Weerada Lagu Qaado Madaxda

Waxaa jira dhowr weerar oo lagu qaaday qaar ka tirsan saraakiisha iyo madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya oo socdaal shaqo ah ku marayay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan magaala madaxda gobolkaas ee Marka.
Maqaallo Keydmedia Online
Weerada Lagu Qaado Madaxda

Weeraradaas waxaa ugu dambeeyay labadii weerar ee shalay oo axad ahayd iyo maanta oo isniin ah lagu qaaday wafdi ay horkacayeen wasiirada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
 
weerarkii saaka dhacay ayaa sida wararku sheegayaan waxaa qasaarihii ugu badnaa uu ka soo gaaray ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan qaar ka mid ah illaalada taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo afar askari oo ka mid ah ciidankaas uu dhaawacooda uu ahaa mid culus, waxaana sida warar hadda na soo gaaray ay sheegayaan in mid ka mid ah askartaas uu goor dhoweyd u geeriyoodey dhaawicii soo gaaray, halka saddexda kalena dhaawacooda loo soo qaaday Muqdisho.
 
Haddaba marka weeraradaas dhaceen qaddar yar kadib waxaa si toos ah qaar ka mid ah idaacadaha waraysi ku saabsan sida wax u dhaceen u siiyay madaxda gobolka Shabeelaha Hoose, tusaale ahaan weerarkii shalay oo aan ahayn mid sidaa u weynaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolkaas halka weerarkii cuslaa ee maanta dhacayna uu sial markiiba si toosa ah uga hadlay guddoomiyaha gobolkaas mudane Cabdulqaadir Siidii isagoo sharaxaad faahfaahsan ka bixiyay sida ay wax u dhaceen inkastoo uusan goobjoog ka ahayn goobtii uu shilku ka dhacay.

Haddaba suaaslaha isweydiinta mudan ee maanat shacabka reer Muqdisho isweydiinayaan ayaa waxaa kamid ah:
 
1- Madaxda gobolka Shabeelaha hoose mar walba ayay wadadaas isticmaalan wax weeraro ah oo lagu qaado ma jiraan, sababtu maxay tahay? waa suaal jawaab u baahan.
 
2- Sidee bay ku dhacday  daqiiqado yar kadib markii uu weerarku dhacay sidee buu guddoomiyaha gobolku ku awooday inuu helo tafaasiil ku saabsan sida wax u dhaceen isla markaana uu saxaafadda qaarkood ugu gudbiyay? waa suaal labaad oo jawaab u baahan.
 
3- qorshayaasha weeraradan gacan intee la eg ayay madaxda gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin?
 
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka waxaan ugu baaqaynaa inay baaris dhab ah ku samayso weeraradan iska soo daba noqonaya ee isla hal goob mar walba lagula eeganayo madaxda qaranka.

Said Ahmed




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.