Waayaha Cusub: Da’yar Dalkooda u diir Naxday + (Daawo Heesaha Cusub)

Nairobi (Keydmedia) - Waayaha cusub waa koox dhalinyaro fanaaniin ah oo iskood isu abaabushay xaruntoodana ay tahay magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, waxaa la aas-aasay sanadkii 2003-dii iyadoona baahidooda ay timid kadib markii la waayay fanaaniin Soomaaliyeed oo codka bulshada ku hadasha isla markaana fariinta shacabka gudbisa.
Maqaallo Keydmedia Online
Waayaha Cusub: Da’yar Dalkooda u diir Naxday + (Daawo Heesaha Cusub)

Waayaha Cusub wax soo saarkooda mar walba waxa ay ku saleeyaan dareenka bulshada iyagoona soo bandhiga heeso ay ku muujinayaan wax ka guuxaya laabta bulshada Soomaaliyeed, hore waxay u soo bandhigeen heeso ka hadlaya jaceylka iyo dhalinyarada, Nabada iyo bulshada iyo kuwa kale, waxaana iminka ay soo bandhigeen album cusub oo loogu magac daray YAABKA ALSHABAAB kaasoo ay ku jireen heeso ka turjumaya gabood falada Shabaab ay u geestaan bulshada Soomaaliyeed.

Shiine Akhyaar waa gudoomiyaha kooxda Waayaha Cusub, waxaana uu telfoonka ugu waramaya keydmedia isaga oo ku sugan Nairobi (Wareysiga oo Dhameysiran Fillo Dhawaan) “ Album-kan waxaan soo saarnay markaan aragnay dhibaatada ay shabaab ku hayaan bulshada, waxaana ujeedadiisu ay tahay in bulshada loo muujiyo dhibaatada Shabaabka, waa la soconaa in dhibaatadooda laga dharagsanyahay hadana inaan tooshka ku sii ifino ayaan go’aansanay” sidaa waxa yiri Shiine.

“Kooxda waxa ay ka koobantahay 11 qof oo kala ah 6 wiil iyo 5 Gabdhood, waana dhalinyaro ku midoobay magaca Soomaaliyeed oo aan isu baheysan qabiil, xaafad iyo dan gaar ah” ayuu yiri Shiine mar uu ka jawaabayay Su’aal aheyd tirada kooxda iyo fakarka ay ku mideysanyihiin.

Albumkan cusub ayaa waxaa ku jira hees Magaceeda uu yahay NO ALSHABAAB taasoo macnaheedu yahay Maya Shabaab, iyadoona fariinta ay xanbaarsantahay ay tahay shacabku in ay iska diidaan fulinta awaamiirta shabaab iyo ku daneysigooda.

Waayaha Cusub waa astaanta xoreenta Dadka iyo Dalka soomaaliyeed. Waayaha Cusub waxey kasbadeen karaamada Dhalinyaradda Soomaaliyeed guud ahaan dunida,waxaana arintaasi ay ku cuuriyeen hal-abuurka iyo fanka qiimaha badan ee ay kooxda bulshada mar walba u bandhigto.

Marka laga yimaado dhalinyarada waxaa ku taxan heesaha waayaha cusub ay soo duubaan dadka da’da ah ee dareenka wadaniyadda leh, iyadoona guud ahaan dadka ku hadla af-soomaaliga ay Telfoonada gacanta ku wataan badankood heesaha kooxda ay qaadeen iyagoona xafidsan magacyada dhalinyarada is xilqaantay.

Gudoomiyaha Kooxda waxa uu sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan Albumo kale oo ay ka mid yihiin Mid lagu magacaabo DIB U DAJIN iyo mid kaloo lagu magacaabo NABAD, waxaana uu xusay Shiine in albunadaasi ay dadka ka heli doonaan heeso dhaxal gal ah oo qiimo badan.

Dad badan waxay rumeysanyihiin haddii la heli lahaa dhalinyaro badan oo u abaabulan qaabka Waayaha cusub oo kale in la heli lahaa isbadal dhinaca fakarka bulshada ah, waayo bulshada waxa ay waayeen dowrka wacyi galinta fanaaniinta tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Dalka.

Hadba akhriste haka laba labeyn inaad taladaada u jeediso Waayaha cusub kadib marka aad daawato Albumkan cusub ee Yaabka Alshabaab.

HEESAHA CUSUB EE ALBUMKA YAABKA AL-SHABAAB:

Heesta Garaadlaay Heesta Shababow daa shurakada Ladin Heesta Khawaarij Heesta Argagixisadu Heesta Idaaya Heesta Badbaado (Guur) Heesta No to Alshabaab Heesta Kaca Kaca

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.