Xagee Nooga timid Xagjirnimada Gaartay Ismiidaaminta? Xalkuse muxuuyahay?

Axmednuur Cabdulaahi Cali - Waa marag ma doonto in dhagaheynu ay dhibsadeen maqalka erayga ismiidaamin maxaa yeelay waxaa kuu sawirmiya ruux isqarxiyay, hilbo dad oo dhulka waran, dhiig qulqulaya, meyd kursi ku qalalay, dhaawac xanuun la taahaya, dad shoogsan iyo ugudambeyn olol iyo uuro isqabsaday.
Maqaallo Keydmedia Online
Xagee Nooga timid Xagjirnimada Gaartay Ismiidaaminta? Xalkuse muxuuyahay?

Dadka is Qarxiyo waa kuwa ugu arxanka daran noolaha  maxaa yelay waxay markasta salfadaan shacab aan waxba galabsan. Inkastoo argagixisada Soomaaliya ka howlgasho ay ku doodaan in ay bartiilmaamed ka dhigtaan dowlada riddada (dowlada gaalowday)-Waa sida ay ugu yeeraanee, hadana 99% dadka ku waxyeelooba ismiidaamintooda waa dad rayid ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn siyaasad.

Inta aanan gudaha ugalin sababaha ku kalifaya  qof soomaali ah inuu isqarxiyo aan guudmar yar  ku sameeyo sida aynu u dhaqmi jirnay ka hor intii aan naloo soo safrin dhaqamadan martida nagu ah ee aanaan abb iyo isir midna  u laheyn.

Dhaqankeenii hore iyo culimadii nabada jeclaa

Soomaalidu waa bulsho rabiggeey  ugu nimceeyay dhaqan wanaagsan iyo diin xaniif ah. Marka aad taariikhda baaris ku sameyso waxaa kuu soo baxeyso in Soomaaliya ay diinta soo gaartay ka hor intii aysan gaarin magaalada barakeysan ee Madiinatul Munawarah, taa macnaheedu wuxuu noqonayaa inaan  kamidnahay dadkii ugu horeeyay ee qaatay una gargaaray diinta islaamka.

In diinta islaamka ay ku faafto gayigeena iyo intabadan mandiqada afrika iyadoon dhiig dad ladaadin kuma eysan imaan riyo iyo ciyaarciyaar balse waxay ku timid dadaal iyo duco ay isku dareen culimadeenii asalka ahaa ee had iyo goorba noo sheegi jiray in muslimka dhabta ah uu yahay kan afkiisa iyo gacantiisa laga nabadgalo.

Culimada sidaa ugu soo dadaashay dalkeena waa Duruqu suufiyah oo ku abtirsada Ahlusuna Wal Jamaaca. Raacista manhajkooda iyo ka dambeyntooda waa kii an ku liibaanay ee nagaarsiyaay inaan noqono umadd 100% Muslim Ahlusuna ah.

Intii muddo ahba Soomaaliya waxaa ku soo badanayay kooxa magacyo diimeed wata iskuna sheegay inay iyagu yihiin kuwa sida saxda ah diinta Islaamka u fahmay hayeeshee uusan madaxdooda sare iyo kuwooda hoose uusan ku jirin hal wadaad oo ka mid culimadii lagu yaqiinay dalkeena.

Badankood wadaadada cusub waa wiilal dhalinyaro ah oo hadiiba ay wax uun  barteen waxay sifiican ugu macalimeen  sida loo hadlo marmarka qaar waxaan is iraahdaa  waxay taqsus ku soo qaateen sida loo doodo hadalkana loo maceeyo.

Hadii la iga codsanlahaa inaan luqadeena hodankaa eray uga raadiyo dhalinta cusub ee muuqa culimada leh waxaan oran lahaa Afmiishaaaro. Howshii ugu horeysay oo ay qabteen waxay aheyd cayda iyo gaaleysiinta Shuyuuqdii  diinta noo keenay ee sababna noogu noqday muslimnimadeena. Nasiib daro fekerka kooxa cusub wuxuu helay fursad dahabi ah kadib markii ay gabi ahaan burburtay dowladii xakameynlaheyd.

Dad u badan haween iyo da’yar ayaa gurbaanka u garaacay fahamkii galeysiiyay culimadii qadiimka ahaa maxaayeelay waxaa laga dhaadhiciyay in wixii Suufiyada u sheegijireen ay ahaayeen quraafaad la dhoodhoobay. Wixii ka dambeeyay raacista kooxaha  labiska uga eg culimada waxay Soomaaliya u sii nuglaaneysay xagjirnimada iyo  Kaligii Muslimnimada (Qof isku heesto asaga bes inuu Muslim yahay)

Waa maxay sababaha uu Qofku isku Qarxinayo?

Sababaha uu Qofku isku qarxinayo waa dhowr qeybood oo kala duwan. Midda koowaad nafti hafarku wuxuu aaminsanyahay inuu Alle  ku raaligalinayo misna uu ugu dhawaanayo qarxinta naftiisa iyo halakeynta birimageydada.

Arxanlaawaha waxaa si kal iyo laab ah uga dhaadhacsan in aan Janada kabaha looga siibeyn wayoo wuxuu isku heestaa shahiid Daa’in agtiisa darajo iyo sharaf ku leh. Qiyaaliga layaabka leh ee maskaxda looga dhalanrogay  waxaa ka mid ah in ismiidaamiyuhu uu dharaarta qiyaamo u shafeecayo 70 ruux oo ahalkiisa ah madaxiisana ay janada ku galayaan.

Qodobka ugu daran wuxuu yahay in nafti-hafarku uu gaalo madoow u heesto dadka uu isku qarxinayo mar hadiiba aysan aaminsaneyn fakarka Alqaacida. Qodobkan dambe wuxuu salka ku hayaa Kaligii Muslinnimada waana arin ay ka wada simanyihiin wadaada cusub  walow ay ku kala ra’yi duwanyihiin  habka iyo sida looga hirgalinkaro Soomaaliya.

Xagee nooga timid Xagjirnimada Gaartay Ismiidaaminta Xalkuse Muxuuyahay?

Waagii isticmaarku dalkeena ka talinayay ayaa Shiikh Muxudiin Macalin Mukaram oo ah caalim weyn oo Soomaaliya laga wada garanayo wuxuu meel fagaare ah ku gubay kutub uu ka soo uruuriyay makaatiib Muqdisho ku taalay, Kitaabadas waxaa nalooga soo safriyay Sucuudiga,  dad caamo dhagaweyn  u badan oo la anfariirsan Wadaad kitaabo gubaya ayaa weydiiyay waxa ku dhaliyay inuu kutub diimeed  meel fagaare ah dab iyo baasiin ku qabadsiiyo.

Allah u naxariistee Shiikh Muxudiin wuxuu ugu jawaabay hadal taariikhda galay oo ahaa ‘Hadii Soomaaliya ay ku faafaan waxa ku qoran Kutubtaan, Soomali dhiig badan ayay iska daadindoontaa, laba isa salaantana  waala weyndoonaa’

Sidii uu noogu dhacay qaranjabka iyo ka horba boqortooyada Sucuudiga oo ah  dowladii ka dambeysay burburintii qilaafadii ugu dambeysay ee Islaamku lahaa  ee la oranjiray Cusmaaniyiinta waxay Soomaaliya oo 100% Ahlusuna ah ku dhaxbeertay Wadaado xagjirro ah oo ay dhuuxa iyo lafahaba ka gashay Manhajka looyaqaano Wahaabisamka  oo ah kan maantay dalkeena gaarsiiyay dhibaatada ugu xun.

Sucuudiga waa wadanka koowaad ee dhabarka ka wareemay dalkeena maxaa yeelay wuxuu gunta nooga talaalay Sun aan qiyaasayo inay muda qaadandoonto jirrid goynteyda.

Boqortooyadu waxay maal iyo maskaxba ku taageertay Ragga ay abuurtay ee misna  aaminsan manhajka Wahaabiga ee ku saleysan Kaligii Muslimnida, intaa kuma ekeyn silica ay noo geysatay Borqortooyada reer Aala- Sucuud ee waxay nagu harqisay kutub xambaarsan fahamka sumeysayn ee Wahaabiyada oo aysan jirin wasaarad ama wakaalad dowli ah oo naga faafreebto.

Maxaa naga bi’ilahaa hadii sunta Sucuudiga ay ku ekaanlaheyd wax dhowr qof ay masjid ku aqristay, uma maleynayo inaan gaari laheyn heerka aan manta mareyno oo ah in meel fagaare ah la isku qarxiyo.

Fowdada iyo qaska ka jira dalka wuxuu u saamaxay Wahaabiyada laga biritaaro Riyaad in ay la wareegan ilaha muhiimka ah ee wadankeena sida, Ganacsiga, waxbarashada, Warbaahinta iyo ugudambeyn siyaasada.

Ayaandarro iyo musiibo noogama horeyn markii kutubtii uu kontameeyadii gubay Shiikh Muxudiin Macalin Mukaram ay manhaj waxbarasho u noqdeen caruurteena dhigata dugsi hoose ilaa jaamacad, durba wixii la filayay waa dhaceen, xagjirnimo, kaligii Muslim iyo galeysiin aan loo meeldayan, dabcan wixii xigayna sharaxaad uma bahno, waa camaliya istish haadiyah, erayga alqaacida u taqaan ismiidin.

Maxaa Xal ah

Xalka wuxuu ku jiraa in Soomaali dhaqankeedii iyo culimadii saxda ahaa ay u laabtaan iyo in loo guntado  dagaal dhinackasta ah oo  dalka  looga sifeynayo  fahamkaan sumeysan. Waxaa caddaan ah inaan Wahaabinimada lagu tirtirikarin Xabbad oo qura, waxaa loobaahanyahay in waalidku ogaado macalinka wax u baraya cunugiisa waxa uu aaminsanyahay, Shiikha masjidka wax uga aqriyo wiilkaaga manhajka uu heesto.

Hadii sidaan Soomaali ku sii socoto oo la yiraahdo kii qamiis gashadaba waa Shiikh waxaan filnaabaa waa qarxiska iyo qaxarka oo sii toban jibaarmo.

Fiira gaar ah: Maqaalkeygu kuma saleysno caadifad ama cid u xaglin, hayeeshee waa baaris iyo taariikhda wax aan ku ogaaday.

W.Q. Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali - ahmednuur@journalist.com  


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.