Xagaa bixii 7-aad ee Skolka Alazhar (Daawo)

Stockholm (Keydmedia) - Skolka Alazhar ee kuyaala magaalada Stockholm, oo maamulkiisa ay hayaan aqoonyahan Somaliyeed ayaa wuxuu uqabtaa jaaliyada kunool magaaladaas Xagaa baxa, ay kunastaan waalidiinta iyo ilmuhuba mudo 8maalmood ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Xagaa bixii 7-aad ee Skolka Alazhar (Daawo)

Sanadkan waxaa laqabtay xagaa bixii 17-24Bishan July 2011, waxaana lagu qabtay magaalada Ludvika, oo kutaala duleedka Stockholm.

Xagaa baxa sanadkaan waxaa halkudhag u ahaa (Horumarku waa furaha nolosha) Dadka kasoo qayb galay xagaa baxaan waxay gaarayeen 300 oo qof, oo isugu jira ragg, dumar, dhalin yaro iyo caruur ay kamid ahayeen kuwo jira 3bilood.

Barnaamijka xagaa buxu wuxuu kakoobnaa; Muxadarooyin Diini ah, Aqoon isweydaarsi, dood cilmiyeedyo, seminaaro, ciyaaro, riwaayado, gobayo iwm.

Barnaamijku wuxuu ahaa mid aad loosoo habeeyay, looguna tala galay waalidka iyo ilmuhu inay helaan farsado wanaagsan; in maalintii oo dhan waalidka ilmaha laga hayo, lana geeyo meelo ay kusoo ciyaaraan, waxna kusoo bartaan.

Waalidkuna ay helaan waqti ay ku dhagaystaan Muxadaraadka, Cashirada, Seminaarada iyagoo haysta xasilooni iyo degenaan.

Goobta lagu qabtay xagaa buxu waxay ahyd meel aad uhabaysan, oo leh qolal jiif oo aad u habaysnaa, hoolal muxadaraad oo aad u qalabaysan, kuwo lagu ciyaaro, kuwo lagu tukado, badii lagu dabaalan lahaa iyo jikadii cuntada oo aad u heersaraysay.

Waxaa laga soo jeediyay xagaa baxa Cashiro iyo Muxadaraad aad uqiima badnaa, kuna saabsanaa mawaadiic taabanaya nolosha dhabta ah ee bulshada somaliyeed guud ahaan, gaar ahaana tan kunool qurbaha. Waxaana kamid ahaa mawaadiicda lasoo jeediyay;  Isfahanka lamaanaha iyo turxaan bixinta nolosha Qoyska…, Barbaarinta ubadka; Isfahamka waalidka iyo ilmaha…., Horumarinta nafta iyo jeexida dhabaha nolsha raadka wanaagsan leh…, Laqabsiga iyo udiyaar garowga nolosha yurub iyo sidii loo furilahaa boorsada xirxirayd mudada dheer.

Waxaa kaloo lasoo bandhigay riwaayado kahadlayay xiriirka u dhexeeya waalidka somaliyeed ee kunool Yurub iyo ilmahooda ku barbaaray halkaan iyo siday ukala fogyihiin dareenkooda ku aadan Jacaylka, guurka iwm. Iyo sidey waajib utahay waalidku inay kawarqabaan, dareemaan, qadariyaan nolosha ilmahooda intay yaryihiin, siayna lama filaan ugu noqonin markay ilmahoodii ku dhaqaqaan waxyna filaynin. 

Mawadiicdas waxaa looga dooday, loona lafaguray si aad u heersaraysa, oo kusalaysan dood wadaag iyo is qancin.

Culimada iyo aqoon yahankii kasoo qayb galay xagaa baxa waxay ahaayeen kuwo kalala yimid wadamada Sweden, Ingriiska iyo Germany. Waxayna ahayeen dad khibrad dheeraad ah uleh xaalada nolosha Somalida kunool  Yurub. Waxayna aad ugu dadaleen inay dadka u tilmamaan siday ula qabsan lahayeen nolosha Yurub, dhinacyada; waxbarashada, shaqada, deris wanaaga, fidinta Diinta iwm.

Dadka lagu marti qaaday xagaa baxa waxaa kamid ahaa abwaanka gobayaage Mustafe oo tiriyay gabayo uu kusawiryay xaalada wadanka oo uu ugu magaac daray (Ebar land = dhulkii ebarka laga dhigay). Kana codsaday kasoo qayb galayashii inay baadi goobaan qabiil layiraahdo Somali siay xubno uga noqdaan.

Gabagabadii xagaa baxa ayaa waxaa isu yimid kaqayb galayaashii oo kakoobnaa 4 qaybood:

  • Ciyaalkii da´doodu dhamayd ilaa 15, oo aad uafax-sanaa iyogaa; nastay, ciyaaray, dabaashay isbartay…Dhalintii da´doodu ahayd 16-25 oo qabtay shaqo aad uheersaraysay; haynta, ilaalinta, waxbarida ilmaha yaryar, siay waalidku u nastaan, wax u dhagaystaan. Walidkii iyo maamulkii xagaa buxuna aad bay ugu riyaqeen shaqadaa ay  dhalintu qabatay, uguna duceyeen.
  • Maamulkii xagaa baxa, oo iyaguna cadeeyay inay daremeen farxad iyo guul isagoo goobtii ayna ka dhicin wax buuq iyo dhibaato ah, waxayna aad ugu farax-sanaayeen shaqada dhalinta, oo muujiyeen somalinimo, isku duubnaan iyo karti wax qabad.  
  • Waalidintii kasoo qayb galay xagaa baxa oo sheegay barnaamijku inuu ahaa mid taabanayay noloshooda dhinacyaheeda kala duduwan, aadna ay uga faa´iidaysteen. Iyagoo adkeeyay inay jecel-yihiin inay wax kabadalaan; heerkooda waxbarasho, habka barbaarinta ubadkooda, nolosha guryahooda iwm.  Waxayna dhamaan kufaraxsanaayeen inay kasoo qayb galaan xagaa baxa sanadka soo socda in sha Allah….

Axmad Cabdullahi - Stockholm - Keydmedia



Axmad Cabdullahi - Stockholm - Keydmedia




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.