe iyo hiiraan putland waxaaba u jooga faroole maamul gobaleed kenya iyo kuwa itoobiyaba waxaa loogu talagalay iney caqabad ku noqdaan dowlada dhexe ee cusub hadii ay lasoo baxdo astaamo wadaninimo oo ka hor iman kara danahooda.

Arinka badda hadaan wax ka taabto waa arin fudud hadii maamul goboleedka kenya ay soo wado laga hortago sabab too ah waxaa laga yaabaa in maamul gobeleedka ay dhisto uu ku doodo inay kenya kawada xaajoodaan badda sidaana uu ugu hibooyo marka si taas  loo baajiyo waa in loo xilsaaro aqoonyahano daacad ah oo dooda kenya fashiliya lana xaajooda wadamada kenya dabada ka riixaya sida norwey sababtoo ah kenya waxaa ku dhiiri  gelinaya wadama shisheeye oo faa,iido doon ah una arkay soomaaliya wadan aan nabadi ka dhaweyn oo hadane cidla yaal oo jasiiradihiisa aan ka war heeyn markaa ayay kenya la xaajooden 

Su,aashu waxay tahay sidee looga bixi karaa caqabadahaas halista ah loona badbaadi karaa jubooyinka???

Waxaa looga bixi karaa Madaxda cusub oo baraarugto kana shaqeyso arinta Jubooyinka iyo Kismaayo si gaar ah

TALOOYIN:

Lakiin talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa 

1-in si deg dega loo magacaabo gudi ku xiran xafiika madaxweynaha oo ka kooban rayid iyo milatry oo ka tala bixiya xaalada kismaayo iyo juboyinka

2-in loo magacaabo maamul tayo leh oo howl kar ah lehna aqoon diblomaasi nimo si uu uga fogaado is qab qabsi awoodeed

3-in jabhada raas kaambooni hub ka dhigis lagu sameeyo laguna biiriyo ciidamada dawlada

4-ciidamada kenya waa in sida ugu dhakhsiyaha badan looga saaro kismaayo lana soo de dejiyo ciidamada siiraaliyoo kenya ciidankeedna dib loo guraa ilaa afmadow

5-in dawladu ay gacanta ku dhigto meelaha muhiimka ee kismaayo sida airportka iyo dekeda oo loo magacaabo guddi dhaqaalo oo hoos yimaadi dawlada dhexe

6- in la isku dhafo ciidamada dalka marka ay furmaan waddooyinka oo kismaayana la geeyaa ciidamo isku dhafan Inataa iyo inkalaba waxa ay waqtiga dhaw ka badbaadin karaan kismaayo in looga taliyo nairobi sababta kismaayo loo hadal hayaana ay tahay hadii kismaayo uu ku hirgalo qorshahaas kenya.

Waxaan shaki ku jirin in uu dalkoo dhan ku hirgeli doono oo gobal walba ay itoobiya ciidan geli doonto kana unki doonto maamul gobeleed ku sheeg somaliland laysku gedaami doono oo ay ku qasbanaan doonto iney si dhameystiran u adeecdo itoobiyo ayadoo aan faroole su,aal ka taagneyn iyo khaatumo oo ay kaafwareegaan newpolice ka dawlada xasan sh maxamuud si kasta oo ay u wanaag sanaato waxa ay noqon doontaa mid ku eg muqdisho ilaa jowhar muqdisho ilaa marko hadii ay ka hor tagin qorshayaasha cadawga si dhabana uu uga shaqeeyo siduu itoobiya iyo kenya marka hore dalka uga saari lahaa kadibna amisom oo dhan soomaaliyana ay noqataa dal madaxbanaan

Alow soomaaliya noo dhowr

WQ: C/rashiid Soomaali




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.