Walaalayaal ka qeyb qaata…!

Cabdullaahi Xasan - Soomaaliya oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika ayna ku noolyihiin dad gaaraya ilaa 10 milyan oo ruux, waxaa xilligaan lasheegayaa in ay ku noolyinhiin dad badan oo naafo ah kuwaas oo lagu qiyaaso in ay ka badanyihiin 15% (1.5 milyan) kuwaas oo ku nool guud ahaan gobalada koofreed, waqooyi iyo Bari.
Walaalayaal ka qeyb qaata…!

Dadkaan intooda badan waxa ay ku noolyihiin caasimada Soomaaliya, Muqdisho, halkaas oo indhahaadu si fudud ay u qabanayaan dad naafo iyo waayeel ah oo ka dawarsanayaa wadooyinka, Suuqyada iyo Xaafadaha Magaalada.

Runtii nolosha dadkaasi cuuryaamiinta ah ay ku noolyiniin waa mid aad u liidata, iyada oo dadkaasi ay isugu jirtaan indhoolayaal, dhagoolayaal, kuwa jirkooda qaar maqanyahay iyo kuwa kale oo iyana da’ ay kadaba timid oo ay ula jirto nafaqa darro iyo cudurro da’da ku soo dugaala.

Dadka ayaa waxa ay ku noolyihiin waxyaabaha yarka ay ee ay dawarsadaan iyada oo intooba badan hoygoodu yahay cooshado aan celi Karin dhibicda roobha, dhedada iyo waliba dhadiga oo ugu yaalla xeryooyinka qaxootiga ee meelaha qaar magaalda Muqdisho.

Hadaba walaalayaal waxaa si naxariis leh leydinkaga codsanayaa in aad dadka walaalihiin ah kaalmeysaan waliba waqtiga Ramadanka oo fooda nagu soo haaya iyaga oo xiligaas dadkaani aadka uliita ay u bahanyihiin kaalmo afur ah.

 Waxaa mar waliba ka qeyb qaadan jiray howlaha afurinta dadka naafada ah website-ka [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url] kaas oo markasta baahiya dhibaatada heysata dadka soomaaliya guud ahaan duruufta adag ee heysata dadka naafada ah ee aan maareyn karin naftooda.

Hadaba bulsha Weynta Soomaaliyeed waxaan ka codsanneynaa in ay qeyb muhiim ah ka qaataan afurinta walaalaha naafada ah ee aadka u liita.

Cabdullaahi Xasan
+252615907530
+252699990885





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.