Warbixin: Weeraradii Maantay ka dhacay Muqdisho // “Waa in aan 360° wax ka eegno”

Muqdisho (KON) - Weeraro Qaraxyo ah oo Qorsheysan ayaa Maantay gilgileen Caasimada, ayadoo Qaraxyadaas ay ka dhaceen Gudaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Dariiqa KM4 oo lagu dilay Muwaadiniin Turki ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Warbixin: Weeraradii Maantay ka dhacay Muqdisho // “Waa in aan 360° wax ka eegno”

Weeraradaan ayaa bilaawdeen Saakay, waxaana Gudaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xarunta Dhismaheeda ee degmada X/Weyne ka dhacay Qaraxyo isdaba joog ah.

Weerarrada ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay laba nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Kadib Xarunta Maxkamada waxaa ka dhacay weerar toos ah oo dhexmaray kooxo hubeysan iyo ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta.

Ciidamada Alpha Group ee Dowlada ayaa ku guuleystay in ay Toogtaan inta badan Raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo ku sugnaa gudaha maxkamada. Ciidamada Alpha Group ayaa waxey ku guuleysteen in ay badbaadiyeen 120 Ruux kana soo saareen Maxkamada.

Goobta Falku ka dhacay ayaa waxaa ku shaqeysa Maxkamadda Sare ee dalka iyadoo uu dhex degenyahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada, waxaa kaloo degan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyadoo meesha ay ku yaallaan Xafiisyo badan oo dhowr dabaq ka kooban, waxeyna u dhawdahay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Inkastoo aan tirada dhimashada Rasmiga ah la xaqiijin ayaa waxaa jira Wararka Hordhaca ah oo sheegaya in 20 Ruux ay ku nafwaayeen Weerarkaasi, waxaana ka mid ahaa laba qareen oo caan ku noqdey Kiiskii Kufsiga iyo weriye Cabdicasiis Koronto: Dr. Maxamed Maxamuud Afrax iyo Dr. Cabdikariim Xassan Gorod iyo Afhayeenkii Maxkamadda Sare Mohamed Hassan Xabeeb.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa ka soo saaray xarunta maxkamada gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilka Xanaf oo baad qaba, waxaana la sheegayaa in wali lalayahay Saraakiil kale oo kamid ah Garsoorayaasha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Maxkamadda Sare Col. Cabdullaahi Cali Geedow oo la hadlay Saxaafada ayaa yiri "Nin ayaa isku qarxiyay Albaabka Maxkamada, kadib markii xaaladdu isku yaacdey waxaa dhanka Guriga Gobolka Banaadir naga soo galay ilaa 9 nin oo hubeysan, kadib waxaa xigey Qarax ka dhacay dhismaha banaankiisa"

Sida Wararku sheegayaan Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa Maantay ka furmi lahaa Dacwad ka dhan ah TV-ga Universal ee uu Maamulo Axmadey Abuukar oo ay soo jeediyeen Qareemada Wakiilka ka ah "Milkilaha Universal" Abdulkhaadir Maxamed Aaden Baariyoow.

Qaraxii ka dhacay KM4

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar Ismiidaamin ah oo lala Bartilmaamsaday Gaari Muwaadiniin Turki ah ay saaraayeen oo ka dhacay Dariiqa KM4.

Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu qarxiyay ayaa isku Qarxiyay Gaari kale oo ay ay Wateen Kolonyo gaadiid ah, kuwaas oo ay wateen Shaqaale ka tirsan Hay’adaha dalka Turkiga oo mareysay agagaarka Hoteelka Peace ee ku yaalla inta u dhexeysa KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa Sababay Khasaare farabadan, inkastoo Goobta qaraxu uu ka dhacay ay Xirantahay waxaa jira warar soo gaarya Xafiisa Keydmedia Online ee Muqdisho oo sheegaya in 2 Turki (labada qof ee Turkiga ah mid ay ahayd qof Dumar ah) iyo 5 Soomaali ay ku dhimatay Qaraxaasi iyo ugu yaraan labo kale oo dhaawac ah.

Taliyaha Booliska Degmada Waaberi ayaa sheegey in Qaraxaan ay ku dhinteen labo qof oo u dhalatey dalka Turkiga iyo 5 qof oo Booliskii iyaga la socdey ahaa.


© Reuters


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.