Tartanka Masaakiinta Iyo Maalqabeenada

Maqaallo Keydmedia Online

Waxaa tartan adagi dhexmaray Masakiinta iyo maalqabeenada, isagoo mid waliba robo inuu cadeeyo inay iyagu ka qiimo iyo khayr badan yihiin kuwa kale, hadaba waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Tartanka Masaakiinta Iyo Maalqabeenada

Masakiintii waxay dheheen: "Anagaa idinka sharaf iyo khayr badan, maxayeelay Nabi Muxamad (NNK) saboolnimo ayuu ka doortay hodanimo."

Maalqabeenadiina waxay dheheen: Maya Anagaa idinka sharaf badan, maxayeelay hodannimadu waa tilmaan kamid ah tilmaamaha Ilaahay (swt), (Ilaahay waa hodan, idinkuna waad baahantihiin)."

Masakiintiina waxay dheheen: Anagaa idinka khayr badan, maxayeelay maalinta qiyaamada xisaab-tanaduu way fududahay, tiinuuna aad bay u culus tahay, (Qofkii wax yar sita culayskiisu waa yar yahay, kii waxbadan sitana culayskiisu waa daran yahay), qofkii xisaabtiisu badatana cadaabkiisaa daran.

Maalqabeenkiina waxay dheheen: Maya anagaa idinka khayr badan, maxayeelay waxaan labaxnaa Sako iyo Sadaqooyin fara badan, marka Ajar kanagaa aad idiinka fara badan.

Fuqaradiina waxay dheheen: Anagaa idinka khayr badan maxayeelay idinku raaxadiinii Aduunkaad ku qaadateen, (Wanaagiinii waxaad ku hormarsateen aduunyada waadna ku raaxaysateen) Anaguna Aakhiro ayaan ku raaxaysan doonaa.

Maalqabeenadiina waxay dheheen: Maya, anagaa idinka khayr badan, idinku Islamka sisax ah uguma camal fali kartaan; Sako mabixisaan, xaj matagi kartaan, sadaqo mabixin kartaan iwm.

Masakiintiina waxay dheheen: Anaga naguma waajibin Sakada iyo Xajku, nalamana weydiin doono, idinkase  waxaa laydin weydiin doonaa xabad kasta, shilin kasta iyo shay kasta oo aad  hantideen, xageed kakeentay, xageedse ku bixisay (Qofku ka dhaqaaqi maayo banka qiyaame ilaa 4-Su'aalood laga weydiiyo, maalkiisii xagee kasoo shaqaystay, muxuuse ku bixiyay).

Maalqabeenadiina waxay dheheen: Anagaa idinka khayr badan, oo waxaan bixinaa sadaqo, masakiinta ayaana ka farxinaa, dhibkana kaqaadnaa, madaama ay xooluhu keenaan farax iyo liibaan.

Masakiintiina waxay dheheen: Anagu waxaan ku noolahay xasilooni, qanaaco iyo wareer la´aan, maxayeelay Jacaylka maalkuna ama aduunyaduna wuxuu keenaa murugo, naxdin, madax xanuun iyo cuduro badan. Maalqabeenadiina waxay dheheen; dhaqaaluhu waa tiirka nolosha adkeeya, qurxiya, dadkuna isagay wanaaag kasta ku gaaraan, hodanimaduna waa raaxo iyo ilqabawsi, xoolaha ayeyna dadku Rabbi (swt) ugu dhawadaan.

Masakiintiina waxay dheheen: Maalku waa kan keena xasadka, kibirka, fitnada,  isku dhaca iyo isdilka, labadii dhaqaale wadaagtana waxaa badan inay marka danbe isku dagaalan, isku dilaan. Halka ay kuwa saboolka ahi, is jecelyihiin wadanaool yihiin khayrkana wadaagaan.

Maalqabeenadiina waxay dheheen: Aad bay ukala duwan yihiin Qof kari kara oo iska dhaafay xumaanta iyo Qof caajis/ tabar laawe ah oo aan awoodba lahayn. Idinku waxaa tihiin tabar-laaweyaal, anaguna waxaa nahay dad leh awood iyo karti; maalkanaga waxaana ku qabsan karaa acmaal fara badan oon jano kugali karo.

Masakiintiina waxay dheheen: Maalku waa aduunyada nuxurkeeda, Ilaahayna adoomihiisa wanaagsan lama jecla aduunyo, Rabbina (swt) waa ka kaaftoon-yahay aduunyo iyo dulinimadeeda. Maalqabeenkiina waxay dheheen, abuurka maalku wuxuu ku yimid xikmad Ilaahay, qofkuu maal siiyana waa qof uu isagu karaameeyay.

Masakintiina waxay dheheen: Fircoon wuxuu ahaa nin aad umaal badnaa, una xad gudbay, si xuna loo halaagay! Maalqabeenkiina waxay dheheen; taa haku qaldamina, maxayeelay, Sulayman wuxuu ahaa Nabi lasoo diray, wuxuuna mulkiyay aduunyada oo dhan. Nabi Dawudna wuxuu lahaa 33kun oo waardiye, kursigiisuna wuxuu kasamaysnaa Dahab . Waliba ahlu Janadu waa hodan, wayna farxayaan, noloshooda ayaana karaaxa badan mida maalqabeenka. Ahlu naarkuna waa dad aad u baahan, aad u dulaysan, sidaa darteed anagaa idinka khayr badan.

Masakiintiina waxay ku jawabeen: iska aamusa, ahlu naarka badan-koodu waxay ku xadgudbeen maalkoodii, waxayna kukalax-tageen hawa raaca iyo danbi falida, madaama ay haystaan waxay naftu ku raaxaysan lahayd ku fitnoobi lahayd oo dhan!.

Maalqabeenkiina waxay dheheen: Haqaldamina; Alle kacabsidu waxay ku duugan-tahay dhuuxa hoose ee qofka, waxayna kasoo fushaa qalbigiisa, faqiir ama maalqabeen midkuu dooni hanoqdee.

Tartankiina wuxuu kusoo dhamaaday: Inuu Maalku yahay khayr uu Alle bixiyo, siiyana qofkuu isagu ugarto, janadana lagu galo Iiman sax ah iyo camal saalix ah oo qofku sameeyo, ha ahaado maalqabeen ama sabool midkuu dooniye.

Maalkana looga faaiidaysan karo khayr aduuna iyo mid aakhiro, qofkii si xun u isticmaalana ay badan-tahay inuu naar ku galo, adoomaha Ilaahayna ay kamid yihiin kuwo maalqabeen ah, oo hadii laga dhigi lahaa sabool fitnoobi lahaa/ gaaloobi lahaa, iyo kuwo masakiin ah oo hadii laga dhigi lahaa maalqabeen fitnoobi lahaa.

Rabbina uu ogyahay qof kasta waxa ama sida usuubata, uuna siiyay wax ku baboon dabeecadiisa siuuna u fitnoobin.

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.