Waamo National Party - Xaflad balaaran oo lagu qabtay Magaalda Oslo - Daawo

Oslo (KON) - Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen dhammaan Jaaliyadda Degaamada Waamo ee Dalka Norway, ayaa Shalay oo ey Taariikhdu aheyd 19/10/2012, lagu qabtay Magaalada Oslo ee Xarunta Dalkaas.
Maqaallo Keydmedia Online
Waamo National Party - Xaflad balaaran oo lagu qabtay Magaalda Oslo - Daawo

Kulanka oo uu ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Waamo National Party ayaa waxaa hadallo munaasabadda Ku aaddan ka soo Jeediyey Waxgarad kulanka goob joog ka ahaa.

Kulan ayaa ugu horreyn waxaa lagu furay Aayado quraan ah. Kaddib waxaa goobta warbixin kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Horumarka (SFUS) Mudane C/fataax Xaaji Buuxe. Wuxuu soo dhoweeyey hawlgalka Xisbiga Waamo National Party, wuxuuna u rajeeyey in Xisbigu dedaal u galo hawlaha la isugu soo dhoweynayo Somalida degaanka Waamo.

Waxaa iyaguna sidoo kale, goobta ka hadlay ogayaal iyo wax garad kale oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cali Wacays, Siyaad iyo hooyo Fadumo C/laahi. Dhammantood waxay si qoto dheer ugu hambalyeeyeen hawlgalka Ururka Waamo National party. Intooda waxay soo jeediyen xalka arrinta Kismaayo in ay tahay in looga dambeeyo dadka degaanka, wax kasta oo dhib hor abuurayana si wadajir ah looga hortago.  

Martida goobta ka hadashay ayaa baaq culus dowladda Somaliya ugu diray sidii ay deg deg wax uga qaban lahayd arrinta Kismaayo iyo goobaha kale ee lagu muransan yahay.

Suldaan Bashiir Maxamed Geelle oo isaguna goobta ka hadlay ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhda dadka iyo degaanka Waamo. Suldaanku wuxuu si caddaan u sheegay in degaanka Waamo ay lagama maarmaan tahay in looga dambeeyo dadka degaanka Waamo, markanna aan looo baahnayn in xaqduudsi lagu kaco. Suldaanka ayaa ka digay in maamulo la soo dhoodhoobay aysan ka shaqayn karayn degmada Kismaayo iyo inta ku xeeran.  

Sidoo kale, Suldaan Bashiir ayaa somalida Norway kula dardaarmay in ay gacmaha is qabsadaan iyo ay si buuxda ula shaqeeyaan dalladda Somalida ee ka shaqaysa dalka Norway ee SPIN.

Intaa dabadeed waxaa hadalka Qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Waamo National Party Mudane Cali Maxamed Muuse (Cali Jiim).  Guddoomiyaha ayaa goobta ka jeediyey hadal ay ka soo qayb galayaashu aad ugu riyaaqeen. (hoosta ka akhri khudbada Guddoomiyaha oo qoraal ah).  

Kulanka ayaa ku soo dhommaaday jawi aad u wanaagsan. 

Khudbadda Guddoomiyaha Xisbiga Waamo National Party

Oslo: Jimce: 19/10/2012

Mudanayaal iyo Marwooyin, martida sharafta leh,

Aad iyo aad ayey ii farxad gelinaysaa in aan kulankan qiimaha badan ka soo qayb galo.  Mahad oo dhan Eebbe ayaa iska leh, marka xiga aan u mahad celiyo xubnaha rag iyo dumar isugu jira ee hawshan baaxadda leh isku soo dubariday.  

Marka hore, waxaan soo dhoweynayaa walaalaha meelaha fog fog naga soo booqday sida, Bergan iyo Stavanger ee dalka Norway iyo walaalaha kale ee ka kala yimid wadamada Sweden iyo Denmark. Walaalayaal dhammaantiin waxaan si diiran idiinku soo dhoweynayaa kulankan xiisaha badan, waana ku mahadsan tihiin waqtigiina qaaliga ah oo aad noo soo hurteen.Inta aynaan u gelin dhismaha Xisbiga Waamo  aynu wax yar taariikh-dhismeedka Xisbiga dib u milicsanno. Xisbiga Ummadda Waamo (Waamo National Party), ma ahan mid iminka cusub, balse waa mid dhismihiisu horay u jirey.

Xisbiga Waamo wuxuu saldhiggiisu ka soo farcamay dhismaha Ururka Waamo, oo 15kii Bishii Agoosto 1997 lagu aasaasay magaalada Muqdisho, isagoo ay u dhammaystiran yihiin hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.