? Kismaayo-Shalay, Kismaayo-Maantay Maxaa Isbadalay? - Daawo Documentary Film

DAAWO VIDEO - Dhacdooyinkaan ka muuqda Filimkaan waxey dhaceen Labo iyo Labaatan Sano kahor, wexeyna ka dhaceen Degaanka Jubbada Hoose. 22 Sano kadib waxaa ka socota Degaankaas Xaalufin, Barakicin iyo "Anaa Xoog ugu talinaya inta kale oo Dagaanka kunool"
? Kismaayo-Shalay, Kismaayo-Maantay Maxaa Isbadalay? - Daawo Documentary Film

Xaalufinta Degaankaas Shalay waxaa loo adeegsaday Mabaadii Qaawan oo Qabiil. Ragi Arintaas fuliyay waxaad ka xasuusataan: Maxamed Saciid "Morgan", Aden Gabyow, Xasan Abshir, Maxamed Cabdi Yuusf iyo Rag kale.

Isla Mabaadiidi Qabiiliga -Qaawan aheyd ayaa Maantyanah isla ragii iyo Rag kale oo ey isku fikir/dano yihiin waxey wadaan Hurin/Colaad Dagaal Sokeeye oo dib loogu celiyo Dalka Soomaaliya!

Ragga Maantay horboodaya Arinta Kismaayo waxaad ka xasuusataan: Dagaal-ooge Gaandi, Gen. Morgan, Axmed Madoobe, Maxamed Cabdi Yuusuf, Yusuf Macalin iyo kuwo kale, waxeyna soo kaxeesteen Ciidamda Kenya si ey ku hantaan Dagaankaas.

Erayga "Xalay Dhalay" waa aray ey Soomaalidu Mudadaan dambe Isticmaasho, waxaana Isticmaalo oo Eraygu kasoo yeeraa Midka Dambiga geestay oo aan dooneyn in lala xisaabtamo. Wuxuu yiraahdaa "War-aan Xalay Dhalay ka dhigno oo aan iska iloowno horeynah u socono, waa wax lasoo dhaafayee".

Markii Eraygaas laga fiiriyo xag Islaamnimo, xag Soomaalinimo, xag Midnimo iyo xagga Saburka waa haboontahay in wixii xumaato la soo maray aan Dib loo fiirin ama aan Dib loo gocan, hase ahaatee waxaa dhacday in Midkii Shalay Dambiga galay oo Degaankii Barakiciyay meshuu Raali galin ka bixin lahaa inuu misanah Maantay - 21 Sano kadib - uu falkii guracnaa dib usoo celiyo.

Filimkaan Taarikhiga ah wuxuu xambaarsanyahay Dhaxalkii Dagaaladii Sokeeye, waxaana ka muuqda Dumar, Caruur iyo Rag shalay ku nagaa Dagaankoodi kadibnah laga soo Barakiciyay, laga dhacay Hantidoodi, dhmaantood wey faramaranyihiin oo waa Sabool.

Abayaaloow Dadkaas Maantay ma noolyihiin? Inteeseh Maantay ka nool?

Soo ma haboona in loo Caqli celiyo kuwa Maantay Colaada u carfeyso!?



Haddaba, Su’aasha ayaa ah: maxaa laga dheehan karaa muuqalkan aad daawanaysid iyo kuwa la midka ah? Maxa laga faaa’iiday dagaaalladii sokeeyee ee uu dagaalkani ka mid ahaa? Maxaa laga dhaxlay duullan beelaad iyo dirir qabiil? Miyeysan muuqan inaan wali lagu cibra qaadan wixii la soo maray ee diif iyo dacar ahaa? Miyeysan waajib ahayan in laga hortago dagaal walba oo magac qabiil wata?

Miysan muqaddas ahayn, in laga feejignaado colaad huriyayaasha labaatankii sano ee la soo dhaafay dagaal walba dhexda uga jiray, ee walina ka dhex muuqda Colaad kasta? Saw ma habboona in dirirta Jibbooyinka iyo duullanka socda la hakiyo?

Anagoo eegaynna dhibkii dhacay ee Muuqalkan marqaati nooga yahay, soo idinlama haboona in dhibka, aan dhib kale lagu sii darin, ee loo tafaxayto la iskana kaashado sidii loo heli lahaa Nabad dhexmarta Bulshada Soomaaliyeed oo runahaan Walaalo ah.

Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Fadlan hadii aad Video-gaan iska Aqootay Nala soo Xariir! Mahadsanid

FG:  Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay Bishii November, Sanadkii 2012







Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.