Turkiga waxa uu horseeday in Dowlado badan ay caawiyaan Soomaaliya - Daawo Isbadalka!

ISTANBUL (Keydmedia) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Nur Sheikh Hamud Mursal, ayaa amaanay Dadaalka iyo kaalinta ay Dowladda Turkiga iyo Shacabkeeda ka qaateen samata bixinta iyo wax u qabashada Dadka ay Abaarta iyo Macaluusha saamaysay ee Soomaaliya Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011.
Maqaallo Keydmedia Online
Turkiga waxa uu horseeday in Dowlado badan ay caawiyaan Soomaaliya - Daawo Isbadalka!

Safiirka ayaa sheegay in Booqshadii Taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdo?an uu ku tagay Bishii November 2011 Magaalada Muqdisho ay u soo jiiday Soomaaliya in Dowladdo badan ay usoo gurmadaan Shacabka dhibaateysan.

“Turkiga wax badan ayay Muddo yar gudahooda ku qabteen, Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ugu mahadcelinayaan dareenka walaaltinimo iyo Kaalamada lama iloobaanka ah ee ay Turkiga u fidiyeen Soomaaliya xilli ay aad ugu baahnaayeen in la caawiyo. Abaarta waxa ay dishay 29,000 oo ah Carruur da’doodu ay ka yartahay 5 sano, waxaana sidoo kale ay Macluul ku riday 12 million oo Qof,” sidaasi waxaa yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga.

Safiirka ayaa sidoo kake tilmaamay in Turkiga uu noqday dowladda Illaah usoo diray inay badbaadiso dadka Soomaaliyeed ee la dhimanayay Abaarta iyo Macluusha, isagoo intaasi ku daray in shacabka ay u arkaan Turkiga inuusan ahayn dad Ajanabi ah oo ay u arkaan inay yihin Walaalahooda dhabta ah.

Wareysi uu Keydmedia.net Siiyay Safiirka cusub ee dawlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun ayuu wuxuu sheegay in Turkiya ku talojirto inay Caasimadda biyo iyo korontaba geliso, jidadkana ay dayactgirto.

Waxaa u Qorshaysan inay dhisto Isbitaalo, bukaan socodyo iyo shaybaarro badan, isla markaana ay soo noolayso adeegyada guud, daryeelka Caafimaadka, hirgelinta Qaxbarashada iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha.

Turkiga waxa ay Soomaaliya usoo direen intii ay dhibaatadu jirtay maraakiib iyo Diyaaraddo waday gargaarka Bini’aadanimo oo Qiimihiisu ku kacaya $365 million (TL 640 million), waxaana sidoo kale dalka ay ka hergeliyeen adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo weli dib u dhiska Dalka, waxaan ay sidoo kale Safaarad ka furteen magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya yimid maal qabeeno iyo Ganacsato badan oo ka abuuray dalka Maalgashi iyo xariiro Ganacsi oo ay kula midoobeen Shirkado iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Bilal Celik (Bilaal Shaliig) oo ah Guddoomiyaha Urur Ganacsi oo la yiraahdo Somali-Turkish Businessmen




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.