Musuq-maasuqa Cawad

Wasiirkii ugu tayada xumaa ee soo mara Wasaaradda Arrimaaha Dibadda

Maqaallo Muudey Abiikar Yalaxow

Waxaa isa soo taraya fadeexooyinka Musuq-maasuq iyo wax is dabamarin ee aadka ubaahsan ee uu ku kacay sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaaha Dibadda Axmed Ciise Cawad muddadii uu Wasiirka ahaa illaa haddana uu sii wado isagoo noqday, Wasiirkii ugu tayada xumaa ee soo mara taariikhda Wasaaradda. 

Wasiirkii ugu tayada xumaa ee soo mara Wasaaradda Arrimaaha Dibadda

Wasiir Axmed Ciise Cawad wuxuu si buuxda u baabi'iyay tayadii, haykalkii iyo qaab dhismeedkii shaqo ee Wasaaradda intii uu xilka hayay. 

Cawad waa nin ku caan baxay musuqmaasuq, qabyaalad iyo eex aan geed loogu gaban, sidoo kale wuxuu ka caada dhigtay laaluushka & tahriibinta dadka si uu u sameeyo lacag badan mudada uu xilka hayay.

Axmed Ciise waa Wasiirkii u horreeyay ee u magacowdo qof u qaabilsan arrimaha tahriibka & iibinta fiisooyinka dadka usocda dalalka Yurub, Turkiga, Maraykanka, iyo dadka loo magacaabo Safaaradaha dibadda oo la sheegay in laga qaato lacago aad u farabadan, kaasoo ah wiil uu adeer uyahay oo magiciisa lugu sheegay (Suhayr). 

Suhayr wuxuu caan ka yahay khaatirna ka taagan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo maalin walba uu geeyo ugu yaraan 20 Baasaboor oo shacab ah oo dadkoodi laga soo qaatay lacago u dhaxeya 4000-6000 dollar midkiiba, Wasiirka Cawad Ayaana ka codsatay Safaaradda inay kala shaqeeyaan wiilkaas wixii khuseeya Arrimaha fiisooyinka. 

Waxaa kale iyadana shaqa taas kasii khatar badan qabata qof haweeney ah oo waliba da,a ah taasoo dagan Gurira Cawad luguna sheegay magaceeda Maryan Curubo oo ah islaantii ka dambaysay musuqmaasuqii iyo dambiyadii uu horay uga gaystay Cawad USA mudadii uu Safiirka ka ahaa halkaas. Waxaan  wada xasuusanaa sidii foosha xumayd ee uu  ula dhaqmay Axmed Cawad maxaabiistii & Jaaliyadda Soomaaliyeed Maraykanka mudadii koobnayd ee Safiirka ka ahaa Wadankaas.

Raisulwasasrihii hore Mudane Xasan Cali Khayre oo islamarkiiba si deg deg u arkay eexda iyo musuqmaasuqa Axmed Cawad iyo inuusan uqalmin in uu sii ahaado Wasiir Arrima dibadeed ayaa dhowr jeer go'aansaday inuu xilka kaqaado, isagoo u gudbiyay madaxwaynaha waxa uu ka shaqeeyo, laakiin nasiib darro Madaxweynaha oo ay isku beelyihiin ayaa hortaagay oo ka diiday in xilka laga qaado. 

Wasiirki hore Axmed Cawad isagoo ku gabanaya inuu xoojinayo xiriirka &  shaqada Wasaaradda wuxuu Hay,adaha UN,ka iyo kuwa caalamiga ah ee dalka joogaa ka shaqaalaysiiyay dad uu ku sheegay inay u yihiin lataliyayaal Wasaaradda kuwaas oo tira ahaan ka badan 10 ruux oo kan ugu yar uu qaato mushaar $5000 hal meel ama dhowr meelood oo kala duwan dadkaas dhamaantood waa reerkiisa. Waxaana xusid mudan in ay leedahay wasaaraddu lataliyayaal rasmi oo kasoo shaqaynayay muddo dheer, Wasiir cawadse cagta ayuu kudhuftay sharcigi uyaalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Cawad wuxuu waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda u magacowday nin uu abti u yahay oo lagu sheegay Saacid Aadan shaqaalaha rasmiga ahna aan kamid ahayn kaasoo uxada una qariya Lacagaha Wasaaradda bil kastana account gaar ah ugu shuba lacag ka badan $80,000 dollar oo ah running castiga Wasaaradda 
Iyo lacago kale oo farabadan oo laga helo Safasrado Ajanabi ah. 

Saacid wuxuu hadda dhamaystiray gurigii labaad oo Cawad uu uga dhisayo Magaalada Garoowe isna mid buu ka dhistay isla Garoowe taasoo ah wax la wada og yahay, oo aan ka qarsoonayn inta badan dadka yaqaano Cawad & Saacid.

Wasiir Cawad wuxuu si sharci darro Qaawan ah Garoowe uga furay Qunsuliyad Guud oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah, isagoona halkaas geeyay TIIMBARIHI (Stamp) ki Wasaaradda wuxuuna u magaabay wiil uu adeer hoose u yahay, Qunduliyadaas sharci darrada ah waxay hadda qabtaa dhammaan shaqooyinki ay lahayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Akhlaaq shaan Cawad waa nin ku caan baxay xumaan, tumasho, iyo fisqi, isagoo markuu dalka joogo gurigiisu yahay meel toddobaad kasta dhowr jeer lugu qabto wax lugu sheego PARTY laakiin dhab ahaanti ah tumasho iyo qoob kaciyaar lugu wax-yeeleeyo gabdha yar yar oo Soomaaliyeed oo lasoo qalday.

Cawad Wuxuu si sharci darro ah ugu magacaabay Agaasimayaal dad aan waligood xafiis dowlo ka kasoo shaqyan, wax khibrad ah iyo aqoon ahna aan ulahayn, isagoo meesha ka saaray dadkii khibradda iyo aqoonta diblomasiyadeed lahaa ee horay u joogay Wasaaradda kuwaas oo isugu jira Safiiro waayo arag ah, xoghayaal joogta ah, Agaasimayaal iyo Shaqaale kaleba. 

Cawad wuxuu intii uu Xafiiska joogay magacaabay in ka badan 80 diblomaasi oo intooda badan ay yihiin qaraabadiisa iyo qaar laga qaatay lacago badan oo u dhaxaysa $15, 000 $5000 dollar dhamaantoodna bannaanka Wasaaradda iyo suuqa laga wada qoray waligoodna aan Dowlad u shaqayn.

Diblomaasiyiintas la magacaabay wax yar mooyee dhammaantood waa isku darajo oo waa lataliyayaal koowaad ama kuxigeen Safiir taasoo muujinaysa in dadkaas laga iibsaday boosaskaas.

Kusime xil Wasiir Axmed Ciise Cawad dambiile galay dambiyo aad ufara badan oo foolxun, wuxuuna dareensan yahay in hadda lawad bartay oo aan xil dambe cidna ku aamini doonin, sidaa darteed wuxuu go,aansaday inuu sii gacan mariyo wixii uu gacan marin karo.

Ugu danbayntii, hadii ay jirto dowlad danaynsa in wax kaqabato Musuqmaasuqa kasocdso xafiisyada Dowladda, Waa in lugula xisaabtamaa Cawad  dhibaatooyinki uu gaystay, sharcigana lamariyo.

Qore. Muudey Abiikar Yalaxow
Email: Mudey221@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.