Dowlada Turkiga “Ma jirto Dan gaar ah oo aan ka leenahay Dalka Soomaaliya”

Ankara (Keydmedia) - Dawlada Turkiga ayaa ka hadashay danaha Siyaasadeed iyo ujeedooyinka ay ka leedahay Dalka Soomaaliya oo ay mudooyinkan dambe taageero siyaasadeed iyo hawlo samafal ah ka waday Dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku maal-gelisay lacag qadarkeeda lagu sheegay 365 Milyan oo Dollar.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowlada Turkiga “Ma jirto Dan gaar ah oo aan ka leenahay Dalka Soomaaliya”

Afhayeenka Mashaariicda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mr. Selcuk Unal ayaa Wareysi uu KEYDMEDIA siiyay ku sheegay in Dawladiisu ka damqatay dhibaatooyinka Rubuc qarni jirsaday ee ku habsaday Dalka Soomaaliya.

Waxuu tilmaamay in ay Guntiga u xiratay sidii Dhibaatada Soomaaliya ku habsatay loogu soo jeedin lahaa indha Caalamka, una heli lahayd wax qabad wax tar leh oo dhab ah.

"Waxaan dooneynaa in ay helaan gargaarka ay u baahan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, laakiinse kama lihin wax ujeedooyin ah oo dahsoon Dalka Soomaaliya" ayuu jiri Selcuk Ünal.


Shacabka iyo Dawlada Turkiga waxay isku kaashadeen sidii ay u kaalmeeyn lahaayeen Dadka Soomaaliyeed, waxaayna ugu deeqeen Hanti gaareysa 365 Milyan oo laga soo uruuriyay Dadka reer Turki.

KEYDMEDIA: Mr. Ünal, Lacagahaas 300 oo Milyanka ah maxaad ugu tala gasheen? Maxaase ku qabateen?

Mr. Selcuk Ünal: Lacagtaas waxaan u Qorsheynay in Qeybta Hore lagu nafaqeyo, lagu Daaweyo, lagu dajiyo Dadka tabaleysan oo abaarahu ku habsadeen kana soo Barakacay Degaankoodii ay ku dhashteen.

Qeybta labaad waxaan u isticmaaleynaa Dayac tir iyo dib u dhiska dalka.

Qeybta Sadexaad waxaan ugu tala galnay Mashaariic la xariira Dib u dajinta beeraleyda iyo hormarinta Beeraha, hirgalinta Mashaariic Warshadaha sida gaarkaa lo leeyahay.

Qeybta Afraad, Tayeeynta Waxbarashada iyo dhismooyin Machadyo heer Jaamacaddeed ah.

KEYDMEDIA: Mr. Ünal, Bilihii la soo dhaafay Hakad baa ku yimid Dulimaadkii Turkish Airways. Maxey aheyd Sababtu?

Selcuk Ünal: Dulimaadka Diyaarada Turkish Airways sidi loogu talagalay ayee u socotaa. Waxba isma badalin.

KEYDMEDIA: Xog ey KEYDMEDIA heshay ayaa shegeysa in Cadaadis weyn idinkaga yimid Xafiiska R/wasaaraha Kowaad. Hada isfahamku seebu yahay?

Selcuk Ünal: Sidaan horey idinkugu sheegay, Dulimaadka Diyaarada Turkish Airways sidi loogu talagalay ayee u socotaa. Wax Caqabad ahnah ma jiraan oona hortaagan.

Mr. Selcuk Unal wuxuu hadalkiisi kusoo gunaanaday “"Suuro galinta Mashaariicda aan kor kusoo sheegnay waxey ku xirantahay in ey kahor wareegeen  kuwa Hangoolka ku haya si aysan Howshaas u fulin.”

“Waa in ey gartaan waxa aan usoo gurmanay waa Ajaga iyo Dadkooda ee Dowlada Turkigu dangaar ah uma imaanin Dalka Soomaaliya”

Kaasi wuxuu ahaa Wareysigii ku dhexmaray Qadka Telefoonka Wakiilka Keydmedia u fadhiya Nairobi, Kenya - Maxamuud Cilmi Faarax Mooge iyo Afhayeenka Mashaariicda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mr. Selcuk Ünal.

Maxamuud Cilmi Faarax Mooge - Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.