Umad lama tirtiri karo!!!!

Soomaalidu waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay dad isku af isku dhaqan isku diin ah isla markaana ka soo wada jeeda tafiir qura, laakiin waxaa muuqaneysa iminka in shaqsiyaad Soomaaliyeed ay ku fakarayaan badalida afkaartaas iyagoo ku kaca xiliyada qaar ficil aad u fool xun oo lagu kala fogeynayo umadda Soomaaliyeed.
Maqaallo Keydmedia Online
Umad lama tirtiri karo!!!!

Gobalada koonfureed ee soomaaliya gaar ahaan caasimadda muqdisho waxaa ka socda dagaalo u muuqda isir sifeyn kuwaasoo lagu leynayo dadka daga koonfurta waxaana dagaaladaasi maskax ahaan, maal ahaan iyo milatari ahaanba ka danbeeya dad aan deegaan ahaan shaqo ku laheyn Banaadir iyo hareerihiisa isla markaana gobaladooda ay nabad iyo xasilooni ka jirto.

Bal eeg Boosaaso, Garawe, Hargeysa, Boorame iyo magaalooyin kaloo badan waxaa ka jira nabad oo madfac iyo mootar leyskuma asqeeyo laakiin Muqdisho iyo gobalada la mataanka ah mar walba waxaa laga abaabulaa dagaalo dhaxalkooda ay noqdaan dhimashada shacab oo lagu daray dhaawac iyo barakacin

Marka laga soo tago Muqdisho iminka waxaaba muuqaneysa in deegaano kale si toos ah logu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed ee ku abtirsade beelaha daga koonfurta gaar ahaan Hawiye bal dib u milicso akriste wixii todobaadkan ka dhacay deegaanka Boqarad ee qiyaastii 70km u jira magaalo Galkacyo ee xarunta gobalka mudug halkaasoo ay daganaayeen xoola dhaqato ka soo jeeda koonfurta Galkacyo ama hadaan si kale u dhigno beesha Hawiye.

Deegaankaasi waxaa dad ku laayay 15 Gaari oo nooca dagaalka ah kana soo ambabaxday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari uuna soo diray C/raxmaan Faroole oo iminka u muuqda nin la harsan la’ boog calooleed iyo cuqdad gaamurtay oo uu iskiis beesha Hawiye ugu hayo, waxaana taasi daliil u ah ficiladiisa foosha xun oo lagu daray erayadiisa uurxumada xanbaarsan.

Falkaasi xasuuqa ah hubka lagu fuliyay sida warar xog-ogaal ah aan ku helnay waxaa laga keenay dalka dibadiisa oo dhawaan baa laga soo dajiyay dekadda magaalada Boosaaso, ujeedada hubkan sida kolkii hore la sheegay waxa aheyd la dagaalkan burcad badeeda, waa su’aale xoola dhaqatada dagan duleedka mudug goorma ayeey burcad badeed noqdeen?.

Tan iyo markii uu dhacay falka xasuuqa ah ee loo geestay shacabka xoola dhaqatada ah warcad kama soo bixin Faroole laakiin shaqsiyaad ka mid ah hoos joogayaashiisa  waxa ay afcad ku dafireen wixii dhacay in ay xasuuq ahaayeen waxaana taas badalkeed ay ku fasireen dhacdadaasi dagaal dhex maray  beelo xoola dhaqato ah oo deegaanka wada daga, waxaana guud ahaan warbaahinta iyada oo aan eegin xaqiiqda dhabta ah isla markaana xiganaysa shaqsiyaadka xasuuqa geestay ee is difaacaya ay dhagaha shacabka ku afuufeen in waxa dhacay ay ahaayeen dagaal beeleed dhex maray xoola dhaqato deegaanka ah .

Axmed Baasto oo ah afhayeenka Galmudug ayaa si cad daboolka uga qaaday in falka Faroole iyo kooxdiisa ay geesteen uu ahaa xasuuq muuqda waxaana uu xoola dhaqato ka soo jeeda koonfurta Galkacyo waxaana Baasto uu sheegay in falkaasi gacmaha ka laaban doonin.

Ciise Axmed Dalabeey oo ah gudoomiyaha golaha guurtida siyaasadda beelaha Hawiye oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ficilka faroole ee ka dhanka ah beelaha Hawiye uu horseedi karo colaad gaamurta oo dhex marta beelaha Hawiye iyo daarood gaar ahaan beesha Majeerteen, waxaana uu ka dalbaday duqowda ku abtirsata beesha Faroole in ay maskaxdiisa badalaan.

Dhanka kale Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim oo ka mid ah Nabadoonada ka soo jeeda gobalka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday Faroole inuu ka waantoobo arimahaasi isla markaana uu magdhaw iyo raali galin ka bixiyo dhibaatadii uu gaarsiiyay shacabka.

Soomaalida oo ah bulsho meel fog wax ka eegta ayaa tiraahda Dhago laab u duleela ayaa wax maqla ee dhago leyr u duleela waxba ma maqlaan, taasoo ay uga jeedaan in qofkii waana qaadanaya uu yahay kan dhaghiisa ay laabta u duleelaan, laakiin Faroole uma muuqdo nin waana qaadanaya.

Waxa uu iska hilmaamay Faroole in aan umad sinaba loo baab’bin Karin, waxaana uu ku riyoonayaa in uu gabi ahaanba masaxo beesha Hawiye si maalkooda iyo dhulkooda uu isugu darsado, waxaana talaabadaasi ay tahay sida dad badani ay rumeysan yihiin qaraw maalmeed aan waxba wehlin.

Waxaa maan wareerinaya C/raxmaan Faroole taageera beenaadkaa dowladaha reer galbeedka iyo Itoobiya oo ka dhaadhiciyay inuu yahay Soomaali wanaagsan misna mudan hogaaminta guud ahaan Soomaaliya, waxaana iyagoo ku sii dadaalaya maan wareerintiisa ay siiyeen hub kaasoo shacab xoola dhaqato ah uu ku xasuuqay.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.