Waxaan rabo aan Bi’iyo Saxaafadduna yayna Farta igu fiiqin!! Warqad Keydmedia ka socoto

Keydmedia waxaa YouTube loo soo galiyey siyaasi ka cabanaya in lala mataaneeyey siyaasiin kale oo Dadka iyo dalka dambi ka galay. Haddii taasu jirto, Bulsho-weynta Soomaaliyeed oo daawata hawlgalka Keydmedia.net ayaanu u bandhigaynaa hadii ay jiraan cid aanu ku tilmaannay dambi ayna lahayn.
Maqaallo Keydmedia Online
Waxaan rabo aan Bi’iyo Saxaafadduna yayna Farta igu fiiqin!! Warqad Keydmedia ka socoto

Keydmedia waxay bogaadin iyo rayrayn u qaadanaysaa in si caddaan ah loo muujiyo haddii ay jiraan siyaasi magac leh oo la saaray dambi uusan galin-mid guud iyo mid gaar ahaaneedba. Sidoo kale, Keydmedia waxay diyaar u tahay in arrintaas dood la geliyo oo runta laga salgaaro.

Keydmedia.net waxaay u dooddaa bulshada dulman, haddana la aamusan dhibka siyaasigu u geysto. Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu rabaa in la oggolaado hab-dhaqanka uu ku adeegto oo salka ku haya burbur Bulsho, gacansaar Shisheeye iyo danaysi shakhsi.

Siyaasi isk-sheegga Soomaaliyeed wuxuu ku doodada waxaan rabno aan bi’inno saxaafadduna yayna wax iga sheegin. Wuxun rabaa in aan xado magaca Ummadda iyo Hantida Qaranka, haddana aan farta laygu fiiqin.

Wuxuu rabaa inuu shirqool kasta oo dani ugu jirto uu maleego, saxaafadduna dhinaca kale ha u jeesato. Siyaasi kasta wuxuu jecel yahay in dantiisa mooyee uusan qaban danta Bulshada, haddana u guuxo in la ammaano oo caleemo qoyan loo ruxo.

Saxaafadda Keydmedia Inc. gacmo furayn bay kusoo dhaweynaysaa inay dooddo la yeelato oo la wada xaajoodo, waxna lays tusaaleeyo cid kasta oo ka cabanaysa xog-baahinta Saxaafadda iyadoon qiic been ah laysku qarin oo la adegsan gufaacooyinka been-abuurka ah oo siyaasiga Soomaaliyeed isku qariyo.

Keydmedia cidna ma dhigaalsato, cidna shiishka ma saarto ee sida dhabta ah oo wax u jiraan bay tilmaantaa. Run-sheegiddu ceeb ma aha ee waxaa ceeb ah been-sheegid aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaa nasiibdarro Ummadda Soomaaliyeed u ah in siyaasigoodu ku caanbaxo: Maleegid khiyaamo Qaran, xatooyo Magaca iyo Hantida Qaranka, been abuurid iyo asaraar cidlo ah. Dil, Dhac iyo marin-habaabin lagu danaysto, colaad taagan iyo nabad la’aan, iwm.

Aragtida Siyaasiga Soomaaliyeed waxay ku salaysan tahay 100%98, “haddi taydu meel mariweydo cidba yay iga dambayn”. Wuxuu ku andacoodaa in Saxaafaddu Qabiil riman tahay. Wuxuu ku dadaalaa in laga rumaysto in been laga sheegay.

Wuxuu isu muujiyaa inuu ka fiyow yahay Siyaasad kasta oo Burbur Bulsho iyo Qarandumin la timid ama la timaadda. Wuxuu soo huwadaa shaal xariir ah isagoo weliba hoosta ku sita middiyo dhaadheer oo uu Bulshada ku wiiqo…!

Waxaa la ogsoon yahay inuusan jirin Siyaasi isku qiraya inuu tuug yahay. Inuu dirediraale yahay. Inuu mardadabaanlow yahay. Inuu Shisheeye kalkaal yahay. Inuu dhagarlaw yahay oo dantiisa ka hormariyo tan Bulshada. Inuu ka dambeeyo Shirqool kasta oo lagu wiiqayo xasilloonida iyo horumarka Ummadda wiiqantay.

Yaa weli arkay cid ammaanaya Saxaafadda? Waa dhif iyo naadir. Yaa arkay Siyaasi xambaarsan agoon uu Aabbihiis isagu dilay? Waa ma dhacdo. Yaa arkay Siyaasi ceel-biyood u qodaya bulsho ku nool deegaan oomane ah? Waa ma dhacdo.

Yaa arkay Siyaasi run sheegaya? Waa ma dhacdo. Yaa arkay Siyaasi farta ku fiiqaya Saxaafadda oo ku andacoonaya in duullan lagu yahay? Wax badan!?.

Dhammaantood, dan gaar ahaaneed bay u tafaxaydan yihiin, hoostana wax bay kala jiidanayan. Waa ma dhacdo in Siyaasiga dhagarlowga ah inuu ka baxo nolosha dhalanteedka ku dhisan oo dadkiisa dhinac ka raaco. Waa ma dhacdo inuu xasarad-abuurka ka waantoobo jaho-wareenta ummadda ka la fariisto.

Waxaan shaki ku jirin in Saxaafadda Keydmedia ay tahay indhihii iyo dhagihii Bulshada dulmanu ay wax ku ogaan lahayd oo ay isaga yurayn lahayd siyaasiga dhiigmiiradka ah. Siyaasi isku-sheeggu weli ma garan waxa Saxaafaddu u taagan tahay.

Siyaasigu ma jecla cidda shiishka ku haysa oo soo qufaysa godka halaqyo galeenka ah oo Siyaasiga u duugan. Jallaha Siyaasiga ah oo ka cabanaya Filimka isaga ku sii jeeda waa laga filayaa inu galgasho oo cid kale farta ku fiiqo, sidaas darteedna waa inuu Saxaafadda been ka sheegayaa.

Beensheeggu waa dhaqan Siyaasi, Saxaafadduna waa Aalad xaqiiqada ku saleysan, sidaas baana ku kala duwan nahay.

Waxaa jira Canaasiir badan oo neceb Saxaafadda iyo inta runta sheegta. Yaa mooggeyn in Siyaasiinta Soomaaliyeed tahay kuwa deriska isku dira oo Nabadda wiiqa? Waa badankoode.

Yaa mooggan in Siyaasiintu tahay kuwa kala dhextaagan Bulshada is-dhashay oo kala faquuqaya Dadka wiil iyo abti isu ah? Waa badankoode.

Nin kasta oo Dalka iyo Dadka dambi ka gala Rabbina waa u jeedaa Bulshaduna way aragtaa. In kastoo Siyaasigu uu Dalka iyo Dadka dambi joogto ah ka galo, haddana ma jecla in dambiisa la muujiyo. Waa badankoode.

Dhagarlowga Siyaasiga sheegta ma doonayo in farta lagu fiiqo. Nasiib wanaag, manta waxaa la hayaa Saxaafad madax bannaan oo runta soo Q U F A Y S A . Wax siyaasiga xun laga sheego lama waayin ee Soomaalida aad dunuubta ka gashay Cafis weydiiso Illahayna u tawbad keen!

Keydmedia.net

Nala soo Xiriir: xiriir@keydmedia.net ama facebook @Keydmedia




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.