Ujeeddada Noloshaada

Maqaallo Keydmedia Online

“Labada maalmood ee ugu mudan noloshaadu waa maalinta aad dhalatay iyo maalinta aad garatid sababta aad u dhalatay” (The two most important days of your life: the day you are born and the day you find out why.) – Mark Twain, qoraa Maraykan ahaa. Tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Ujeeddada Noloshaada

Horta maxaad u nooshahay? Waa maxay ujeeddada jiritaankaagu? Ma ogtahay in aad leedahay hibo iyo tayo ayan jirin qof kale oo leh? Ma ogtahay in tahay jaadgooni ah (unique)? Ma ku baraarugsan tahay in jaadgoonimadaadu tahay tayo iyo hibo dunidu u baahan tahay ayna tahay in aad dunida u soo bandhigto oo uga faa’iidayso?

Balse, si hibadaada iyo tayadaada aad dunida uga faa’iidayso waxa aad u baahan tahay in aad marka hore aqoonsato ujeeddadaada nolosha iyo sababta aad u jirtid oo dunida u joogtid, markaas ayaad noqon kartaa qof jiritaankiisa iyo ujeeddadiisa nololeed dunida wax ku soo biirin karaan. Dr. Leo Buscaglia oo ahaa qoraa iyo barafasoor Maraykan ahaa ayaa laga hayaa “it’s not enough to have lived. We should be determined to live for something”.

Xasuuso in Eebbe wayne kor ahaaye uu bini’aadamka ku sharfay in ay noqdaan wakiilladiisa adduunka, taas oo ah ammaano iyo mas’uuliyad wayn oo Eebbe dadka u dhiibay. Eebbe wayne kor ahaaye meelo badan ayuu Qur’aanka kariimka noogu sheegay in uu naga dhigay wakiilladiisa adduunka. Eebbe waxa uu yiri “وَهُوَ الَّذِي جَعَلَكُمْ خَلَائِفَ الْأَرْضِ وَرَفَعَ بَعْضَكُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ الْعِقَابِ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَّحِيم (suuratu Ancaam, aayadda 165aad).” Halkaas waxaa inooga cad in uusan jirin qof ujeeddo la’aan adduunka loo keenay. Sidaas darteed in aad garatid ujeeddadaada noloshu waa waajib diini ah ayna tahay in aad baadigoobtid oo garatid.

Sidee ku garan kartaa ujeeddadaada nolosha?

Jack Canfield oo ah qoraaga buugga “The Success Principles” waxa uu ujeeddada nolosha ku sheegay in aysan ahayn wax ay tahay in barato ama abuurto balse ay tahay wax ku abuuran oo aad ku dhalatay oo kaelya kaaga baahan in aad ku baraarugtid oo daaha ka fayddid marka aad ogaatidna aad keliya u baahan tahay dajinta yoolashii aad ku raacdayn lahayn gaarista iyo ka dhabaynta ujeeddada noloshaada.

Waxa kale oo yiri ujeeddada noloshaadu waa wax samayntooda aad ku raaxasatid ku na faraxdid. Tusaale ahaan: waxa laga yaabaa in ujeeddada noloshaadu tahay ka shaqaynta nabadda iyo wadajirka bulshada har iyo habeenna aad u taagnaan kartid sidii aad bulshada uga sheegi lahayd faa’iidada wadajirka iyo nabadda. Marka aad taas garatid ayaad dajisan kartaa yoolashii aad hawshaas ku qaban lahayd sida aqoontii iyo farsamadii aad bulshada la dhextagi lahayd uga na sharrixi lahayd ku na bari lahayd Muhiimadda nabadda iyo wadajirka.

Ujeeddada nolosha iyo yoolku (purpose of life and goal) waa kala duwan yihiin

Jack Canfield oo mawduucaan ka hadlayay waxa uu ujeeddada nolosha iyo yoolasha ku qeexay sidaan: yoolku waa taarged (target) gaar ah oo aad waqti iyo muddo cayiman ku fulinaysid hawl gaar ah, halka ujeeddada noloshu tahay mid aan dhammaad lahayn balse waa adeegsiga hibadaada dabiiciga ah iyo jiritaankaaga taas oo aad u adeegsanaysid si gaar (unique) ah isla markaa adiga oo raynrayn iyo farxad ku jira.

Asaga oo mar kale sii qeexaya kala duwanaanta ujeeddada nolosha iyo yoolasha, Jack Canfield waxa uu yiri: ujeeddada noloshu waa sababta (Why), sababta ka damaysta ah ee aad u jirtid/nooshahay (ultimate reason of being). Halka yoolku yahay “Maxay” (What), waxa aad doonaysid in aad gaartid ama samaysid. Sida in aad rabtid in labo sannadood gudahood aad nabad iyo wadajirka ku bartid ama ku baraarujisid dadka deggan degmada aad ku nooshahay.

Si aad waxaas oo dhan u gaartid ama u samaysid waxaa laga ma maarmaan ah in aad tahay qof iska adkaaday (Self-disciplined person). Ma na dhacayso in aad noqotid qof gaara ujeeddada noloshiisa adiga oo aan noqon qof iska adag oo naftiisa xakameeyay waayo guul oo dhani waxa ay ka bilaabataa iska adkaansho iyo isxakamayn.

Cali Maxamed Diini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.