Wikileaks: Sir Culus: Jubbaland / Gaandi / Danjiraha Mareykanka

Warbixinta waa sidii uu u qorey danjiraha arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaa dowlada Mareykanka Bob Patterson kadib markuu la kulmay Prof. Gaandi oo xiligaas ahaa wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya si toos ahna wakiil uga ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay xulufadii Asmara isla ahaayeen, waa intaanay isku dhicin labadoodu. Warbixintii oo kooban:- August 30, 2011.
Maqaallo Keydmedia Online
Wikileaks: Sir Culus: Jubbaland / Gaandi / Danjiraha Mareykanka

Xogtaan ama warbixintan xasaasiga ah, waxaa laqorey dhamaadkii 2009; waxaana diyaarshay nin dowlada Mareykanka u qaabilsanaa arimaha Soomaliya oo magiciisa layiraahdo Bob Petterson.

Cinwaankeeduna waxaa uu ahaa “Dagaalkii Jubooyinka oo dhicidoona inkastoo cabsi laga qabo in dano ama rabitaan gaar ahi uu hor istaago.” Qoraalkaan oo ah mid aad u dheer afka Ingiriisigana ku qoran, ayaa waxaan sikooban u soo ururiney muhiimada guud ee uu xanbaarsan yahay asagoo Af-Ingiriis ahna waa ku lifaaqan yahay ciddii rabta. Muhiimadiisuse waa Sidan.

Dagaalka lagu doonayo in jubooyinka looga saaro ururka Al shabaab ayaa waxaa heshiis hoosaad ku galey Dowlada ku meel gaarka ah oo uu Shariif madaxda ka yahay iyo qabiilka Ogaadeen madaxdooda oo uu horkacayo wasiirka Gaashaandhiga Mr. Gandi. Balse waxaa cabsi weyn laga qabaa in ay ka socan weydo rabitaanka dowlada Ethiopia iyo qabiilka Mareexaan. 

Wasiirka Gaashaandhiga Mr. Gaandi, ayaa sheegay inay dowlada ku meelgaarka ahi ay xiriir lasamaysey madaxda Ogaadeen ee jooga Jubooyinka oo ay kamid yihiin kuwa jooga Raas-kanbooni oo kala ah Axmed Madoobe iyo Ibraahim Shukri si ay u heshiiyaan una aqbalaan arintaan.

Mr. Gandi waxaa uu noosheegay in madaxweyna Shariif uu arintaan aad u taagersan yahay waxaa kaloo uu intaas kudaray in larabo inay jubooyinka qabsadaan Kablalax Daarood oo kali ah meeshana aysan soo galin qabiilka Mareexaan Daarood oo Gedo dagan.

Bob Petterson oo hadalkiisa sii wata ayaa qorey, “…waxey u egtahay inuu Axmed Madoobe arintaan waafaqsan yahay mar hadii ay Jubooyinka helayaan. Mr. Gandina waxaa uu noo sheegay in dowlada ku meelgaarka ahi ay la xaaltamayso dowlada Kenya si ay arimhan uga caawiso.

Dadka noojooga Jubooyinka oo aan xariir lasamanay waxay noo sheegeen inay filayaan in madaxda qabiilka Mareexaan ay doonayaa inay jaah wareeriyaan dowlada Kenya, ayna u sheegaan inay lashaqaynayaan Mr. Gandi iyo Dowlada ku meelgaarka si jubooyinka loo qabto.

Bob Petterson waxaa uu qorey “…Gaandi waxaa uu shegey inuu Kablalax Daarood oo kali ah Kismaayo qabsado Mareeaxana aan mesha lakeenin, sababtoo ah ayuu yiri Mareexaan Daarood inuu Kismaanyo yimado waxay noqoneysaa “arin aad u xun.” 

Waxaa uu ku adkeystay inaan askar Mareexaan Kismaanyo loo dirin; laakiin hadii loo baahdo askar Ogaadeen Gedo loo diro si ay Mareexanka Gedo u caawiyaan … Gaandi waxaa uu sheegey inay dowlada Ethiopia ay Mareexan taageersan tahay gaar ahaan Barre Hiiraale iyo Morgan oo Majeerteen ah… Waxaa kaloo uu Mr. Gaandi noo sheegay in hadii Mareexaan meesha soo galaan inaan wax taageero ah laga helayn Axmed Madoobe iyo Shukri oo labaduba Kablalax Daarood ah; taasina waxaa ay keeenaysaa buu yiri in Daaroodku isku dhacaan… Mr. Gaandi waxaa uu rabaa inay Kismaayo iyo Jubooyinka ay qabsadaan asaga Gaandi , Axmed Madoobe iyo Shurki oo Ogaadeen wada ah dowlada Kenya wada shaqeyn la leh.”

Mr. Petterson waxaa uu qoraalkkisa ku soo gabagabeeyey…”Inkastoo Dowlada Ethiopia ay rabto in Al-shabaab meesha laga saaro, hadana waxaad moodaa in dowlada Ethiopia oo taageersan rabitaanka Mareexaan aysan raali ka noqoneyn in Jubooyinku ay qacanta u galaan Ogaadeen o kali ah.

Waxayna u egtahay in qolyaha ka shaqeynaya rabitaanka Mareexaan iyo Ethiopia ay u soo bandhigeen dowlada Kenya oo an waxbadan kala socon howlaha qabiilada Soomaliya qaab ay Ogaadeen iyo Mareexaan kuwada shaqeyn karaan si Kismaayo loowada qabsado.”

FG: Prof. Gaandi waxaa uu hormuud ka yahay maamulka isku magacaabay Azania ee dhowaan looga dhawaaqay lagu dhisay magaalada nairobi ee dalka Kenya. Waxaa uu horey mudo yar u ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee Dowlada Jabuuti lagu dhisay 2011. Waxaa uu ka qeyb qaatay shirkii dib-u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya ka socday asagoo mudo yar hayay gudoonka xubnaha bulshada rayidkaa ama civil society kuwoodii ka weyb galay shirkaas.

Waxaa uu siyaada Soomaaliya cagaha la soo galay markuu bilowday shirkii Eldoret 2002. Ka hor waxaa uu qeyb ka ahaa ragii I. M. Lewis gacanta ka siiyay qorshihiisii ahaa “Decentralizing Somali Politics” ee maamul goboleed saldhiga u ahaa asagoo ka qeyb qaatay shirkii Naivasha ee 1996, shirkaas waxaa abaabulay London School of Economics. 

Aragtida Gaandi ee ah Soomaalida in la kala qeybiyo ee waqti xaadirkan Kablalax ku so hartay iyo in Mareexaan meesha laga saaro maahan wax dhowaan bilowday ee in mudaa ayuu faraha kula soo jirey cid joojisana uusan arag.


Gedoonline





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.