WALIGAA MA LA SHEEKEYSATAY 110 SANO JIR EE XISBIGII S.Y.L?

Dr. Ismail Malaas - Photo By: Bashiir Muuse Xassan & Cali Said Xassan (1988 - Baydhabo) Waxaan ka mid ahaa horseedkii xisbiga SYL “Somali youth league” xisbigii uu aas aasay Shiikh C/qaadir Shiikh Sakhaawudiin Shiikh Aweys, sidaa waxaa yiri oday aan magacan u baxshay “oday gaboobe” maadaama uu dhalay rag aqoonyahana ah oo Muqdisho ka shaqeeya qaar ganacsata ah iyo gabdho tan u yar 50 jir tahay tan u weynina ii sheegtay in ay 73 sano jir tahay.
Maqaallo Keydmedia Online
WALIGAA MA LA SHEEKEYSATAY 110 SANO JIR EE XISBIGII S.Y.L?

Odey gaboobe  wuxuu ii sheegay markaan da’diisa weydiiyay inuu 110 sano jir yahay isagoona raaciyay “sidaan u maleynayo” aniguse malaha 90 ma dhaafin.

Waxaan ku iri adeer gaboobe “war awoowe I dheh” markaasaan awoowe gaboobe ku iri  haa maandhaw, Awoowe Sh.c/qaadir Sh.sakhaawudiin ma qofkii ay ka soo maxaataa fikradii aas-aaska xisbiga? Haa, haa, haa, waxan kuu sheegayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu C/qaadir ka soo dhaqaaqay meesha cadeyga loo yaqaan ee degmada Xamar weyne haatan, kawaanka gadaashiisa waagu maandhaw waa 40-tameeyadii 1940-kii xoogaa dheer, shiikha maalintaa ka hor ayuu arkay nin meyd ahaa oo kawaanka Xamarweyne haatan ag xooran, maalintii labaad iyo seddexaad markuu arkay ayuu xer qaadiriya ah oo uu shiikha Diinta bari jiray ayuu ula soo kacay dhanka kawaanka oo meydkii ayeey qaadeen soona aaseen.

Waagaa ayuu yiri odaygii meydka waddo laga helo waxaa aasi jiray qabiilka uu noqdo, hadii cidi maalmo u iman weydo maamulka Gubeysiga ayaa iska fogeyn jiray .

Shiikh C/qaadir maalintii xigtay wuxuu dhalinyaro badan ku yiri:War sidatanu islaannimo ma ahan, dadnimo ma aha, haday sii socoto  xoolaha daaqa ayaan la mid nahay, Aadananimadeena iyo insaaninimadeennii ayaa noqsaansan.

Dhalinyaro, ganacsato iyo dhawr Karaaniyo maamulkii gumeysigu inay u shaqeeyaan awgeed uu baray garaacida Makiinada “DATTILOGARAFI” iyo xoogaa aan sii buurneyn oo afkiisa ah, sidoo kale taarka ama Signalka sida loo diro iyo sida loo qabto ayuu baray kuwa ciidamada u ahaa markaa kuma badneyn, Shikh C/qaadir eebe Jannad ha ka waraabiyee markii tiradii ugu horeysay ee dhalinyarada 13 marayaan ayuu yiri “ Inteenaanu hadaan isku raacno kulanka balaaran ee imanaya waxaan noqon doonaa kuwa unugyadii u horeeyay ee aas-aaska urur xoreeya Soomaaliya, gaarsiinayana nolal wanaagsan iyo Dowladnimo u horseeda insaanka Soomaaliyeed inuu helo Waxbarasho qota dheer oo la tartami karta Dowladaha .

Qofkii noqday aasaasihii dhaqdhaqaaqa naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed “SYC” Somali youth club wuxuu noqday isla Shiikh C/qaadir maadaama uu isagu ahaa qofkii isugu yeeray  dadka ayuu ii sheegay odaya Gaboobe .

Oday Gaboobe oo hadalkiisi sii wata  wuxuu yiri: markii u horeysay ee 13-kii aasaasayaasha ahi ay xaakinkii maamulka Engiriiska la kulmeen ayna u sheegeen in ay sameynayaan urur siyaasadeed yacnii Xisbi ayuu 13-kii qof ee uu la kulmay xaakinkii maamulka engiriiska ayuu ku yiri: ma xumo arrinta hase yeeshee uma bislidiin umana bislaan doontaan  ma ogtihiin in shacab raacato iyo beeraley aad iyo aad u danbeeya tihiin? Aniga ayuu yiri xaakinkii Engiriiska waxaan u fiirsaday meelaga miyiga ah ee ay Soomaalidu ka guuraan, aqaladoodana ay ka rartaan iyagoo roob raac ah, Gambarada ay ku fariistaan ee lugaha qoryaha leh ee iyagu qoraan haddii ay jabaan way ka tagaan, kumana fakaraan in ay sameeyaan waliba isagoo si sahlan ay u sameysan karaan, kuwaas ayaa idiin dhalay oo ma fakartaan.

Shiikh C/qaadir Shiikh Saqaawudiin ayaa  durbadiiba u jawaabay xaakinkii oo ku yiri  Xaalado dhif ah ayaad ku xukuntay Soomaalida, Soomaalidu ganbaradoodu way hagaajistaan “RIPARAZIONE”waxay yeelaan haddii haraga ganbarka ay bahalo yar yar ama cayayaan waxyeeleeyo geedo ama dhir ay yaqaanaan ayeey dheecaan ka soo miiraan, dheecaankaas ayaa dila cayayaanka, tiirarka yar yar ee ganbarku leeyahay haddii mid wax noqdo mid kale ayeey u soo qoraan haragga ganbarku haddii uu laalaabmo wey qooyaan ganbarkiina dib ayuu u sameesmaa.

Intaa wuxuu ku daray Shiikha haddii yurub ay naga hormarsantahay waxaa jiray waayo ay nolasheena maanta nolal ka xun ay ku noolaayeen ay cuduro disheen haatan dheecaanka lagu dilayo cayayaanka ee aan hindisnay, dawooyinka dhireed ee aanu dadka iyo xoolaha ku daweysano ayaan leenahay, xaakimow dadka Soomaaliyeed ee lafaha madaxa jajabaan ayaan kabana isakaba daa ganbaro IWM.

Dawooyinka aan idinku aragnay waa dawooyin aad fikradooda ka qaadateen dadka nolashooda bilowga tahay ee aad gumeysateen kuna khasabteen in nolashooda sidaa ku nagaato, hanti badan ayaad ka qaadataan kuna camirataan Yurub waagii Daacuunka iyo cudurkii aad u bixiseen “LA PESTA” oo jirka malaayiin reer Yurub ah dhibateeyay annagu waan ka badbaadnay oo dawo dhireed iyo ilaah oo na garab galay ayaan sidaa ku gaarnay, Gumeysiga ayaa na hortaagan oo nolal iyo ilbaxnimo in aan gaarno noo diiddan waayo tartan ciriiri ah ayeey yurub galeysaa.ma oggolidiin xaakimow in tacliin casri ah aan gaarno Taarwale, Karaani, Askari ilaala ah ayaadan dooneyn in aynu dhaafno .

Shiikh C/qaadir  Shiikh Saqaawudiin aad u “bururay” xaakimkii maamulka Engiriiska aad buu u yaabay  waxbuu korarsaday wuxuuna ahaa shir fool ka fool ah ee lala dodo kii u horeeyay wuxuuna dhalinyarada u ogolaaday oo ku yiri bal aasaasta urur bulshadeed kaasoo loo baxshay SYC Somali youth club, muda kadib ururkii wuxuu u xuubsiibmay xisbi Siyaasadeed oo loo baxshay SYL.

Oday Gaboobe markuu intaa ii faa’ideeyay oo uu i yiri xisbiga waxaa qortay dhalinyaro fara badan iyo askar si qarsoodi ah isu qortay qof walbana warqad aqoonsi ah la siiyay “TESSERA” lacag yarna ay bishii dhiibayeen uuna xisbiga si qarsoodi ah maleeshiya loo baxshay “Horseedkii SYL” ay durbaba Haweenkii iyana horseedka ha nala qora yiraahdeen waa la qoray waxaana loo baxshay SIISTO oo ah SISTERS ay kari waayeen Haweenkii Hooyooyinka ahaa. Oday Gaboobe waxaan ku iri awoowe intaa iigu jooji , toban sano ma dhameyn markaan shirarkii Naadiga SYL oo dadka ugu jiray Naadiga hortiisa, tubanaan jireen Heeso ayaa koox faneed oo xisbiga yeeshay aan codkooda dibadda ka maqli jirnay, lacag masrixiyeedkaasi kooxda fanka ee SYL dhigi jirtay xisbigey geli jireen.Fanka wuxuu ku bilawmay markii riwaayado la dhigayo rag kaliya rag ayaana kaalinta Haweenka gali jiray

SISTERS-ka ama SIISTO sida caamadu ugu dhawaaqi jirtay buraanbur ayeey dadka ku baraarujin jireen ku guubaabin jireen, maanta waa dhaxal suugaaneed oo Haweenkii Soomaaliyeed ee hore ay reebeen oo hadaan la daba qaban lumi doona.

Oday Gaboobe waxaan hadalkii uga joojiyay iyadoo marxalad siyaasadeed oo si qota dheer ah looga hadlo loo baahan yahay lana wareesto waliba wareysiyo dhaadheer si taariikhda SYL aanay u dhumin waayo qoraalo qoran oo Buugaag dugsiyo ama  lagaga doodo jaamacadaha ma jiraan iska daa dhalinyarada ee Xildhibaanadii, Siyaasiyiintii, aqoonyahano badan yaanan dhamaantood ayaan aqoon, DKMG ah waa ka faqiir taariikhda dhaw ee Soomaaliya iska daa mida foge.

Waxaan ku dadaali doonaa inaan saaxibkey Guuleed oon arday isla aheyn xamarna jooga bal inuu ashkhaas ama shakhsi ka haray gudigii hore ee SYL ii raadsho, ha joogaan halkan aan joogo Nayroobi ama qaaradaha kale ama xaafadaha xamaree.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.