? Video: Cali Mahdi Maxamed - Khudbadii Ugu Horeysay Uguna Dambesay

Daawo Video Cusub | Keydmedia Online Exclusive (KON) - Videoyahaan Documentryga ah waxaan kasoo qaadanay dhowr Eray oo soo koobaya Nuxurka Khudbada Cali Mahdi Maxamed oo ay Kooxda Manisfesto u Magacaawdeen Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
? Video: Cali Mahdi Maxamed - Khudbadii Ugu Horeysay Uguna Dambesay

Goobta uu Cali Mahdi Maxamed Khudbada ka jeedinayo waa Golaha Shacabka oo aad Quruxdiisa halkaan ka dheehan kartaan, kadibnah ay Burburiyeen Ciidamadii Pakistaanka oo ay UNISOM horkacayeen, Hogaamiye Kooxeedyadii, Ciidamadii Itoobiyaanka iyo Kooxda Shabaab. Kuligood Qeyb bey ka ahaayeen Burburka loo geestay Guud ahaan Hantida Qaranka gaar ahaan Goloha Shacabka.

Cali Mahdi ayaa yiri: "Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo Qeybgalo kal-fadhiga Golaha dhexe ee Ururka USC, Waxaa kaloo Farax ii ah Howlihii aad soo qabateen iyo Guulihii ay kusoo dhamaadeen"

"Ururkaan USC wuxuu ahaa mid u dhashay Shacabka Soomaaliyeed markii ay u dulqaadan waayeen Xukunkii kaligi taliska ahaa ee Rajiimkii Maxamad Siyaad Barre, wuxuu ahaa Xukun Cadaalad Daro u horseeday Ummada Soomaaliyeed"


Top Secret: Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay! - Daawo Documentary Film


Erayadaan waxey kamid yihiin Erayada Furitaanka Khudbada Cali Mahdi Maxamed, waxaase Video-haan ka heli doontaa hadalo Murtiyeedkii lagu yiqiinay Madaxweyne Cali Mahdi.

Isku fiiri Goloha Shacabka Shalay iyo Golaha Shacabka Maantay.

Daawasho Wacan:- Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.